Tuesday, October 24, 2006

Xasan Ogaadeen "Turki" Oo Sheegtay Cudud Aanu Geyin

Xasan Ogaadeen "Turki" Oo Sheegtay Cudud Aanu Geyin

(Waridaad) Waxaa laga hayaa Xasan oo ahaan jiray qaxootigii Hargeisa nidaamkii hore ee burburay ku soo dejiyey si ay u hantaan dhul aanay lahayn, inuu maanta ku hadlo erayo aanu u lahayn hayb, isagoo ahaa hangashtii guumaadka soo gaadhsiiysay ummadd rayid ah, oo qudha lagaga jaray degaanadda ay ka soo jeedaan awgood.

Waxaa la yaab leh maxkamaddahan ka delaacay koonfur ee baroor deeq-doodu tahay inay Kitaabka alle wax ku xukumaan. Marka aad eegto shakhsiyaadka ay ka kooban yihiin Maxakamaduhu waxaad milicsanaysaa inay isagu tageen wixii la odhan jiray "xoogga Dalka Soomaaliya" taasoo ku tusaysa inay tahay hab cusub oo lagu qabsado dalka, iyagoo u soo maraya kiitaabka alle.

Si kastaba ha ahaatee, maanta yar iyo ciroolaba waa loo jeedaa ujeedooyinka ay wataan. Waxaanan leenahay halkiinaa ayey qiyaastiinu qaadaaye ha soo dhaafina. Xasan Ogaadeena waxaan xasuusinaynaa inay meeshu tahay Somaliland, dadka degana ay dadkii yahiin. Haddaba, Xasan waxaa mudan inaanu ilaawin cududiisa, afkiisana ku hadlo, xoog aanu geyina aanu cuskan.

Waridaad Media Centre

No comments: