Saturday, November 25, 2006

Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Diyaarinaysa Qorshe Horumarineed Oo Shanta Sanno Ee Soo Socda Ah

Hargeysa, November 24, 2006 (Haatuf) – Wasiirka Qorsheynta Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisu ku guddo jirto diyaarinta qorshe lagu horumarinayo dalka Somaliland mudada 5-ta sanadood ee socota ah.

Waxaanu wasiirku sidaas ku sheegay mar uu xalay u waramayay warbaahinta dalka, ka dib markii la soo gabogabeeyey shir muddo laba maalmood ah uga socday magaalada Hargeysa madaxda 15 ka mid ah hay’adaha qaramada midoobay iyo saddex iyo toban ka mid ah wasaaradaha xukuumada Somaliland.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey wasiirka qorsheyntu, waxa lagaga wada hadlaayey arrimo door ah oo ku saabsan sidii kor loogu balaadhin lahaa kaalinta ay hay’adaha qaramada midoobay kaga jiraan wax ka qabashada baahiyaha horumarineed iyo gargar ee ka jira Somaliland, taas oo labada labada dhinac ay isla garteen sidii loo hirgelin lahaa.

Isu-duwaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah Somalia Mr Eric Laroche ayaa isaguna sheegay in hay’adaha qaramada midoobay ay kor u qaadi doonaan awooda xafiisyadooda ka hawl-gala Somaliland, taas oo uu sheegay in looga dan leeyahay in ay fududeyso hawlo badan oo markii hore kaga xidhnaa Nairobi.

Mr Laroche waxa kale oo uu soo dhoweeyey qorshe horumarineedka Somaliland ee mudada shanta sanadood ah ee ay diyaarintiisa faraha ku hayso wasaarad qorsheyntu. Waxaanu balan-qaaday in hay’adaha qaramada midoobay ay u hogaansami doonaan, isla markaana ay ula jaanqaadi lahaayeen wax ka qabashada bartilmaameedyada ku qayaxan qorshahan horumarineed ee shanta sanno ee soo socota.

Mar aanu labada dhinacba wax ka weydiinay in ay isku afgarteen in dadka somliland kaga qaxa Somaliya loo aqoonsado qaab qaxootinimo iyo inkale, waxay labada dhinacba sheegeen in ay arintaasi si sarqaxad leh uga wada hadleen, balse aanay weli isla meel dhigin in dadka noocaas ah loo aqoonsado in ay yihiin dad qaxoontiya ama in ay yihiin dd soo baro-kacay.

Wasiirka qorsheynta Somaliland oo ugu horeyn arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Arintaa faraqa noo dhexeeya wuxuu wuxu ku saabsan yahay saabsan yahay sifaha qaabka loo aqoonsan lahaa dadka inagaga yimaada dhinaca Somaliya, iyada oo xeerka caalamka u yaalaa uu yahay in dalka la soo galaa uu xaq u leeyahay qeexida sifaha sharci ee qofkaasi ku joogayo. Hase yeeshee ilaa inta aanu xal arintaa ka gaadhayno dhinacayaga Somaliland ahaan in aanu sii wadi doono, isla markaana aanay waxba iska bedeli doonin sidii bani’aadanimo ee aanu dadkaasi ula dhaqmaynay”.

Isu-duwaha hawlaha gargaarka qaramada midoobay, isla markaana ah madaxa hay’ada UNDP ayaa isna dhinaciisa ka hadlay aritnaa, waxaanu yidhi “Marka hore waxa aanu isla garanay nuxurka khilaafka ku saabsan arintan wuxuu ka kooban yahay ee uu yahay, taas oo aan iyaduba ahayn musqaro, waayo waxa aanu ogaanay wixii aanu isku haynay mana aha arin aanu xalkeeda isla waayi karno, waayo arintani waxay hore uga dhacday dalal kale oo badan, laakiin aakhirkii xal waa loo helay, sidaas darteed maadaama aanu wada hadalkeeda ku heshiinay in aanu sii wadno, waxaan ku rajo weynahay in aanu aakhirka xal ka gaadhi doono.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley madaxda 15-ka hay’adood ee Qaramada MIdoobay ee shirkii ay la lahaayeen Xukuumadda Somaliland shalay ugu dhammaaday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeed uu xalay kulankaas ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale ayaa ku sheegay in madaxweynuhu xubnaha weftigaas kala hadlay sida aanu caalamku tixgelin u siinin nabadgelyada iyo waxqabadka ay Somaliland gaadhay, isla markaana ay maanta Somaliland marayso heerkii horumarinta oo ay dadka reer Somaliland u baahan yihiin in wax lagala qabto shaqo abuurista iyo wixii awoodooda ka saraysa.

War-saxaafadeedka Afhayeenka Madaxtooyada waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa caawa Madaxtooyada ku qaabilay, Madaxda 15 Hay’adood oo Qaramada Midoobay ka mida, oo shir halkan ay ku lahaayeen Xukuumadda uu Maanta [shalay] u dhamaaday.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Cali Ibraahim Axmed ayaa ugu horreyntii Madaxweynaha uga waramay, shirkii ay la yeesheen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee uu isagu guddoominayey, arrimihii ay kaga wada hadleen, waxaana uu sheegay in Hay’adaha ay u bandhigeen qorshaha shanta sannadood ee soo socda iyo Somaliland wax ka qabashada ay uga baahan tahay,

1. Coordination-ka si ay labada dhinac ay u ogaadaan wax qabadka inuu sidii loogu talo galay u dhaqan galay halkii loogu talo galayna uu maray.

2. Arrimihii hore wixii aan ka suurta galin iyo in la isla meeldhigo sidii guud ahaanba ay u dhaqan geli lahayd, waxana uu caddeeyay inuu ku faraxsan yahay doodii iyo arrimihii halkan la isula meel dhigay.


Madaxa iyo Xidhiidhiyaha Hay’adaha Qaramada Midoobay, Mr. Eric Laroche ayaa ka mahad celiyey qaabilaada Madaxweynaha, waxana uu caddeeyay in shirkii halkaa ka dhacay su’aalo adag iyo dood laysula meel dhigay, waana markii u horreysay ee Hay’ado intan le’egi ay isugu yimaadaan Hargeysa, si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac, raali baananu ka nahay wada shaqeynta Wasiirkan Cusub iyo Wasiirada kale ee aanu la shaqeynayno.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ugu horreyntii uu u sheegay Wasiirka Cusub inuu ugu doortay inuu iyaga ka mid ahaa, si uu uga faa’iideeyo waayo aragnimadii

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay;

Wax qabadka iyo Nabadgelyada Somaliland, tixgelintii ay mudnaynd inaanu caalamku siinin, waxana uu yidhi, annagu heerkii horumarinta ayaanu maraynaa, waxaanu u baahan nahay in dadkayagu baahiyihii loo baahnaa inta awoodayada ka saraysa sida camal abuurida in wax nalagala qabto.

Waxaanu nahay buu yidhi dalka qudha ee iyadoon Caalamku wax tarin ogolaaday inay ku soo laabtaan 750’000 oo qaxooti, dad badan oo soo barakacayna ay u yimaadeen, waxay u baahan yihiin dadkaasi taakuleyntii iyo taageeradii loo baahnaa, iyadoo anagu naftayadu dadkii dalkani u dhashay baahiyihiisu burburkii ku dhacay taageeradii aanu caalamka uga baahnayn aanaan helin, waxaanu intaa ku daray dhibaatooyinka Nabadgelyada daradda abuura inay kow ka tahay baahida iyo nolol fiican oo uu ku noolaado markuu waayo qofka waxa loo adeegsan karaan si fudud.

Waxa kale oo Madaxweynuhu soo qaaday, arrinta ku saabsan taageerada ay u baahan yihiin, macallimiinta, Caafimaadka iyo dadka ka shaqeynaya adeega adkeynta Nabadgelyada iyadoo awoodayadu ayna gaadhin inaanu baahiyahooda wada daboolno, waxa kale oo uu ku adkeeyay heerka Nabadgelyada Somaliland inaanu ka xunnahay inaan wali wax laga bedelin, annaga oo ka nabad fiican halka xarunta idiin ah ee Nairobi. Waxa kale oo ku adkeeyay in la isku dheeli tiro, wax qabadka Hay’adaha ee Bariga iyo Galbeedka Somaliland, gaar ahaan kuwa aan imika sida fiican wax looga qaban ee Gobolada Sanaag iyo Sool.

Dhinaca Nabadgelyada waa in aad iskaashi ka yeelataan Ciidamada Nabadgelyada oo aydaan iska qaadaan war dibadeed. Waayo maxaa yeelay annagaa masuul ka ah Nabadgelyadiina, waxana uu ku soo gebo gabeeyay, inay midho dhal noqdaan kulamada aad la yeelateen Xukuumadayda wixii aad isla meel dhigteen.

Kullankaasi wuxuu ku dhammaaday jawi is af-garad.”

Xigasho:Haatuf

No comments: