Sunday, February 18, 2007

QORSHAHA XASUUQA IYO CIRIBTIRKA BEELAHA HAWIYE OO MEEL MARAY

Qorshahaan oo ah mid xeel dheerayaal cadaawadooda Beesha Hawiye gaamurtay soo curiyeen ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah.

Beelaha Hawiye dadka u dhashay oo in muddo ah la il darnaa, hoggaan xumo, colaad iyo jaahwareer siyaasadeed oo ay la wadaageen qaybo badan oo soomaaliya ah, ayaa waxaa meel maray qorshe Siyaasadeed lagu cirib tirayo loogana saarayo kaalintooda muhiimka ah ee ay ku dhex leeyihiin bulsho weynta Soomaaliyeed.

Qorshahaan oo ah mid xeel dheerayaal cadaawadooda Beesha Hawiye gaamurtay soo curiyeen ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

Burburinta xoogagga beelweynta HawiyeBurburinta dhaqaalaha beelweynta HawiyeBarakicinta dadka u dhashay Beelweynta HawiyeMeelmarinta qorshe lagu dagaamaynayo dad kale, deegaanada beelweynta Hawiye.

Qorshahaan ayaa u kala hormaraya sida aan kor ku soo xusay, waxaana muhiimadda ugu weyn tahay in indhaha Caalamka laga sii jeediyo qorshahaan ciribtirka beesha Hawiye, si meel marintiisu u rumoodo.

Haddaba, qorshahaan oo bilowday hal qarni ka hor, ayaa habiinba meel ku soo hoyanayey, wuxuuna xawli u bilowday waqtigii dagaalada sokeeye kadib. Wuxuu qorshuhu ku bilowday in la gumaado waxgaradka Hawiye, sida: Siyaasiyiinta caanka ah, Saraakiisha sare sare ee Ciidamada, Ganacsatada waaweyn, Culumaa'udiinkaaqoontoodu sarayso, Odayaasha ku xeel dheer dhaqanka beelaha iyo dhalin yarada firfircoon ama aqoonta sare leh.

Qaybta koowaad ee qorshe dhagareedkaan, waxay sahashay in indhaha caalamka iyo beelaha kale ee walaalaha la ah ama ka damqanaya dhibaatada Beelweynta Hawiye laga sii jeediyo ama aysan waxweyn kala socon (qorshaha gumaadka iyo barakicinta Beelweynta Hawiye). Waxaa si sahlan u meel maray qaybtii koowaad iyo qaybtii labaadee burburinta awooda iyo dhaqaalaha beelweynta Hawiye, waxaana iminka bilowday qaybtii labaad ee xasuuqa iyo barakicinta

Qof kasta ee u dhashay Beelweynta Hawiye ee isku daya hor istaaga arrintaas, waxaa loo bixiyaa magacyo lagu wiiqayo awoodiisa iyo sharaftiisa, si looga taqaluso noloshiisa ama jiritaankiisa dadnimo. Tusaale, waa Al-qaacida, waa qabqable dagaal iyo wixii la mid ah, Sidaasna wuxuu ku gabaa ama ku waayaa fursad uu ku soo bandhigodhibaatada lagu hayo Beesha Hawiye iyo deegaanadeeda.

QUDBADII CABDULAAHI YUUSUF YEEY(1995) kadib markii Jenaraal Caydiid u diiday Ra'iisul Wasaaraha"Waxaan adeegsanaynaa awood kasta iyo cid kasta oo aan ku baabi in karno awooda Hawiye"

QUDBADII CABDULAAHI YUUSUF YEEY(2004)"shanta sano kuma talo jiro in aan ku raaxaysto ama magac ku helo madaxweynanimada la ii magacaabay, ee waxaan ku dhammaysan doona burburinta awooda hawiye iyo deegaanadooda iyo horumarinta deegaanada beesha harti, soo ma ogidin in xassan abshir yahay wasiirka khayraadka, soo ma ogidin in qorshaynta iyo xariirka caalamkauu joogo c/risaaq juriile, soo ma ogidin in aad tihiin dowladda goboleed horumarinteeda u madax banaan, markii shanta sano dhammaato waxaan filayaa in puntland noqoto meel horumar gaartay, sida wadooyinka, isbitaalada, garoomada, iskuulada/jaamacadaha iwm. koofurna noqoto qabuuro iyo in qaxooti ah, markaas waxaa si sahlan ugu guulaysanaya qof adinka idinka mid ah"

Taasi waxay ahayd qudbad uu u jeediyey beeshiisa kadib doorashadiisii, waana arrinta uu maantay ka rumeeyey ee:

Raridda xarunta Immigrationka Soomaaliya in laga dhigo Garoowe In shirkado Shisheeye heshiis lagula soo galo qodis shidaal ee gobolada Puntland Dhisidda Somali International Airport ee Garowe Hirgalinta mashruuc afar kun (4000) oo guri looga dhisayo gobolada Puntland oo uu maalgalinayo Banka aduunku. Wareejingta Xarunta booliiska Soomaaliyeed oo loo badalay Carmo ee Gobolada Puntland intaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa ku hirgalay muddo laba sano iyo bar ah.

Dhanka kale waxaa badalkeeda ka hirgalay qaybtii lagu burburinayey Beelaha Hawiye iyo deegaanadooda:

35000 oo Ciidamada Ethopia ah iyo 4000 kun oo Majeerteen ah oo deegaan ka dhigtay guryihii iyo xarumihii muhiimka u ahaa bulshada.Xasuuqa oo si xawli ah uga socda Muqdisho iyo agagaarkeeda (30 ilaa 60 qof ayaa ku dhimata Muqdisho) maalin kasta. 150 ilaa 240 qowlaysato majeerteen ah ayaa tagta maalin kasta, deegaanada Hawiye ee xoogga ay ku haystaan Ciidamada Ethopia iyo kuwa Majeerteen, si ay xoog ugu degaan dhulkaas.

Codsi Guud Dhammaan inta ay qusayso ama ka damqanaysa dhibaatada iyo xasuuqaan xad dhaafay ee laga qariyey indhaha shucuubta Caalamka, waxaan ka codsanayaa in ay u gudbiyaan ama soo bandhigaan qorshe dhagareedkaan lagu cirib tirayo Beelweynta Hawiye.

Dowladda Soomaaliya = Majeerteen

Ciidanka Qaranka = Ethopian

Haraadiga Maxkamadaha = Hawiye

Baarlamaanka Soomaaliya = Cabdulaahi Yuusuf

Xusseen Sheekhnur Xuseen

No comments: