Xildhibaan Maxamud C/llaahi Jaamac Sifir oo u ololaynaayay in la rido xukuumada Geedi iyo xildhibaan Xuseen Caraale oo difaacayay xukuumada Cali Maxamed Geedi. Dagaalka oo markii danbe isu rogay gacan ka hadal waxa uu dhex maray Xildhibaan Cabdillaahi Jamac Sifir oo dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Xildhibaan Xuseen Caraale, dagaalka oo markii hore ku bilaabmay afka oo la iskaga tuur tuuro hadalo kul kulul oo loogu awood sheeganaayay Xildhibaan Sifir oo hortiisa lagaga cadeeyay in aanu waxba ka ahyn kooxda Imbigaat ee Somaliyai..
Arinta ayaa faraha ka baxday maanta markii dib loo soo doortay Raysal Wasaaraha kooxda Carta oo uu ka soo hor jeeday Xildhibaan Sifir, Xaga Xildhibaan Xuseen Caraale uu ka taageersanaa Mr Geedi in uu sii joogo jagadiisa isla markaasna laga gardaranyhay ayan khald tahy in loo qaado cod lagu ridaayo Cali Maxamed Geedi, hadaba waxa ay arintu faraha ka sii baxday markii labada xildhibaan ee erayda aflagaadada ah isku tuur tuuraaya mid difaaca iyo mid ka soo horjeeda Cali Maxamed Geedi, codkii loo qaaday uu ku guulaystay in uu Geedi sii joogo oo uu guulaystay ayaa Xuseen Caraale ku soo tuuray hadal ay intii Geedi taagersanyd oo dhami sacbka u tumeen, hadalkaasi oo uu ahaa''. Adiga oo aan Somaliland tagi karin isla markaana dadkaaga matalin ayaad doonaysaa in aad halkan anaga iska kaaya hor keento, Sifirow taasi kaa soconmayso meeshana waa Somaliya ee ma aha Somaliland taasi oo Xildhibaan Sifir dhiiga kicisay isla markaasna dhalisay in labda Xildhibaan dagaal isugu qaad qaadaan,xaga markii ay Booliskii meesha joogay markii ay kala kaxeeyeen Sifirna ku tuuray anigaa wax kaa dhigay ee maxaad tahy hadana car bal wax ha ka socdaan sheekadaa laalushka lagu soo doortay Geedi, angaa qudhunkiina soo doonanay, hadaldaasi oo kuwii Xuseen Caraale u sacabinaayay aamusiisay.
Labada xildhibaanba waxa wajiyadooda ka muuqaday xoogaa barar ah oo midba midka kale gaadhsiiyay waloo ay labdooduba dhiig tufaayeen lama garan karo waxa ay qabaan ee intaasi u sii dheer iyada oo la noo diiday in aanu wax hadal ah midkoodna la yeelano halkaasna mid walba lagaga qaaday baabuurkii uu la socday markii hore ee ay ku yimaadee madashii uu codku ka dhacaayay oo ahayd xarunta ADC ee magaalda Baydhabo.
Cali Maxamed Geedi oo isagu madasha ka hadlay ayaa u mahd naqay Xildhibaan Xuseen Caraale iyo dhamaan intii u codaysay maanta isla markaasna waxa uu u dhaartay isaga oo farata luxaaya intii hawshan ku soo kicisay iyo inta ka soo horjeedayba ee ka fooday isga oo sheegay in ayna dawladiisa ka mid noqon doonin oo aanu ku soo dari doonin wasiirada cusub ee uu soo dhisi doono.
Badiba xildhibaanada ka soo jeeday Somaliland ee sida tuugada ah u tagay shirki Kiinya isla markaasina jagooyin ka qabtay ama xilal sar sare dawlada Imbigaati ayaa badankooda waxa ay ka sii gurmayaan magaalda Baydhaba iyaga oo ka yaacaaya isla markaasna dareemaayay in aan qadarin iyo wax qiimo ah ayna ku haysanin Kooxdooda Imbigaati ay kala yimaadeen, iyada oo Cali Maxamed Geedina uu hore uguba cadeeyay in ayna kooxdan ka soo jeeda Somaliland ayna ahayn dad dadkooda matala isla markaasna isga kala midyihiin tagitaanka ay tagi karaan Somaliland, taasi oo soo shaac baxaysay bilihii ugu danbeeyayba, hada waxa ay u eegtay in labada garab ay soo kala taaganyihiin isla markaasna ay taabatay xaqiiqda dhabta ah ee meesha taala taasi oo ayna shicibka reer Somaliland sinaba uga mid noqon karin wxii lagu soo dhisay dalka Kiiniya.
Hadal iyo dhamaantii lama garan karo waxa uu yeeli doono ayaamaha soo socda Xildhibaan Cabdilahi Maxamuud Sifir iyo wax kale iyo waliba waxa dhaawacii gaadhay maanta inta uu leegyahay
A.M.Musa
Qarannews24
Baydhabo
No comments:
Post a Comment