Friday, October 20, 2006

Culimada Ehlu Suna-Wal Jamaaca Oo Wahaabiyiin Ku Tilmaamay Maxkamadaha Muqdisho Iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Somaliland

“13-Kii Culimada Ah Ee Hambalyeeyey Wahaabiyiinta Muqdisho Maaha Culimada Somaliland” – Sh. C/Laahi Mataan.

Hargeysa, October 18, 2006 (Haatuf) – Culimada Ehlu Suna Wal Jamaaca ee Somaliland ayaa iftiimiyey, isla markaana faah-faahin ka bixiyey waxay Diinta Islaamku ka qabto Maxkamadaha Muqdisho, iyaga oo sheegay in aanay diinta islaamka meelna kaga jirin Maxkamado is-magacaabay oo aanay jirin dawlad islaam ah oo magacawday.Sidaana waxay ku sheegeen kulan balaadhan oo ay shalay ku qabteen barxada Tiyaatarka burbursan ee Hargeysa, kulankaas oo ay ka soo qayb-galeen ilaa boqol xubnood oo ka tirsan culimada Ehlu Suna Wal Jamaaca ee Somaliland oo ka kala yimid dhamaan gobolada Somaliland. Iyaga oo intaa ku daray inay yihiin kuwii uu nebigu ka digey inay soo bixi doonaan aakhira-sabanka, isla markaana ay yihiin hadhaagii gacan ku dhiiglayaashii xasuuqay shicibka Somaliland.

Ugu horeyn, waxa halkaa ka hadlay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Sh. Axmed Muxumed (Aayatullaah), waxaanu halkaa akhriyey baaq, isaga oo yidhi “Marka u horeysa waxaanu golayaasha qaranka, xukuumada iyo shicibka Somaliland-ba gaadhsiinaynaa bayaan iyo baaq, ugu horeyna waxaanu ku baraarujinaynaa shicibka Somaliland inay ummadda reer Somaliland tahay umad 100% muslim ah, ummad 100% ehlu suna wal jamaaca ah, umad tan iyo soo bixidii rasuulka (CALAYHI SALAATU WASALAAM) higradii rasuulka ee Madiina intaanay dhicin ka hor ayay wadankeena diinta islaamku soo gaadhay. Nebi Maxamed (CALAYHI SALAATU WASALAAM) iyo axsaabadii oo aan Madiina u qaxin ayay halkan Khlufaa-u-raashidiintii Cismaan binu Cafaan oo ay la socoto Ruqiya Rasuul, C/laahi binu Mascuud, qayb ka mid ah ayaa halkan laba goor iskaga daba timid. Halkan Rasuulku (CALAYHI SALAATU WASALAAM) boqorkii arladan haystay markaas oo loo yaqaanay Ardul Xabash oo la odhan jirey Asxamar oo uu nebigu markii dambe ee uu Islaamay u bixiyey Axmed, markaa arladan aynu ku noolnahay wakhtigii ay diinta Islaamku soo gaadhay waxa laga joogaa 1435 sanadood, halka ay Hijrada rasuulku maanta marayso 1427 Sanadood, Tan iyo intii ka dambeysana qarni walba waxa imanayay wufuud iyo culimo, waxaad moodaa in dadka reer Somaliland in ka mid ahi ay u rixinayaan waxa isku magacaabay Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho oo ah mooryaantii Muqdisho oo is magacawday. Waxaana jirta maxkamad Islaamiya oo aanay jirin xukuumad islaamiya oo cayintay diinta meelna kagama jirto, xukunku fuliyaana ma soconayo, waana gef iyo meel ka dhac, waana kuwii uu nebigu (CALAYHI SALAATU WASALAAM) ku tilmaamay Maariqatu Diin, oo ah kuwii diinta ka dhex-baxay oo uu inoo sheegay inay aakhira-samanka soo bixi doonaan oo ah kuwo dhakada xiirtey, guntidana gaabsaday, weligoodba waxay ka soo baxeen meel burbur ka jiro oo inaga Somaliland dawlad baa inoo dhisan, balse Hawiye waxay ku qabsadeen maamul been u dhisnayn, goormay nimankii diyaaradaha iyo madaafiicda inagu xasuuqay culimo iyo sheekhyo noqday, goormuu Maxamed Siciid Moorgan sheekh noqday, goormuu Kornayl Xasan Daahir Aweys sheekh noqday, goormuu Kornayl Yuusuf Indha-Cade Sheekh noqday, goormuu Xasan Turki oo ka mid ahaa ciidamadii dabar-goynta Isaaqa, siiba gaaskii 12-aad ee Cadaadley oo ku xasuuqay Hara-sheekh dad badan, halkaa reer Somaliland-now diini idinka kama jirto, tolna idinkama xigo, kuwa Xamar jooga waxa inaga xiga Xabashida Addis Ababa joogta, reer Somaliland-now ka digtoonaada maxaakiiim maahee waa kuwii uu nebigu sheegay mid kastana waa aragteenoo gadhkaa dhulka jooga, madaxana way xiiran yihiin, bal 13-kii culimada sheeganayay ee dhowaan shirka jaraa’id qabtay cumaamadaha madaxiina ka qaada dhe, gidi madaxay wada xiiran yihiin.

Guntii iyo gabagabadii caqli xumada way ka shabahaan, waxay yidhaahdeen qur’aanka iyo axaadiista ayaanu haysanaa, siday u haystaan sheekhba malahee, waxa xaqiiqo ah sida ay idaacada BBC-du u buunbuuniso, waxaana daliil u ah wariye Axmed Siciid Cige shirkoodii jaraa’id wuu faafiyey, anaguna tan iyo daraadba waanu daba soconay, shirkayagan maantana waa kaa iman waayay”.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Sh. C/laahi Mataan oo ka mid ah culimada caasimada, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Diinta Islaamku waa diin nabadgelyo, ummada Somaliland waxaan su’aalayaa goorta ay nimanka miinooyinka xambaarsani ay musheekh iyo muslim noqdeen, maaha islaam ee waa maariqiin, diintana way ka dhex baxeen, magaalada Muqdisho oo ay iskugu hadheen hadhaagii faqash iyo waxoogaa bidco iyo wahaabiyiin ahi ay hadana ummada reer Somaliland kolba miinooyin iyo waraaqo laga soo saaray internet-ka ay ku khalkhal gelinayaan oo ummaddan u soo dirayaan. Ummadda Somaliland waxaan uga digayaa inay ka feejignaadaan hadhaaga faqash iyo sheekh siyaadka wahaabiyiinta ah ee maxaakiimta sheeganaya ee hoyga Muqdisho ku shuraakoobay, waa fitnatul Yuhuudiya oo culimada islaamka ayaa isku raacday ninka Xasan Daahir Aweys la yidhaahdo ee daalinka ahi wuxuu BBC-da ka yidhi Somaliland waxay caabudaa Sanam Nabadgelyo la yidhaahdo, mar kaliya rasuulku nabadgelyada kamuu suulin, iimaanka iyo nabadgelyadu way isku xidhan yihiin, dagaalka iyo fakhriguna ay isku xidhan yihiin, inagoo ah umad 100% ah, waa xaaraan inaynu inn yar oo mooryaan ah oo Hawiye ah daba galno, illaahay baynu ka magan galnay, nimankii culimada Somaliland sheeganayay ee 13-ka xubnood ahaa ee hambalyeeyay wahaabiyiinta Muqdisho, kuwaasi culimada Somaliland ma metelaan, xaqiiqdiina kuwaasi Somaliland culimo uma aha”.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Sh. Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Qoladii dhowaan guddida culimada isku magacawday ee hambalyeeyey nimanka maxaakiimta islaamka isku magacaabay, anigu maxaakiim odhan maayee, waxaan odhanayaa oo aan u haystaa maxaakiim Hawiye ah, magaca culimada Somaliland kuma hadli karo, anagaa culimadii wadankan ah,, hadhaagii faqashna wadankan Sheekh diineed uma soo xidhan karo oo anagaa u joogna, kuwa ku andacooda inay burburin doonaan nabadgelyada Somalialnd waxaan u sheegayaa oo kaliya kuwaasi anagu waxaanu hadhsanaa geed hadhweyn oo lagu magacaabo geedka nabada, geedkaasi waxa uu ku baxay oo uu ku biqlay waa dhiig, waxa lagu helay xoriyad dhiig loo hurey, cida isku dayda inay waxyeelayso geedkaasina waxaanu u sheegaynaa in dhiiga lagu waraabin doono geedkaasi isaga laga shubi doono, hadhaaga faqash iyo wahaabiyiinta isku magacaabay maxaakiimtuna waxaanu u sheegaynaa inay dacar qadhaadh kaban doonaan, haday qaranimadan soo hungureeyaan nin kuu digayna kumuu dilin, mana ogolaanayno inay mooryaani shaadh diineed umadayada ugu soo gabato.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Sh. Axmed Ismaaciil oo ka mid ah culimada ehlu suna wal jamaaca.


Xigasho: Haatuf