Thursday, December 28, 2006

Magaalada Muqdisho oo qeybo kamid ah la wareegeen maleeshiyooyin Hubeysan


(Waridaad)-Muqdisho:- Magaalada Muqdisho ayey caawa ka bilowdeen xiisado iyo fawdo dhinaca amniga ah, ayadoo ay soo baxeen maleeshiyooyin la wareegay xaafado kamid ah magaalada.

Deegaanada iyo isgosyada Siinaay, Baar Ubax, Black Sea iyo KM 4 lagu arkayey maleeshiyooyin hubeysan oo aan cidna ka amar qaadan.Arrintan ayaa timid kadib markii ay halkaasi ka baxeen maleeshiyooyinkii maxaakiimta oo baneeyey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Deegaanka Siinaay ayaa maanta waxaa dib uga bilwoday gadida qaadka oo ay horey u mamnuuceen maxaakiimta ka talineysay magaalada Muqdisho 6dii bilood ee lasoo dhaafay.

Dhacdooyinkan ayaa soo baxay xili ay xoogaga Maxaakiimta uu burbur xoogleh kasoo gaaray weeraro ay ku qaadeen xarunta Dowlada Federaalka ee Baydhabo iyo dhinaca magaalada Bandiiradley iyadoo ay hada deegaano ku dhaw dhaw ay soo fariisteen ciidamadii Dowlada Federaalka, maleeshiyooyin taageersan iyo Ciidamo ka yimid dalka Itoobiya.

Maxaakiimta oo awoodooda si weyn wax uga bedalmeen ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaalo xeelad cusub ah kula dagaalami doonaan ciidamada kasoo horjeeda, ayagoo sheegay in ay mintidi doonaan inta ay dhibic dhiig ah ku jirto, waa suu maanta sheegay Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada Maxamuud Ibraahim Suuley.



No comments: