Friday, October 27, 2006

Jindhiqow, Balaqow, Jiiqoow, Ciyow, Tifow, Mayow Ma aha Magacyo Kitaabi Ah!

Jindhiqow, Balaqow, Jiiqoow, Ciyow, Tifow, Mayow Ma aha Magacyo Kitaabi Ah!

-Waridaad- Waxaan jeclahay in aan wax ka taataabto sidii ay diinta Islaamka u soo gaartay Ummada Soomaaliyeed oo loogu kala horeeyay deegaana dalka.

Hadaba sidee baa lagu garan karaa qabaa’ilada Soomaaliyeed siday ugu kala horeeyeen diinta waa su’aal meesha ku jirta loona baahan yahay in loo helo jawaab ku salaysan cilmi iyo isbaladii ay diinta islaamka u keentay ummada Soomaaliyeed.

Waxaanu ku bilaabaynaa beesha muqdisho oo ah beelihii ugu dambeeyay ay diinta islaamku soo gaartay amaba wax ka fahmay diinta waxaana lagu qiyaasi karaa labo ilaa sedex fac ka hor mudo laga joogo.

Taa waxaa daliil u ah in maraka uu qof u dhashay beesha muqdisho abtirsado magiciisa labaad, sedexaad ama afaraad ay hadiiba waxaa kasoo baxa magacyo aan kitaabi ahayn amaba aan diinta islaamka magacyadii lagu yiqiinay aanan ahayn. Hadii aynu wax ka taataabano xagga fahamka diinta islaamka ay u leedahay beesha Hawiye waxaad ka garanaysaa ama ka qiyaas qaadan kartaa sida ay ugu dhaqmeen lix iyo tobankii sano oo lasoo dhaafay oo ay baneysteen ku dhaqanka waxyaabihii uu Illaahay Subxaanahu Watacaalaa uu xarimay sida boobka, dhaca, dilka, kufsiga, dariiq-goynta, ummula-dooxa, afduubka, iwm. Soomaalida gadaal ka muslinta een garanayn waxay diintu ka tidhi intaasoo dhacdo ayaa maanta la baxa magacyo ay tefeshinadda ka maqleen, sidda, Abu-Zeynab, Abu-Hurayra, Abu Cutayba iwm" . Soomaalidda dajaalkeedii ayaa ilaylahe ka soo if-baxay koonfur.

Xigasho: www.idamaale.com

Sheekh Sharif Oo Beeniyey Hadalki Xasan Turki & Madax Laga Mamnuucay La Hadalka Saxafada

Waridaad (Muqdisho) Guddoomiyaha guddida fulinta ee Maxkamadaha Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxba kama jiraan ku sheegay hadal uu dhowaan Hasan Turkey ku sheegay inay Maxkamadahu weerari doonan Somaliland. Guddomiye Sharif oo shalay saxaafadda la hadlaya aya waxuu yidhi: "Hadalka Sheekh Xasan Turkey uu jeediyay ee uu ku sheegay inay Maxkamaduhu weerarayaan Somaliland, waa mid aan sax ahayn"
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisi sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray: "Wuxuu ku hadlay (Xasan Turkey) ra'yigiisa mana ahan ujeedada Maxkamadaha inay weeraraan Somaliland ama goob kale oo ay ka jirto Nabad". "Somaliland waxaa ka jira nabad, mana dhacayso inay Maxkamaduhu weerar ku qaadaan goob ay nabadi ka jirto, waxaase taas baddalkeeda ay Maxkamaduhu ay sameynayaan inay heshiis la galaan Gobollada Nabdoon" ayuu yidhi Sheekh Shariif.

Dhinaca kale waxa wararku intaa ku darayaan in xubno ka mid ah madaxda sar sare ee Maxkamadaha laga mamnuucay inay la hadlaaan saxaafadaha gudaha iyo ta dibedda labadaba. Xubnahaas loo diiday inay saxafadda la hadlaan waxa ka mid ah : Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Xasan Axmed C/llaahi (Xasan Turkey), Yuusuf Maxamed Siyaad Indhocadde iyo xubno kale oo aan magacyadooda hayn ilaa hadda.


Warka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Maxkamadahu ay saxaafadda gudaha qaarkeed sida Idacadaha ay gaadhsiiyeen warqado ay ugu digayaan, isla markaana ay ugu sheegayaan inaysan wareysan karin xubnahan. Xubnaha loo ogol yahay inay la hadlaan saxaafadda ee ayaa la sheegay inay ka mid yihiin: Sheekh Shariif Shekh Axmed oo ah guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxkamadaha iyo Sheekh C/raxiim Cali Muudeeye oo ah af-hayeenka Maxkamadaha ee dhinaca Warfaafinta.


Cali Maxamed Farsamo,


Muqdisho, Somalia

Maxkamaddaha Oo Ku Laayey Dad Rayid Ah Magaaladda Baraawe


War lagu kalsoon yahay ee aanu ka helney odeyaasha degmada Barawe mar aan khadka telefoonka kula xirriirney ayaa noo xaqiijiyey in bishan Octoobar 21keedii magaalada Barawe si ula kac ah loogu toogtey wiil 23 jir ah oo la oran jirey Maxamed Cabdi (kunyo). Wiilkaas oo sababta loo toogtey ay ahayd isagoo cunto ku cunayey meel luuq ah maalin soon ah.

Wararku waxay sheegayaan in wiilkaas uu ka cararey marku arkey maleeshiyada maxaakiimta oo ku soo fool leh meesha u wax ku cunaayey, dabadeedna mid ka mid ah maleeshiyada maxaakiimta ayaa wiilka dhabarka ka toogtey, isagoo la sheegey in u meesha ku naf waayey.

Marxuumkaas oo isla galabtii lagu aasey magaalada Barawe ayaa waxaa aad uga xumaadey dhamaan dadweynaha ku nool degmada Barawe. Masuu’liyiin ka hadashey arrinkaas ayaa sheegey in falka foosha xun leh uu yahay mid aanan waafaqsaneyn mabaad’ida Diinta Islaamka. Qofka soon u furey dartii diinta ma qabto in loo dilo, waa arrin meel ka dhac ku ah xuquuqda Insaanka.

Maxaakiimta Islaamka oo maamulka Degmada Barawe la wareegey saddex usbuuc ka hor ayaan wax jawaab ah ka bixinin dilkan isaga ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka dil ula kac ah u geystaan dad aan waxba galabsan waxayna horay dil ugu geysteen wiil dhalinyaro ah oo badeeco hor iibsanayay agagaarka Shirkadaha Hormuud iyo Amal Express ee magaalada Muqdisho. Wiilkaas waxaa loo dilay sabab la xiriirta in uu gaari gacan uu ku shaqeysanayay uu gadaal u celin waayay.

Sidoo kalena waxay dil ugu geysteen wiil kale oo dhalinyaro ah oo ay ku murmeen iridka Dekedda weyn ee Muqdisho, kaasi oo sida ay hooyadiis sheegtay u foof tegay in uu Dekedda nolol ka soo raadsado. Dhamaan dhalinyaradaas ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha dileen ilaa iyo hataan la iskama warsan, waxayna eheladooda uga maqan yihiin si calool xumo ah.

Waxaa jira tacadiyo kale oo ay geystaan Maleeshiyooyinka Maxkmadaha Islaamka oo ay ka mid yihiin in ay dadka waddooyinka isaga garbaashaan iyagoo aanan wax sharci ah u heysan. Si kastaba arrintu ha ahaatee, mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka waxaa la gudboon in ay Maleeshiyooyinkooda xakameeyaan waa haddii ay dad u kala cadli soorayaan oo ay Diinta Islaamkana dadka ku dhaqayaan, sida ay sheegtaan.

Mohamed Amin Abubakar

Columbus, Ohio

Culimada Reer Awdal oo Maxkamadaha uga digay faro gelinta Somaliland

Hashim Goth, ANN =

BOORAMA, 26 Oct. 2006--Culimaaudiinka reer Awdal ayaa maanta Maxaakiimta Muqdisho uga digay in ay soo farogeliyaan Somaliland iyaga oo Islaamka ay foodsaarka ka soo dhiganayaan ku tilmaamay “Eray xaq ah oo baadil lagu doonayo.”

Shir bladhaan oo ay ku qabteen Hotelka RAYS, ayey kaga hadleen mawqofkooda ku aadan, hadalada mudooyinkan dambe ka soo baxayay Maxaakiimta Islaamka ee Koonfurta Somaliya Gobolada.

Shirka waxa furay Iskuduwaha Diinta iyo Awqaafta ee G/Awdal Sh.Xaamud Nadiif Axmed oo sheegay in culimadu ayidsantahay gooni isku taaga Somaliland, wax kasta oo ka horyimaadana ka horjeedaan, ayna diyaar u yihiin in ay ilaashadaan nabadda iyo dawladnimada ku timid dadaalka badan.

Waxa isna ka hadlay Sh,Maxamed Siciid Saaweer oo ka tirsan Culimada Boorama ka caanka ah, wuxuuna sheegay in dastuurka Somaliland ku dhisan yahay shareecada Islaamka oo aanay u baahnayn cid kale oo u sheegta sida diinta loogu dhaqmo.

“Anigu waxaan ahay Imaam isla markaana garsoore ayaa ka ahay Maxkamada Boorama, waxaan ku shaqaynaa oo aan wax ku xukunaa waa Shareecada Islaamka, haddaba maxaa la inoo keenayaa?,” ayuu yidhi.

“ Islaamku wuu ka soo horjeedaa fadqalalada wuxuuna oggol yahay kala dambaynta iyo nidaamka, Ilaahayna marka uu leeyahay Jannada gala wuxuu yidhaa nabadgelyo ku gala, Nabadgelyadu waa aasaaska nolosha, dastuurka loo codeeyayna mar haddii uu waafaqsan yahay Islaamka waa in aan ilaashanaa.

“Kitaabku waa ka aan imikaba ku socono, Islaamnimaduna waa ta aan ku dhaqano, waana iimaanka ee wax khasab la ahi ma jiro(Laa Ikraaha Fi Diin) waa aayad quraan ah, qofka imanaya masaajidka afarta aroornimo waxa keenayaa waa ikhtiyaar iyo iimaanka ee khasab kuma yimaadeen,” ayuu yidhi Sheekh Saaweer.

Waxa Isna ka hadlay Sh.Maxamuud Cateeye, Imaamka Masjidka Geed Goble, wuxu yidhi: “Qolyaha Koonfurtana waxaan leehay culimo waan leenahay, dawlad maxkamado lehna waan haysanaa oo sharcigu shaqeeyo ee fawdo uma baahnin, ha na soo fara gelinina Somaliland, waanan iska difaacaynaa wixii na soo weerara gudaha iyo dibadaba.”

Ugu dambayna waxaa hadal kulul soo jeediyay Sh.Maxamuud Xoogbadane oo ah nin Caalim ku ah Diinta Islaamka, isagoo yidhi: “Somaliland waa dawlad kaamil ah oo dhisantay, kuwa ay la tahay in ay ceebaynayaana waa kuwo garab marsan diinta Islaamka. “

Wuxu sheegay in diinta Islaamkuna ka kooban tahay afar waaxood oo kala ah Cibaadada, Macaamilada Bayca (iibka), Macaamilada Nikaaxa oo Bani Aadamka dhexmarta iyo Jaraaxada oo Jariimooyinka lagaga hadlo.

“Afartaasi waxay biyo dhigeen Somaliland oo lagaga dhaqmaa. Haddaba yaa manta odhanaya soonku waa xaaraan? Yaa odhanaya baayca mushtar xalaal ahi kama jiro Somaliland oo waa la is dhacaa ama ribo ayaa la qaataa ? Ma jiraa cid odhanaysa saaxiibnimo ayaa la isku qabaa oo meherka shareecada Islaamku kama jiro Somaliland ? Kumaa odhanaya Maxkamadaha Somaliland jaraaxada kuma xukumaan sida shareecada islaamka.

“Hadadba waxaan leehay kuwa leh shareecada Islaamka ha lagu dhaqmo xaalkoodu waa kalimatu Xaqin Yuraadu bihaa Baadil (waa hadal xaq ah oo baadil lagu doonayo). Waayo ha lagu dhaqmadu waa xaq, laakiin haddii aan lagu dhaqmin ayay ahaan lahayd kalmad xaq loola jeedo, balse haddii lagu dhaqmo waxay noqonaysaa kalmad baadil ah.”

Sheekh Xoogbadane wuxu intaas ku daray: ” Somaliland waxaa u qabsoomay nidaam dawladeed oo ay samaysteen beelaha dega Somaliland. Dastuurka qodobkiisa 5aadna wuxuu sheegayaa wixii ka horyimaad diinta Islaamka waa khalad, markaas nidaamkeenu waa kii rasuulku inoogu tegay mar haddaan waafaqsanahay diinta Islaamka, raggii sameeyay dastuurka ayaanan ka mid ahaa ee waafajinayay diinta Islaamka iyo dhaqankeena ku salaysan caqiidada Islaamka.”
Isagoo ka faalloonaya gubitaankii jariidada Haatuf wuxu yidhi: “Qolyaha jariirada Haatuf gubay ee baaqyada soo saarayana waxaan leehay wixiinu waa fawdo ee haddii aad talo haysaan ula yimaada golayaasha Qaranka, am ula yimaada Axsaabta Qaranka ee mucaaradka ah oo u muuqda hab mucaarad, haddiise aad tidhaahdaan diin ayaan ka hadlaynaa waxaad tihiin Jidadgooyo, Fitna Abuur iyo Fawdo samays, kuwa wadaada sheeganaya ee noocaas ahna waxaan leehay u soo noqda diinta Islaamka, wadadiinu waa diinta oo aad u soo noqotaan.”
Sheekh Xoogbadane wuxu intaa raaciyey in uu qolada Mustaqiimiinta ah ee Jariirada Haatufna ka tacsiyadaynayo gubistii jariirada, isagoo yidhi” Waxan idin leenahay dulqaata waxa idin helay waxmagarato.”

Isagoo la hadlaya Maxaakimta koonfureed wuxu yidhi: “Qolada Koonfur waxaan maqli jirnay laba Qawlo ayaa isku haysta oo ku dagaalamaya, qawlihii Dadaal Oogayaasha hadii laga adkaaday, oo loo hiiliyay kuwii huwanaa magaca islaamka oo shacabku raacay, waxaan leenahay shacabka ha ku ciyaarina dhiigoodana ha daadinina Somalilandana ha haybsanina way idinka tagtee.

“Wadaadada Hargaysana iyo Buracana waxaan leehay Idinku raaci mayno wixii fawdo wada ee Somalialnd nabadeeda duminaya dawladnimadeenana diidan.”

Ugu dambayna Maayarka Boorama Cabdi Shide Bile ayaa isna soo jeediyay in ay ka soo horjeedaan isla markaana talaabo ka qaadi doonaan cid walba oo nabada khalkhal ku abuurta, wuxuu intaas ku daray in aysan hore u arag wadaad dhiigdaadsha, balse ay Arki jireen wadaad maslaxad Umadeed ka shaqeeya. Waxan soo baxayna yahay weji cusub oo lala yaabo, waxa lagu wanaagsan yahayna waa nabadgelyada.

© 2006 Awdalnews Network

Nacabka Somaliland oo Sannad Walba Wadar ahaan u Duceeya Iyagoon is Ogeyn

Qoomkan Reer Sheikh Isxaaq iyo Walaalahooda Reer Somaliland ee xadaaradda dheer lehi ee Islaamka ahi ee dhaqanka suuban ee damiirka wanaagsan lehi ee xumaha ka xishooda ee gobta ahi ee caloosha furan ee hiil iyo hooba lehi ee geesiga ahi iyo Dhulkoodan hooyo ee barakeysan ee hodanka ahi, waxuu leeyahay nacab badan oo Soomaali iyo Shisheeyeba leh kuwaasoo ku haya xin, xaasidnimo, sixir, aflagaado, gardaro, shirqoolo, falal argagixiso, iyo colaado gamuurtay oo baaxad weyn oo joogto ah inkastoo dadyowgaasi iyo wadamadoodaba aaney godob ka gelin waxna u geysan waxna ka haysan!

Nacabka Reer Sheikh Isxaaq iyo Walaalahooda Reer Somaliland, waxa ka mid ah badanaa Reer Somalia iyo Puntland iyo maamuladooda, Reer Kilinka Shannaad ee ehelka u ah argagixisada ONLF ee dalka Ethiopia; xukumadda Djibouti, wadamada ka kooban ururka IGAD marka laga reebo dalka Ethiopia, badanaa wadamada Carabta iyo Jaamicada Carabta, ururka UN, wadamada iyo ururka EU marka laga reebo dalka UK , iwm; wadamada iyo ururka AU marka laga reebo inyar oo fara ku tiris ah sida wadanka South Africa, Ethiopia, Nigeria, Senegal, iwm.

Tolow, nacabkan Soomali iyo shisheeyaha lehi ee huwanta ahi, miyaa nalagu soo habaaray? Mise waa la inagu itixaamaya?

Tolow, nacabkan kuwooda Muslimka ahi iyo kuwooda Soomaalida ahi ee inoo eg ee aanu u maleynayno inay inala mid yihiin ama aanu isku ummad nahay, ma munaafiqiinta uu Eebe uga digay guud ahaan Muslimiinta iyo Mu’miniinta baa? Maxay Reer Somalia gaar ahaan shacbigoodu, aqoonyahankoodu, culimadoodu, madax dhaqaameedyadoodu, iyo siyaasintoodu u dafirayaan in Somaliland iyo Somalia ay ahaayeen laba dal oo xor ah oo
xad caalami ahi kala lahaa oo laba isticmaar ka kala xoroobey dabeetana ikhtiyaarkood midoobay sannadka 1960-kii?

Maxay Reer Somalia u dafiraan dilkii, dhaci, xadhigii, jidh dilkii, umula dooxi, baarakicinti, xasuuqi, iyo iskudaygii gumaad ee ay u geysteen dadka rayidka ah ee Reer Somaliland gaar ahaan maatada, dumarka, iyo caruurta ama bir mageydada oo ay xaqa u aasaan kuna andacoodaan Soomaali oo dhan ayuu dhibkaasi soo wada gaadhay?
Tolow, dhibka ay ku andacoonayaan ee ay leeyihiin Soomali oo dhan buu soo gaadhey ee ay iyagu isu geysteen, maxay u barbar dhigaan dhibka ay iyaga iyo xukumadahoodu ay inoo geysteen?

Maxay Reer Somalia uga soo horjeedaan qadyada, nabadgelyada, horumarka, dib ula soo noqoshadii xoriyadda, gooni isu taaga, iyo jiritaanka Somaliland tan iyo sannadka 1991-kii?

Waxa la yaab leh qadyadda Reer Sheikh Isxaaq iyo Walaalahooda Reer Somaliland ee xornimada, nabada, iyo horumarka jecel ee xaqa, garta, iyo cadaalada jecel ee garowshiyaha iyo deeqsimada lehi ee had iyo gooraale xeeriya Soomaalinimada, Islaamnimada, xoriyatul qawlka iyo xuquuqaha Aadnimada ee ku dhaqma dhaqankooda iyo Diintooda suuban Eebahoodana ka cabsada, waxa intaasoo nacab ahi ay ula coloobeen ee ay isugu gaashaan buureysteen inay ka shaqeeyaan burburkooda, dulmigooda, iyo waxyeelooyinkooda dhinac walba ahi iyo sida falalkoodaas foosha xumi ee xaq darada iyo daalinnimada ahi ay ugu suurtobi la’yihiin had iyo gooraalena ay kala kulmaan fashilaad iyo guul darooyin baaxad weyn!

Waxa kale oo la yaab leh quwada Reer Sheikh Isxaaq iyo Walaalahooda Reer Somaliland marka loo eego duruufaha ay ku nool yihiin ee ay weliba ku dhaqdhaqaayaan ee ay xumaha kaga dhiidhiyayaan iyo waxyaabaha ay ku miigan yihiin ee ay sida geesinimada leh ay ugu dagaalamayaan marka loo barbar dhigo quwadaha kala duwan ee ay kala soo horjeedaan nacabkooda iyo cadadka gaashaan buurtooda!

Hadaba, waxa is weydiin leh halka ay ka soo jeedo quwadda intaas le’eg ee ay Reer Sheikh Isxaaq iyo Walaalahooda Reer Somaliland ay iskaga caabiyaan nacabkooda huwanta ahi kuwaasoo ay aakhirkii ka adkaadaan?

Anigoo su’aashaas kor ku xusan tixraacaya, ayaa waxaan halkan uga cadeenaya nacabka iyo nasteexa Reer Sheikh Isxaaq iyo Walaalahooda Reer Somaliland halka ay ka soo jeedo quwaddaas qarsoon taasoo ah quwad Rabbaani ah maadaama ay yhiin:

· Qoom Reer Bani Haashim ah oo Saada ah oo ka mid ah Duriyaddi Nebigeena udgoon ee Muxammad (SAW)
· Qoom uu Shiikii dhaly iyo Awliyadooduba ay hore ugu duceyeen
· Qoom Gob ah oo xumaha ka xishooda
· Qoom Geesi ah oo hiil iyo hooba leh

Intaas waxa ii dheer, sannad walba, waxa qoomkan Reer Sheikh Isxaaq, Asharaafta ama Reer Bani Haashiim iyo dhamaan Duriyadda Nebi Muxammad (SAW) looga duceeyaa si wadar ahaaneed oo dadban/cadaan ah oo ay sammadu furantahay Dikriga labada munaasabadood ee Ciidaha sida Ciid Ul Fitir iyo Ciid Ul Adxa munaasabadaaso ka kooban dhaamaan Islaamka Caalamka kuwaasoo lagu qiyaaso inay yihiin laba billion oo Muslim ah (2,000,000,000,000) kuwaasoo ay ka mid yihiin nacabkooda Reer Somalia iyo Puntland, Kilinka Shannaad, Djibouti, iyo dhamaan wadama Carabta iyo ururkooda Arab League!!

Tusaale No. 1: Dikriga Munaasabada Ciida:

- Allahu Akbar,
Allahu Akbar,
Allahu Akbar,
Laa Ilaaha Illa Allah.
- Allahu Akbar Allahu Akbaru Wa Lillahil-xamid.
- Alahu Akbar Kabiira,
Walxamdu Lillahi Kathiira,
Wa Subxaana Allahi Bukratan Wa Asiila.
- Laa Ilaha Illa Allahu Waxdah,
Sadaqa Wacdah,
Wa Nassara Cabdah,
Wa Acaza Jondahu Wa Hazama Alaxzaba Waxadah.
- La Illaha Illa Allah, Wa La Nacbudu Illa Iyyah,Mukhlisina Lahul diina Wa Law Kariha Alkafirun.
- Allahumma Salli Cala Sayyidina Muxammad,
Wa Cala Aali Sayyidina Muxammad,
Wa Cala Asxaabi Sayyidina Muxammad,
Wa Cala Ansari Sayyidina Muxammad,
Wa Cala Azwaaji Sayyidina Muxammad,
Wa Cala Durriyyati Sayyidina Muxammad,
Wa Saliim Tasliiman Kathiira.

Tusaale No. 2: Ducadii Waligeeni Waalidkeeni Sheikh Cabdiraxmaan Ismaaciil (Sheikh Cabdi Ayuub) uu Kaga tiraabay qaddiyada Durriyadda sagaashan sano ka hor:

Allaa mahad leh Mawlaha khalqiga magan Ilaahbaa leh
Malaa’igta Khayrkuun sidiyo Maxammad baa Nuur leh
Inta maqashay ee raacday iyo magac Islaan baa leh
Inta Mawle garansiiyay iyo marina daw baa leh
Sidii wali cilmiga maamiyay oo meel fog ka arkaaya
Oo waxa dambiga lagu muto iyo waxa ka maydhaaya
Intuu maadadaa kuu fasiray raacay marinkiisa
Mashquulkaa waxa iigu wacan meel fog baan tagay eh

Maqribkii Makaan ka adimaa Maydhna subaxii eh
Carshigaan mushaaxaa sidii malag Ilaahay eh
Midigtii Rasuulkaan ahay iyo Mudanow Sheekhii eh
Martida waxan ka sooraa halkuu maalkayagu yaale
Nina ima malayn karo markaan mawjadaa galo eh
Minawara waxan kala hadlaa mayt iyo xay eh
Maqalbaan hangool u sidaa maalin iyo layl eh
Markab laba musbaar maqan tahay ayaan meel ka kabayaa eh
Maroodi baan u cawsaynayaa maangad yuurara eh
Ana kama maqnaan karo iyana igama maarmaan eh
(xigasho: Cumar Cismaan).

Sidaas daraadeed, waxan halkan uga digaya gaar ahaan nacabka Garoowe, Baydaba, Xamar, iyo Goday yuurura ee ku hadaaqa aflagaadooyinka ay ka mid yihiin Qaldaan, Xun yahaw xunku dhalay, Gaalo, Dir Waqooyi, dalka isku magacaabay Somaliland, Soomaalidiid, iyo iwm ee Soomaalinimada, midnimada, iyo Somaliweynta huu haada ah wada ee ka soo hor jeeda qadyadda iyo jiritaanka Somaliland kuna muransan xadkayaga caalamiga ahi ee kuwooda kale ee Diinta Islaamka ku qaraabanayaan si ay dhul iyo xukun u boobaan ee nacabnimadu kujirto, inay ka waantoobaan colaadoodaas macno darada ahi, qabyaaladoodaas sumeysan, iyo falalkoodaas foosha xun ee argagaxisada ahi ee ay hadh iyo habeen ku if iyo aakhiro seegeen sida ay ugu maleegayaan inay ku waxyeeleeyaan qomkan Reer Sheikh Isxaaq ee Saada ah ee barakeysan ee duceysan iyo Walaalahooda Reer Somaliland oo ay dantooda gartaan Eebehoodana ka cabsadaan una toobad keenaan.

Nacabkow, bal u fiirso dhinacna colaad joogto ah oo xaq daro ah ayeydun nagu haysaan, dhinaca kalena weydun nooga duceynaysaan idinkoo aan is ogeyn? Tolow, ma Diinta Islamka ayeydun gebi ahaan nooga bixi doontaan markaydun akhrisataan maqaalkan xaqiiqada xambaarsan? Mise Takbiirta labada Ciidood baydun qaadici doontaan si aydun mar dambe ugu duceyniin Reer Sheikh Isxaaq? Mise xinka, xasadka, colaada, iyo xumaha ayeydun ka soo noqon oo Eebe ayeydun u toobad keeni doontaan?

Bal is weydiiya Ciid Ul Fitir-kii wiigan uu caalamku u wada dabal degay sababta aydun Takbiirta codadkiina ugu dhaadheer aydun ugu dhawaqeyseen? Takbiirtu ma dhab ayey idinka ahayd, mise waxaydun ismaqashiinayseen oo is tuseyseen ayu Jinni wal Insi? Mise Malaa’igta iyo Eebe ayeydun ismaqashineyseen? Bal isweydiiya yaad ku Dikriyeyseen una duceyneyseen? Ma ka adkaan kartaan qoom Saada ah oo barakaysan oo xaqa ku jooga oo aan godob idinka gelin waxna aan idinka sedan oo sannad walba ay 2,000,000,000,000 Muslim ahi ay u duceeyaan?

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada