Tuesday, October 24, 2006

Madaxweyne Rayaale “Ku Dhaqanka Shareecada Diinta Islaamka Inaynu Ku dhaqano, U mada Keliya Ee Islaama ee Afti-dasduur u qaadatay Ayeynu Nahay"

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasin oo ay wehelimayeen xubno ka mida Golaha dhexe, xidlhibaano ka tirsan labada Gole (Guurtida iyo wakiilada) ayaa boqolaal dadweynaha ku nool caasimada somaliland kala qeyb galay saaka tukashada salaada ciidal fidriga masaajidka weyn ee mustajaamaca ee magaalada Hargeysa.


Madaxweynaha oo khudbad halkaasi ka jeediyey ayaa waxa uu ku sheegay Somaliland inay tahay dalka kaliya ee islaamka ee Aftidii dasduurka ugu codeeyey ku dhaqanka shareecada diinta islaamka, waxaanu madaxweynuhu carabka ku adkeeyey inay ku dhaqmayaan dawlad ahaan iyo u mad ahaanba.



waxan ka baryayaa inuu ciidan(Ciidal fidri) ciideeda inagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo iyo horumar, dhamaan caalamka islaamka gaar ahaana Somaliland gudo iyo dibadba “Bismilaahi Raxmaani raxmaani raxiim, Alaahu Akbar, Alaahu Akbar, Alaahu Akbar ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ciidan(Ciidal fidri) ciideeda inagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo iyo horumar dhamaan caalamka islaamka, gaar ahaana Somaliland gudo iyo dibadba, waxaanan halkan ka soo jeedinayaa inuu ilaahay denbigeena dhaafo janadana inaga waraabiyo, sanadkan sanadkiisana inagu gaadhsiiyo khayr iyo barwaaqo”Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.



Waxa uu madaxweynhu shacbiga reer Somaliland kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadgelyada oo ay cadowgooda meel uga soo wada jeedsadaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Kelmad dardaarana ayaan halkan ka soo jeedinayaa,waxaanan idin leeyahay walaalnimadeena iyo wadajirkeena inaan ilaashano ayaa inagu wada waajiba sida uu sheekhu sheegay, diinta islaamka shareecada inaan ku dhaqano umada keliya ee Islaama ee Afti-dasduur u qaadatay ayeynu nahay, taas ayeynu ku dhaqmaynaa (Shareecada Islaamka) dawlad ahaan iyo umad ahaanba. Waxa uu cadowgu ila maagan yahay waa ineynu ka mideysnaanaa oo meel uga soo wada jeedsanaa, ayaan idinkula dardaarmayaa”Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale




Source: Hadhwanaag News

No comments: