Tuesday, October 24, 2006

Boqor Buurmadaw ha Isa saxo raali gelina ha Bixiyo

(Waridaad)Waxaan naqdiyayaa waraysi uu dhawaan siiyay wargayska geeska africa Boqor cismaan aw maxud (buurmadaw) isagoo jooga Imaaraadka carabta kaasoo uu ugu baaqayay somaliland jihaad lala galo maxkamadaha muqdisho, sidoo kale arimo kale kaga hadlay, walaw aan isku canaanayo inaan naqdiyo hogaan dhaqameed iga mudan tixgelin sida uu i farayo dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan ee lagu barbaariyo bulshadeena.hadana sidaas oo ay tahay waxaa Aan la liqi karayn hadalo ka soo yeedhay boqorka kuwaasoo xitaa hadii ay dhab tahay oo uu yidhi hadalaas, ay nuqsaan ku tahay karaamadiisa hogaan dhaqameed ahaan, waxna u dhimayso istixgelinta,wadajirka iyo wada shaqaynta guud ee hogaan dhaqameedyada bahwaynta habar habuusheed iyo sawirka guud ee ay ka bixinayso quality ga iyo habdhaqanka hogaan dhaqaamedyada somaliland.

Hadaan markaa iftiimiyo waxyaabaha boqorka la odhan karo may ahayn inuu hadalka sidaa u dhigo amaba way ka hoysaysaa hadal hufnaantii iyo turxaan la'aantii uu u asiibi jiray sida ugu haboon markaa uu arrimo guud ka hadlayo dhinaca kalena laba odhan karo waa kaarto dhaameelnimo:-



Boqor Buurmadaw waxa uu Yidhi!


Buurmadoow oo u muuqday inuu u duur xulayo qaar ka mid ah Madaxdhaqameedyada gobolka Togdheer waxa uu yidhi, “Waxa maalmahan soo baxayay hadal ahaa dad ayaa ku hadlaya magaca gobolo afar ah oo aan anigu ka soo jeedo waxaan qabaa inay ayaan darro tahay inay talliyaan dad aan tallin jirin oo la dhagaysto oo ay warbaahinta ka muuqdaan. Waxaan leeyahay sida Dimuqraadiyadu qabto tirada yari tirada badan ha u hogaansanto tallana sida loo kala leeyahay haddii la isu tixgelin waayo codka VITO [Codka diidmada ah] ayaa shaqaynaya.”?????
BoqorKa waxaanu leenahay:-


Kow hadaan sharaxo boqorku cida uu la hadlayo marka uu leeyahay dad ayaa ku hadlaya magaca gobolo afar ah oo isagu ka soo jeedo waa sida uu hadalka u dhigaye waxaa uu ujeedaa beelaha bahwaynta habar-habuusheed, cida hadashay ee uu u duurxulayaana waa saddexdii suldaan ee ka mida sideeda hogaan dhaqameed ee habar habuush kana hadlay qadiyadii culimadii reer somaliland ee xaqdarada ku xidhan gaar ahaan arintii Shiikh Maxed Ismaciil ee cajalada laga soo bandhigay, suldanadas oo kala ahaa Suldaan Maxamud Guuleed Mire, Suldaan C/raxman Jamac Qodax iyo Suldan Max'ud Xaji Xuseen Nuur Cali. iyadoo nuxurka waxa ay ka hadleen ay ahayd cadaalad daro taasoo wax u dhimi karta nabadgelyada guud ee dalka waajibkoodana ahayd inay ka hadlaan baaqna ka soo saaraan iyagoo ah qaar ka mida hogan dhaqameedyada beelaha boqorku sheegay ee afarta gobol ka soo jeeda kuwaasoo qabay kalsooni ah isku duubnida bahwaynta istixgelinta iyo isaga danbaynta arimahan oo kale marka qaarkood sidan u hadlaan. sidoo kale ay ahaayeen salaadiintii markii boqorka laftiisa sida masabidka,bahdilka iyo kareemo ridka ah ee xabsiga loogu taxaabay dhamaadkii bishii janaayo labada kun iyo afarta mudada saddexda bilood ah,ay sidan oo kale uga hadleen uguna baaqeen xukumaada rayaale in boqorka xoriyadiisii loo soo celiyo iyagoo tilmaamay in meel lagaga dhacay tixgelintii hogaan dhaqameednimo iyo waliba karaamadii beelihii uu cimaamada u siday, waana tii la ogaa wixii la isla mutay dhinac kasta oo ay qusaysay.



Waxaana xusuuus mudan inaan dhamaan shacabka somaliland xaqdaradii lagula kacay buurmadaw aanay si guud uga hadal halka ay jireen dadyaw iyagu ku diirsanayay bahdilkiisa. hadaba boqorka waxaanu leenahay hadii markii aad jeelka ka soo baxday ka dib aad meesha ka saarteen kala qaybsanaantii hogaan dhaqameedkiina taasoo xukuumadu ka shaqaysay runtiina cidii ay adeegsatay ee rayale u kaanbayn garaysay ay adiga ahayd abaalkaagiina noqday in xadhig bilaa danbiya iyo karaamo ridid ah lagugula kacay adigoo waxaa aad ka hadashay ahayd waxaad ku tilmaantay danta shacabka oo aad markii hore xukumada xaqdaro kula heshiisay halka aad xaqii ku colowdeen.


Goorma ayay boqoroow midnimadii aad bishii june 2004 baaqa kaga soo saarteen hargaysa in hogaan dhaqameedkiina siddeeda ahaa aad u midawdeen ka shaqaynta danaha gaar ahaaneed ee bahwaynta iyo kuwa guudba ee qaranka somaliland ay baaba'day? waa kuwama boqoroow dadka aan talin jirin ee taliyay?goorma ayay ardaayada maxamed shiikh isaxaaq, cumar jibriil iyo axmed faax cabdile suldaanadoodii ay noqdeen dad an talin jirin? ma og-tahayse boqoroow in dimoqraadiyada ay ka sinaan,xoriyad iyo xaquuqba badan tahay ta dhaqankeena reer-guuraanimo iyo diineedba? hadayse kaa daacad tahay ayna wax jira tahay maad u sheegtid rayaalaha aad gacansaarka kaga doonayso khiyaamaynta iyo aflagaadaynta dadka aad cimaamadooda sidato, taasoo ah waxaad sheegayso nin laga badan yahay oo xukuma dad ka badan hadana waliba jabiya dastuurkii xaqa u siiyay inuu xukumo dad ka tirro badan,baal-madawna u ku leeyahay tariikhda halgan iyo marxalado ay dadkani soo mareen waa hadii in uun ay jirto qiimo loo yeelayo dadkani waxay somaliland yidhaahdaan waanu u soo maray? ma og tahay hadii aanad arinkaa kaa dhacay aanad xaal marin ka bixin cawaaqibkeedu noqon doono in aakhirka aad noqoto boqor cumar faarax biciide ah oo aanad metelin roobsuge faarax biciide.....?


Boqorku wuxuu ku baaqay Jihaad lala galo Maxkamadaha!


Boqorku wuxuu ku sababeeyay jihaadka lala galo maxkamadaha,xasan turki oo hadal shaqsiya oo aanu kaga wakiil ahayn maxkamadaha lakiin isagoo ka tirsan maxkamadaha uu yidhi jeelka hargaysa ayaan kala soo baxaynaa shiikh maxed ismaciil balse maaha wax umada u cuntamaya ama noqonaysa sabab jidaynaysa jihaad lala galo dad islaam ah oo doonaya ku dhaqanka shareecada islaamka iyo qaadashada kitaabka alle,hiigsanayana inay wadankooda ka dhisaan dawlad islaamiya taasoo ah mid aanay marti uga ahayn inay cid kale uga arimiso balse wadamada reer galbeedku aanay maslaxadahooda u wanaagsanayn dawlad islaamiya oo gobolka ka curata waxayna u samaysteen dawlado ka hortaga sida itoobiya,keenya iyo ugaandha sidoo kale maamulo ka jira gobolada dalkana qaar ayaa siyaasadahaa ku shaqanaynaya dawlada itoobiyana ay uga wakiil tahay reer galbeedka.


Hadaba lama dhegaysanayo qaylada boqorka ka soo yeedhay ee odhanaysa" Ninka hadalkaa waa xasan turki e,waa nin loo tirinaayo xasuuqii dadka isaaqa ah laga galay oo sidaa darteed maxkamadaha dadkoodii nabada iyo nidaamka u keenay baanu la jihaadaynaa oo halkee ayaynu iska gadhaynaa?jihaadkuse yuu u banaan yahay,goormase ayaa la jihadaa,yaase lala jihaadaa?xasan turkise muxuuse ugu dhiiraday inuu dad uu danbi ka galay hadana maanta oo ay dawlad ay yihiin inay hanjabadaasi ka soo baxdo? boqorku se sawka inoo sheegay inaanuu maxkamadaha muqdisho somaliland ugu baqayn waxna yeeli karin wax cabsiyina aanay ka hayn? waa maxay waxan oo isburin ahi? miyaynuse ka liidanaa marwadii arin u muuqday waxaan soconayn kaga jawaabtay hadalka iminka dhaxalgalka noqday murtidana ah(Iska hadloow Ina Igare) halka nin hogaan dhaqameed ahi waliba loo tiriyo inuu ka mid yahay raga ugu magaca wayn, geyiga somaliyedna caan kaga ah aslaax ka shaqaynta inuu jihaad ku baaqo!!
Waxaaa runtii la odhan kara xasan turki iyo cidii la midka ah ee beelaha isaaqu wax u tirsanayaan ha la gaadho xiliga halka uu joogo lagu soo qabanayo ama yeedhmo loo yeedho uu ku yimaado maxkamad qaadaysa danbiyada xasuuqa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.balse xasan turki inuu dhiiranaantaa yeesho ama dadkan u soo dhololo wax lala yaabo maaha waayo wuxuu og yahay in dadku ay yihiin dad wanaagsan oo sida umusha ilawshiiyo dhaw maadaama rayaale oo asxaabtiisii ay isku mashruuuca dabargoynta ahaayeen ay maanta iyagii madaxwayne ka dhigteen oo ay ka maarmeen halgamayaashii Snm ee ka dhiidhiyay dadkoodii wixii lagula kacay!waxaa iyana sidoo kale xusuus mudan in morgan yidhi markii 2003 rayaale madaxwayne loo doortay dee isaaqu waa dad wacane anigana wasiirka gaashaandhiga ha iga dhigteeen!


Boqorka Muu ka hadlo dhacdadii jeelka hargaysa!


Waxaa u ekayd boqorka bilaa naqdina noqon lahayd inuu shacabka ku baraarujiyo inay xukuumada waydiiyaan inay soo bandhigto sababtii ka danbaysay inay si hawl yar jeelka dhexe ee hargaysa ay uga baxsadaan march 26.06. iyagoo isticmaalaya hubkii ciiidanka asluubta ee jeelka ilaalada ka ahaa "cajiiiib" ragaasoo ahaa rag dembi dhaba oo argagixiso dalka iyo dadka ka galay ahaana dad ku xukunaa dil iyo xabsi daa'in, iyadoo qofka gacan ku dhiiglaha ahi jeelasha somaliland lagu xidho qolal sabada oo dhulkana garaai'd shub lagu sameeyay looguna xidho adin iyo gacan isdhaafa silsilad, ayna ku adag tahay inay lafahooda wax u cunaan markay sidaa u xidhan yihiin iskaba daa inay qorsheeyaan inay jeelka ka baxsadaane. markaa miyaanay inta durbanada iyo digniinaha beenta ah xukuumada iyo boqorku ay tumayaan oo nin hadal iska yidhi isagoo afmadaw jooga umada lagu ruxaayo oo lagu jihaynaayo, waa in runta laga sheegaa oo cadawga qudha ee in lala jihaado u baahani waa cida hargaysa joogta ee xukuumaduna og tahay ee ka shaqaysay isku daygii nimankaasi ku baxsadeen shacabkuna soo qabteen mar labaad iyadoo markii hore laga kala qabtay dhoqoshay iyo hargaysa.


Boqorka iyo xukuumaduba meel khaldan bay aqoonsi ka dooneen


Waxaa iyana in laga biyo diido mudan shaki wayna leh hadalada boqorka iyo xukuumadu ay midna cabdilahi yuusuf iyo cade ku waydiinayo inuu somaliland aqoonsado midna caalamka si ay ula wada dagaalamaan maxkamadaha koonfurta"cilmi ilahaahay cajaayib badanaa" goorma ayaynu dadkeenii isu arkayay inaynu gaar isu taagnay oo dhisanay dal iyo dawlad aan ilaahay mooyee shiisheeya gacan ka helin aynu la maqaam noqonay xukuumada cabdilaahi yuusuf ee imbigaati ee xabashidu soo samaysatay waxay u samaysatayna ay tahay inaanay soomaalidu ka bixin dhib si aanay jaanis iyo istiraajiyad aanay u helin dadka ay dulaysteen ee soomaali galbeed sidoo kalena aanay maqlin karin arki karina ku dhaqanka shareecada islaamka halka inagana dastuurkeenu uu dhigayo in xukuumadu fuliso amuuraha diiniga ah iyo axkaamta shareecada islaamiga ah iminkana ay si private ah ay dadku ikhtiyaarkood ugu kala baxaan marka ay ka quustaan garsoorka iyo maxkamadaha dalka gaar ahaan burco iyo hargaysa.dhinaca kale boqorku halka uu soo jeedinayo in mucaaradku kala garto mucaaradnimada iyo qaranimada allaylehe isagaa ka markhaatiya mucaraadku inuu yahay ka mar walba la soo taagan toosinta iyo talo-bixin, tilmaama oo dhalaceeya xukuumadan tayada daran leh, in la mucaaradaana waa dastuuri oo aqlabiyadii shacabka ayaa mucaaradnimo ku ilaashanaya qaranimadooda mana jirto dedaal iyaga ku baaqday waana nasiib daro in buurmadaw maanta mucaaridkii uu u isticmaalo hadaladii xiliyada qaar xukuumada riyaale marka dhaliisheeda la sheego ay iyadoo shacabka ku majaro habaabinaysa ay u isticmaali jirtay jawaabaha ay mucaaradka ugu jawaabayso halka ay qaadan lahaayeen dhaliishoda iyagoo toosinaya wixii qaloocan e markaa laga hadlo.



Baaqa saxa ah ee shacabka somaliland u baahan yahay


Shacab yahoow maanta oo dalku ugu rajo wanaagsanaa ayuu ugu werwer badan yahay cida looga werwerayaana maaha cadaw dibad kaga yimaada ama maaha maxkamadaha koonfurta,mucaaradkana maaha ee waa madaxwayne rayaale iyo kooxyar oo wasiiro ah oo ay gaadheen heer ay madaw-madaw geliyaan caqiidada umadan iyagoo aan u adeegayn danaha umadii soo dooratay ee ay u adeegayaan danaha cadaw ka soo hor jeedo diintooda iyo caqiidadooda,magac iyo hantina lagaga doono karaamo dilka muwaadaniinta iyo dafiraada rabitaanka ku dhaqanka shareecada islaamka.Xusuusnaada shirkii april 27-may 18 1991 markii beelaha somaliland isagu yimaadeen burco ka dibna isturxaan bixin iyo nabadayntii aaya ka tashi lagu qaaday qodobadii lagu dhawaaqay ee shirkaa ka soo baxay ee lagu dhawaaqay May 17 keedii halka calanka la saaray May 18 waxaa ay ahaayeen toddoba qodob oo ay ugu horeeyeen uguna muhiimsanaayeen nabadayntii iyo turxaanbixintii,la soo noqoshadii madax banaanida iyo ku dhaqanka shareecada islaamka?markaa iyadoo intaaba maamuladii dalkan soo marayay aanay hoos u eegin rabitaankii iyo ku dhaqankii shareecada islaamka illaahayna sidaa lagu baryay berrigaa oo lagu faataxaystay, miyaan la odhan karin fulin la'aanta amuurihii ilaahay lagaga ducaystay waxaynu ku mudanay oo ilaahay wax inagu tusayaa sida.... madax aan daacad ahayn, oo caadaystay ku tagri falka hantida umada ,danaha shacabka oo aanay u adeegin, oo iyagu ka danaysta,cadaalad la,aan,garsoorxumo,taasoo maanta ina gayaysiisay in beelihii somaliland isla qaatay 1991 kii ay maanta ka joogaan isaaq,samaroon,ciise iyo qayb ka mida beelaha gabooyaha halka aanay dad badani qaarna aanay dhaadaneen saamaynta ay ku yeelanayso ictiraafkan qarka soo saaran markasta oo laga hadlo ku tumashada dastuurka somaliland qaarna aanay danba ka lahayn maqnaanshahooda oo ay ku qanacsan yihiin sidaa iminka la yahay iyagoo isticmaala naxli iyo ciil ku salaysan dagaaladii ay la soo safteen dawladii siyaad bare hadana dhoohanaantooda wax la yidhaahdo soomaliland ayay doonayaan.hadaba sidan xalka kaliya ee lagaga bixi karaa waa iyadoo la taageero baaqii ay soo jeediyeen culimada somaliland ee ahaa in xukuumadu ay ku dhaqanto shareecada islaamka maankana ha lagu hayo culimada somaliland,asxaabta mucaaradka,golaha barlamaanka iyo mujaahidiintii ilaa hada iyadoo aan dalkan laga abaal marin hadana heegan u ah difaacidiisa, intooda aan dhabarka la taban ha la iska kaashadoo hadii laga fursan waayo oo marinkan la hayo ee haadaanta ah aan umada laga qaban intaan xaalku gaadhin quus iyo kala dhaqaaq walaw kitaabka ilaahay la isku daba qaban karo oo la taageero culimadeena kuwaasoo aaminsan madax banaanida somaliland haday doonaan iyagu xisbiyada mucaaaradka ha ku biiraan oo dalka iyo dadka la badbaadiyaan hadii kale waxa ka dhici:-


Rag Cadaalad Waayay Sidii Cawsha Kala YaacCaarrow Shabeell IYO Dhurwaa Nalagu Cawreeyecanka Nagu Gur Bahal Goodiroo loo Cimaamadee!


Maxamuud Axmed Jaamac (saxar)


Manchester United Kingdom.


dhalame@hotmail.com

No comments: