Wednesday, October 25, 2006

SULDAAN MAXAMUUD X.XUSEEN OO SHEEGAY IN MAWQIFKIISU YAHAY SOMALILANDNIMO WAXA XIDHIIDH AHNA AANU MAXKAMADAHA LA LAHAYAN "Shir Jaraa'id"

Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen ayaa Maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Burco Suldaanka ayaa Shirkan jaraa'id kaga hadlay arimo badan oo ay kamid tahay.

Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen ayaa Maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Burco Suldaanka ayaa Shirkan jaraa'id kaga hadlay arimo badan oo ay kamid tahay Jirtaanka Somaliland, Waqifkiisa ku qaadan Maxakamadaha Islaamiga ah, hadalo uu dhawaan jeediyay oo shaki badan keenay iyo Arimo kale oo badan Suldanka oo ka hadalaayay U jeedada uu u qabta Shirkan Jaraa'id ayaa Yidhi " Shiran Jaraa'id waxan u qabtay Xasaasiyad Maalmahan ka taaganayd Magaaladda oo Gaadhay Heer Wasiir, ilaa heer Ciidan Arimahaas oo laysla dhex maraayo oo la leeyahay eededa ubadan in aan anigu leyahay Soomaaliduna waxay ku maahmaahada (Si xun wax u sheeg Sixir waaka daran yahay). Warkaa Aniga iga baxay ee la gaadhsiyay heer Wasiir, heer Ciidan ilaa heer Qaran waa kutidhi ku teen maanan filaynin in uu Heerkaa Gaadho laba jeer ayaan ka hadlay Masaajid waxaan ka hadlay waxay ahayd in Shareecada Islaamka laysku xukumo shareecada Islaamka ma aha, wax Soomaliweyn Leedahay ee Waa Wax ka dhaxeeya Ummada Muslimiinta oo dhan . Shareecaduna waan mid aynu ku heshiinay Dastuurkana aynu ku dhiganay mana ah waxa cid gaar ahi leedahay ee waa inugu wada waajib Qof, Qoys iyo Qaranba inanu ku dhaqano Shareecada mana ah waxaan cid isku dabo taagayno waan mid aan Hore u idhi Hadana Odhanaayo Odhana doono mana ah midaan ka tanaasulaayo.Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen mar uu ka hadlaaya jiritaanka Somaliland waxa uu yidhi "Waxaa la leeyahay Suldaanku wuxuu ku xidhan yahay Xamar iyo Meelo kale Arintaasi Ma jirto Jiritaanka Somaliland waynu isku wada raacanay Beelo ahaan iyo Dadba waxaynanu ku heshiinay inaka oo beelo ah Markaa in aanu Beel ahaan iyo Suldaan ahaanba ku wacad furno Somaliland ma ah mid dhici karta Man jirto cid Somaliland nooga lexejeclo badan Nooga soo jeed badanaa noogan Dhibaato badnayand beeshayduna ma khiyaamayn jirin Somaliland mana khiyaamayan doonto jiritaanka Somaliland waa Muqadas lama taabtan ah.

Waxaa Daliil u ah waligayo beel ahaan iyo shakhsi ahaanba kamaanan qayb galin Gudo iyo Debedba Shir Somaliland lagu wax yeelaynaayo.Nabad Gelyada iyo Xasiloonida in badan ayaan ka shaqeeyey Miyi iyo Magaalaba waxaan ku kordhiyo Mooyee waxaan yeelayo ma jirto, Sidaana waxaa Qabta Shareecada Islaamka in xasiloonida iyo Nabad Gelyada la, ilaaliyo taasina waa Mab Da,ayga ma aha, in aan Shareecada Islaamka ka hor imaado wax dhacaya ma, aha.Maxkamadaha Islaamiga ah ee had iyo jeer la yiraahdo waa ku xidhan yahay ilaa heer baa la gaadhsiiyey la yiraahdo Shiikh Cali Warsame Ciidamo ayuu soo wadaa Suldaan Maxamuudna Dadkii ayuu sii abaabulayaa Markaa Sidii Ayutaalihi ayuu Shiikh Cali ka soo Dhex degayaa markaa hawshaa halkaas baa layskaga duba ridayaa taasi ma ,aha arin aan Meel kaga shirnay aniga Iyo Beeshayda, Khaasatan Beelaha Bariga Burco. Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho waxay ka qabteen wax weyn Dadkoodii ayey ka saareen Dhibaato 16 Sanadood ay ku jireen Muslim iyo Gaalaba wixii caqli Saliima waxay u hanbalyeeyen aniguna waan ugu hanbalyeynayaa Wanaaga ay qabteen Wax Xidhiidh Shaqsiya iyo mid Beel Ahaan aan la leeyahay ma jiraan Waxaan Maxkamadaha u soo jeedinayaa in Dhulka ay Gacanta ku hayaan ee ay xasiliyeen sii adkeeyan Dhulka Nabad Gelyadu ka jirtana ha nabad Geliyeen oo yaanay soo faro galin. Ugu Danbayntii waxan u hambalyeeynaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin anigoo ugu hambalyeynaya hadalkii Shalay Munaasabadii Ciida uu ku Dhawaaqay In Shareecada Islaamka Dalka ku Xukumaayo waana soo Dhoweynayaa Waxaana leeyahay kaga dhabee Arintaa Waa arin kuu Wanaagsan If iyo Aakhiro, Anagana Noo Fiican Hawsheena Waa Soo Degaysaa .Gunanadkii Shirka Jaraa'd ayaa Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur Waxaa Su,aalo Weydiiyey Wariyayaashi kale duwanaa ee ka soo qayb galay Shirka Jaraa'id .

S: Suldaan waxad tidhi C/aali Yuusuf, Cade Muuse iyo Raayle ayaa ku heshiiyay in ciidamada la kala qaado waxan ciidamadii la dul keenay Burco oo dadka ayaa lagu cabudhinayaa arintaa maxa ka jira? J: Hadalkaas jimcii hore oo aan ka hadlay masaajid ayaan sheegay markaan arkay tiiyo laygu soo kululeeyay ayaan dadka ku guubabiya hadalkaa waxanan ka soo xigtay Boqor Buurmadoow oo yidhi C/laahi Yuusuf iyo Cade Muuse ayaa ku heshiiyay in Somaliland ictiraafan waxan aminsanahay in Boqorku ku hadlo afka Xukuumada lakiin xukuumada kamaan maqlin qofkuna ma ah hadlkiisa inu dafiro hadalkaan waan idhi.

S; Suldaan intaad hadlkan dadka dhexdooda ka sheegaysaan Salaadiin ahaan Ma u tagteen Halka Talada dalku ka godo oo ma kala hadasheen Arintan?

J: Way fiicantahay, arintanina waxay ahayeed in shareecad Islaamka laysku xukumo,lakiin arimo badan oo hore aanu u soo jeedinay way jireen oo aan waxa badan laga qaban arintan aan soo jeediyayna waxay ahayeed arin shakhsi waxana u weyna labo qodob oo kal ah :-1. In Maxkamadeehenan uu yaalo Hindiyan Panel Code ku laga qaado oo la dhigo Kitaabka Ilaahay oo isaga laysku xukumo 2. Iyo in la xoojiyo Haayada Wanaag Farista iyo Xumaan reebista si loo joojiyo Mukhaadaraadka iyo Dhaqan xumadan fidaysa .

S; Xukuumada waxa xidhiidh ah ma kala sameysay arintan?

J: May

S; Suldaan hadalkaad dhawaan jeedisay ma ku sheegtay in Burco Maxkamad laga furaayo? J May arintaa man sheegin ee waxan ka hadlay uun Maxkamadaheena

S: Suldaan waxad kamid tahay Madaxdhaqameedyada Beelaha Culimaduna waxay ku eedaysa Xeerarka Beelaha inay ku jiraan arimo badan oo lid ku ah Shareecad Islaamka marka arimahaas maxad waxa uga qaban waydeen idinku marka hore ?

J: Anaku Beel ahaan arintaa waanu ka balanay sidaan sheegayna waa arin Shakhsi, Qoys iyo Qaranba loo baahan yahay Suldaamo badana arimaha Diinta lidka ku aha ee xeerarka Reeraha ku jira waanu ka wada hadalnay Waanan sii Xoojinaynaa.

Togdheer NewsSiciid Maxamed Xaaji Cismaan

Cismaan20@hotmail.com

+25224439721

Burco Somaliland

No comments: