Friday, October 20, 2006

Boqor Buurmadaw oo ku dhawaaqay Jihaad lala galo Maxkamadaha Muqdisho'

(Waridaad) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada sare ee Beelaha Somaliland ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay jihaad ka dhan Midowga Maxkamadaha Muqdisho oo uu ku eedeeyay inay ku hawlanyihiin burburinta iyo waxyeelaynta dalka Somaliland.

Boqorka oo isaga oo ku sugan magaalada Abu-Dhabi ee wadanka Imaaraadka Carabta xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, ka dib markii uu toddobaadkan ka tagay magaalada Nayrobi oo uu hawlo gaar ah u tagay, waxaana uu sheegay in Cabdillaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse hadda ku khasbanyihiin aqoonsiga Somaliland.

“Waxaan leeyahay Jihaadkii ay Maxkamaduhu iclaamiyeen annaga [Somaliland] ayaa xaq u leh inaanu iclaamino. Sidaas daraadeed haddii ay jihaad iclaaminayaan annaga ayay tahay inaanu iyaga ku iclaamino. Hadda ayaanu ku dhawaaqayaa in Maxkamadaha Jihaad lala galo waayo dadka ay gaaladda ku sheegayaan waa dadkayaga oo Muslim ah oo Ashahaadanaya. Walaaltinimadii iyo xiisihii aanu Maxkamadaha u qabnay way baxeen cid kasta oo Maxkamadaha cadownimo kala hor imanaysana waanu raacaynaa. Ninka Diintaada iyo dalkaaga iyo magantaada kugu soo doonta waxa waajib ku ah jihaad..”, ayuu yidhi Boqor Cismaan oo si gaar ah u weeraray ninka lagu magacaabo Xasan Turki oo ka tirsan Maxkamadaha kaas oo lagu eedeeyo inuu lug ku lahaa xasuuqii dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay shacbiga Somaliland dhawaana ku dhawaaqay inuu xoog ku soo furan doono Maxaabiis ku xidhan xabsiga Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “Dadka reer Muqdisho walaalo ayaanu nahay xiiso badana waanu u haynay. Nin ayaa ku maahmaahay Caano waan jeclaaye markay candho dameeraad galleen baan nacay oo aan uga jeedo markii ay talladooda Xasan Turki ku wareejiyeen ayay Somaliland ka kasbadeen colaad. Madaxdhaqameedyadooda waxaan leeyahay ha tixgeliyaan waxaanu nahay iyo wixii noo dhexeeyay, waayo Xasan Turki waxa uu Somaliland ka galay dambi oo waxa uu ku jiray Xasuuqii.”

Boqor Buurmadoow oo la weydiiyay bal hadda inuu xukuumadda Somaliland la qabo fikirka ah in Maxkamaduhu faro gelin ku hayaan Somaliland waxa uu yidhi “Xaqiiqdii wax ay Somaliland ku samayn karaan iyo cabsi aan Somaliland uga qabaa ma jirto, laakiin iyaga wax ka go’an inay kililka shannaad go’yaan iyo inay Somaliland iyo meel kasta oo maamul ka jiro gacanta ku dhigaan, waxa ay ka shaqaynayaan sidii umadda reer Somaliland ee isku duuban ay u kala furfuri lahaayeen. Waxaan arkaa inay la soo xidhiidhaan xubno aan Somaliland awood ku lahayn.”

Boqorka oo la weydiiyay bal hadda inuu cadeeyo xubnaha uu ku eedaynayo inay xidhiidh la leeyihiin Maxkamadaha Muqdisho waxa uu yidhi, “Anigu waxaan kuu sheegayaa dad geel kiis ah ama siyaasi ha ahaadeen ama madax dhaqameed ha ahaadeene kuwaas ayay la soo xidhiidhaan laakiin waa dad aan go’aanka Somaliland waxba yeeli karin.

Boqor Buurmadoow waxa kale oo uu Cabdillaahi Yuusuf oo Madaxweyne ka ah dawladda Imbigaati iyo Cadde Muuse oo isna ka ah Madaxweyne Puntland ugu baaqay inay aqoonsadaan Somaliland “Waxaan qabaa in maanta ay soo dabar go’day colaadii Puntland iyo Somaliland iyo Dawladda ku meel gaadhka ahi waxaanan qabaa in nimankaas faraha yar lihi [Maxkamadaha] ay cadaw u yihiin cid kasta, waxaanan qabaa oo aan leeyahay waa in Cadde Muuse iyo Cabdillaahi Yuusuf Maanta aqoonsadaan Somaliland waayo waxa la gaadhay saacadii Somaliland la ictiraafi lahaa si nimankaas iyaga oo aan awood lahayn maanta hanjabaya halkooda loogu tago. Anigu waxaan qabaa dawladda ku meelgaadhka ah iyo Puntland inay Somaliland faraha ka qaadaan. Dabaysha siyaasadu maalinba meel bay ka dhacaysa, sidaas daraadeed iyaga [Imbigaati] ayay maanta naftu haysaaye ha kasbadeen saaxiibtinimada Somaliland. Shacbigu ha fahmaan haddii aynu xukuumadda cidhiidhi ku saari jirnay cidna yay la hadlin maanta ciddii aynu wax kala iibsan karno waxaan qabaa inay xor u noqoto inay ka iibsato ictiraafkeeda.

Cabdillaahi Yuusuf iyo Cadde Muusena way ku qasbanyihiin inay Somaliland aqoonsadaan si cadawgaas looga hortago.”

Buurmadoow oo u muuqday inuu u duur xulayo qaar ka mid ah Madaxdhaqameedyada gobolka Togdheer waxa uu yidhi, “Waxa maalmahan soo baxayay hadal ahaa dad ayaa ku hadlaya magaca gobolo afar ah oo aan anigu ka soo jeedo waxaan qabaa inay ayaan darro tahay inay talliyaan dad aan tallin jirin oo la dhagaysto oo ay warbaahinta ka muuqdaan. Waxaan leeyahay sida Dimuqraadiyadu qabto tirada yari tirada badan ha u hogaansanto tallana sida loo kala leeyahay haddii la isu tixgelin waayo codka VITO [Codka diidmada ah] ayaa shaqaynaya.”

Ugu dambayn waxa uu Boqorku baaq u diray shacbiga, dawladda iyo asxaabta Somaliland waxaana uu yidhi, “Waxaan u soo jeedin lahaa qolyaha Mucaaradka ah hakala garteen Mucaaradada iyo Qaranimada, maamulka haddii ay xurgufi ka dhaxayso maanta waxa taagan ilaalinta Qaranimada, xukumaddana waxaan leeyahay umadeeda ha midayso ee yaanay kala qaybin, waxaanan soo jeedin lahaa wax alla wixii Qaranimada iyo Distoorka ka soo horjeeda in far iyo suul lagu qabto.

”Source Geeska afrika

No comments: