Sunday, February 25, 2007

Qaybtii 3-aad: Jawaab Celin Yooyootanka Maqaalka: “Muuqaalka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye, Qaybtii 1’aad.”

Hadal iyo dhamaantii, Qaybtii 2-aad ee maqaalkan, waxa hadal inoogu dambeeyey weedha, “Bal, aanu eegno sida qorahu uu ugu saleeyo sheeko caruureedkiisa Dastuurka Xisbiga Kulmiye ” taasoo aanu hada si kooban u guda geli doono sida hoos ku xusan:

Qorahu, isagoo sii wata yooyootankiisa, tororogtiisa, maalaa awalkiisa, iyo huu haadiisa khabiir weyna isaga keen dhigaya kuna andacoonaya inuu waxyaabahaas aanu u aragno maalaa yacniga oo odhan uu “daraasada” iyo “baadhista dheer” ku soo sameeyey kana baarandegay fahmayna siro badan oo Reer Somaliland ka qarsoonaa kuna soo bandhigay, waxa uu ku sheegay “Muuqaalka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye” kuwaasoo uu si aan gabasho lahayn ku doonayo inuu ugu dabaqo Dastuurka Xisbiga KULMIYE ee uu hore inoogu sheegay inuu sirahaas qaar ka mid ah uu ka soo xigtay si ay cadeyn ugu nooto beentiisaas qawan ee aan dhaqan, xishood, Diin, iyo Eebe ka cabsi lahayn, ayaa waxa uu inoogu soo bandhigay sida jacburka ah ee hoos ku cad:

“DASTUURKA XISBIGA KULMIYE QAYBTA KOOWAD
TILMAAMAHA IYO XUBINIMADA XISBIGA QODOBKA 1AAD
MAGACA IYO SIFAHA XISBIGA

1. Magaca Xisbigu waa “Kulmiye”
2. Kulmiye waa xisbi u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somalia.”
Waxa halkaas, ku cad in qoruhu uu si badheedh ah uu:

Munaafaqad, majara habaabin shacbi, fitno abuur, iyo xaalad abuur shirqooleysan uu ku talabsaday taasoo maxkamad lagu soo taagi karo.
Been abuur baaxad weyn iyo meel ka dhac fool xun uu u geystay Xisbiga KULIMIYE ee Qaranka Somaliland taasoo maxkamad lagu soo taagi karo.
Dastuurka Xisbiga KULMIYE uu si fool xun uga been sheegay taasoo maxkamad lagu soo taagi karo.

Dastuurka Xisbiga KULMIYE uu bedel qaawan ku sameeyey taasoo dembi khiyaamo ah (fraudulent crime) maxkamadna lagu soo taagi karo.
Magaca dalka Somaliland uu ku bedelay magaca dalka aanu deriska nahay ee Somalia.

Muujiyay in Xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somalia halka ay Dastuurkiisa ku cadahay: Kulmiye waa xisbi u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somaliland taasoo maxkamad lagu soo taagi karo.

Meel ka dhac baaxad weyn iyo aflagaado uu u geystay Xisbiga KULMIYE, xubnahiisa, masuuliintiisa, iyo taageerayaashiisa—herr Qaran, Gobol, Degmo, tuulo, laamahisa Qurbaha, iwm taasoo maxkamad lagu soo taagi karo.
Dhagar baaxad weyn oo Faqasheysan uu u geystay dhamaan shacbigan geesiga ah ee feejigan, qadyada, iyo jiritaankia Somaliland taasoo la xidhiidha dembiga Khiyaamo Qaran maxkamadna lagu soo taagi karo ciqaab weyn oo arrintiisa la xidhiidhana uu ku muutaysan karo.

Run ahaantii, Dastuurka Xisbiga KULMIYE, Qodobka Koowaad, waa sida hoos ku cad ee bal, dadow daya oo daya…daya:

BARNAAMIJKA SIYAASADDA EE XISBIGA KULMIYE

(Xigasho: www.kulmiye.com/manifesto/dastuur.asp).
Qorahu, wuxu intaas inoo raaciyey, jacbur ah qodobka 2aad ee ka hadlaya Astaanta Xisbiga sida hoos ku cad:

“QODOBKA 2AAD ASTAANTA XISBIGA

Astaanta xisbigu waxay ka kooban tahay laba gacmood oo isa salaamaya, oo midina xidhan tahay shuudh cad, midina xidhan tahay shuudh madow, oo ay dusha kaga qoran tahay “KULMIYE” oo ay dusha kaga wareegsan tahay goob qaab ukumeed leh oo khad madow ku qoran”

Inkastoo uu isku dhex yaaciyey cinwaanka qodobka labaad oo aanu wax hakad ah sida (-) ama (,) ama (;) ama (:) u kala xadeynin, wax khalad oo kale halkaa kuma jiraan!

Hase yeeshee, ujeedada ka dambeysa inuu qorahu, soo qaato qodobkan, waxa weeye inu ku dabaqo qiiq isku qarintiisi, qori is marisnimadiisi, iyo sheeko caruureedkiisi qaawaneyd ee ku saleysneyd in labadan gacmood ee isa salaamaya ay yihiin kuwa Somaliland iyo Somalia!!

Hadaba, sida saxda ah ee ku cad Dastuurka Xisbiga KULMIYE ee dalka Somaliland, waa tan ee dadow daya oo daya…oo ka daya, waxa ka khuseeya Faqash, Somalia, iyo Somaliweyn:

BARNAAMIJKA SIYAASADDA EE XISBIGA KULMIYE

(Xigasho: www.kulmiye.com/manifesto/dastuur.asp).
Qorahu, mar kale ayuu qormadiisii halka bog ahayd uu isku soo dhex daray: Labada Qodob ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan isagoo misna, ina leh: Wa ikan, hadana wa ikan, (Eeg maqaalkii qoraha:
www.qarannews.com/show/12732.html); waana sida hoos ku cad:

“TILMAAMAHA IYO XUBINIMADA XISBIGA
QODOBKA 1AAD MAGACA IYO SIFAHA XISBIGA
Magaca Xisbigu waa “KULMIYE”

Kulmiye waa xisbi u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somalia
QODOBKA 2AAD
ASTAANTA XISBIGA
Astaanta Xisbigu waxay ka kooban tahay, laba gacmood oo isa salaamaya, oo midina xidhan tahay shuudh cad, midina xidhan tahay shuudh madow, oo ay dusha kaga qoran tahay “KULMIYE” oo ay dusha kaga wareegsan tahay goobo qaab ukumeed leh oo khad madow ku qoran”!!!

Taasi, saddex arrimood midkood ama dhamaantood uun bey noqon kartaa a) In mar kale si badheedh ah lagu celceliyo beenta qaawan ee ah: “Kulmiye waa xisbi u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somalia” iyo astaanta labada gacmood ee isa salaamaya ee uu horey inoogu sheegay, “…waxaana iga yaabisay cida ay yihiin labadaa gacmood ee weliba kala midabka b) In uu aaminsan yahay: Haddii, been dhowr jeer lagu celceliyo la aamini karo (a lie repeated often has the chance to be believed), iyo c) In uu mar kale si cad u Khaldamay taasoo aan hadana leeyahay: KHABIIROW, MA DURBA ama MAANDHOW, MA DURBA!!

Qorahu, isagoo weli ku guda jira “daraasada” ama “cilmi baadhista” ama “baadhis dheer”, ayaa wuxu hadana isku soo dhex yaacshay, Qodobka Saddexaad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE sida hoos ku cad:

“QODOBKA 3AAD CALANKA XISBIGA

Calanka xisbiga Kulmiye waa afar gees u qeybsan laba saddex xagal oo midabka ka sare doogo yahay, ka hoosena huruud yahay.”
Taasi waa sax oo dood maleh, hase yeeshee, garan mayo macnaha ay u sameynayso huuhaadiisi xigashada qodobkan aan ka ahayn a) Inu ku qariyo qodobkii labaad ee uu labada jeer dalka Somaliland ku bedelay Somalia, iyo b) Qodobkii uu laba goor qoray si aan loo fahmin beentiisa.

Mise, ma waxabu ina leeyahay, calanka xisbiga KULMIYE ee afar geeska ahi, waxay ka turjumayaan Siilaanyo, Cabdullahi Yusuf, Cade Muuse, iyo Sheikh Dahir Aweys oo waa sir weyn aan la aqoon laakiin, uu isaga oo keliya uu soo fahmay?

Mise, waxa uu inaleeyahay, labada saddex xagal ee ku yaala calanka KULMIYE, waxay u taagan Somaliland iyo Somalia?

Mise, ma waxa uu ina leeyahay, midabka calanka KULMIYE ee sare ee dooga ah, Reer Somalia “cagaar” bay u yaqaanin, midabka hoosena ee huruuda ahna, waxay u yaqaanin “Jaala” kuwaasoo muujinaysa in meesha ay ka socdaan arrimo dadban oo Somalia iyo Somaliweyn ah? BAL ADBA!! CAJIIB!!
Qorahu, waxa uu weliba intaas inoo raaciyey oo uu hadalkiisa ku soo gunaanaday arrintan la yaabka leh ee hoos ku xusan:

“Si kastaba ha ahaatee anigoo diliil buuxa arrimaha aan soo sheegay iyo qaar kale oo soo socdaba, waxaan qabaa in Xisbiga Kulmiye uu aaminsan yahay Somaliweyn”!!! KA DAR OO HADANA DIBI DHAL!!

Hadaba, qorahu, wuxuu qiiq isku qariyoba kelmada uu u soo gurguuranayey ee uu u bukay ee malaaha sheegideeda qadhiidhka yar guntiga loogu riday, waa kelmada “Somaliweyn” oo uu si khaldan oo maalaa yacni ah uu isku dayay inuu ku shaambadeeyo Xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyada Somaliland taasoo uu si weyn ugu guul darraystay!!

Sidaas daraadeed, qorahu, macnahiisii oo dhami waxay ku soo uruurtay go’aankan uu gaadhay sida hoos ku xusan:

Ka dib markii aan ogaaday in “Inta badan dadka reer Somaliland…” aaney “…fahmin… muuqaalka dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye”—oo huu haa ah; iyo

Ka dib, markii aan “daraasad” sameeyey oo yaqiinsaday, “Magaca Xisbigu waa “KULMIYE”, ma jirto cid fahmi karta sababta xisbiga loogu bixiyey “KULMIYE”, mana jirto cid fahmi karta macnaha dhabta ah ee ka dambeeya in xisbiga loo bixiyo magaca Kulmiye”—oo huu haa ah ; iyo

Markii aan u fiirsaday, “Baadhis dheer ka dib, ayaa waxaan ku ogaaday amase aan si fiican u fahmay arrimo badan oo ay ka mid yihiin…” kuwa kor ku qoran iyo “…weliba qaar kale oo farabadan oo aad ka heli doonto maqaalada dambe”—oo wada huu haa ah, iyo

Markii aan arrimahaas oo dhan aan falanqeeyey, waxaan fahmay, “Ereyga ‘KULMIYE’ wuxuu ka soo jeedaa magacyada laga baxo Somalia, gaar ahaan beelaha dega inta u dhaxaysa Beledweyn iyo Gobolka Shabeelada Hoose”—oo huu haa ah; iyo

Markii aan qalay, “Macnaha “KULMIYE”—oo huu haa ah; iyo

Markii aan ruugay, “Af Somali ahaan macnaha ereyga Kulmiye waa ‘Isu keenid sida Ummad, Qoys, Qaraabo, iwm’ kuwaas oo ay dhexmartay dhibaato, sida dhibaato dagaal amase waxa la odhan karaa isu keenida cid kala cadheysneyd”—oo huu haa ah; iyo

Markii aan dhuuxay, cida loo bixiyo Kulmiye—oo huu haa ah; iyo

Markii aan misna raamsaday, “Kulmiye waxaa loo bixiyaa WIILKA ay iska dhalaan laba beelood oo colaadi ka dhaxaysay, dhalashadiisuna noqoto mid keenta heshiish ka dhex mara labadii beelood”—oo huu haa ah; iyo

Markii intaas hore oo dhan aan wada liqay, “…waxa kale oo loo bixiyaa wiilka ay iska dhalaan QOYS ama ARDAA oo iyana colaadii ka dhaxaysay…”—oo huu haa; iyo

Markii aan hadana soo miliqsaday arkayna, “…dhalashada wiilkaasi ka dhex abuurto nabad…”—oo huu haa ah; iyo

Markii aan misna hudhay akhirkiina wada liqay magacaas, “…waxa isagana loo bixiyaa wiilka ay Qoys kala cadhaysnaa iska dhalaan, wiilkaasina noqdo mid Qoys nabad waarta u soo hooya ”—oo huu haa ah; iyo

Markii aan u soo ruqaansaday dhinaca Astaanta Xisbiga KULMIYE, “Waxay ka kooban tahay laba gacmood oo isi salaamaya…”—maxaa kaa khuseeya?; iyo

Markii aan is idhi leef gacmahaas, waan ka cabsooday inay ifeedhaan “…Waxaana iga yaabisay cida ay yihiin labadaa gacmood ee weliba kala midabka”—oo huu haa ah; iyo

Ka dib markii aan wareeystay Wasiir Cawil, xubno “UDUB SHAYDAAN” ah, Tifaatiraha shabakada Qarannews, iyo qaar Faqash ah oo ku dhuumanaya magaalada Hargeisa, waxay ii wada sheegeen, “…in labadaa gacmood yihiin Somalia iyo Somaliland”—oo huuhaa ah; iyo

Sidaas daraadeed, waxa ii cadaatay waxyaabo badan oo aaney dadka Reer Somaliland aaney fahmin maadaama aan Khabiir Weyn ahay, daraasad cilmiyeysan, iyo baadhitaan dheerna ku soo sameeyey arrintan, ayaa waxaan go’aan ku gaadhay in, “…Xisbiga Kulmiye uu yahay mid ka shaqeeya sidii laysugu soo dhoweyn lahaa Somaliya iyo Somaliland”—oo huu haa ah. Arrimahaas oo dhana, waxa iga marag ah Qodobka 2aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE ee aan ka soo xigtay idinkuna aydun ila eegi kartan si aydun u yaqiinsataan xaqiiqda meesha taala maadama ay si cad ugu xardhan yihiin: “Kulmiye waa xisbi u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somalia—oo huuhaa ah!!

Hadal iyo dhamaantii, waxaan maqaalkayga ku soo gunaanadaya, arrimahan uu soo bandhigay qorahan maskaxdiisu ka guuxayso Qabiil, Federaal, Maxaakiim, TFG, Somalia, iyo Somaliweyn ee aflagaadadan naxligu ku ladhan yahay iyo majaro habaabintu, hoosaasiintu, fitnadu, munaafaqnimadu, been abuurku, iyo xaalad abuurka loola jeedo; waxay kuu cadeynaysa nooca dadnimada, Islaamnimada, Eebe ka cabsinimada, wadaniyada, dhaqanka, damiirka, iyo akhlaaqda qorahan waxan laga yaqyaqsoodo soo malmaluuqay ee yooyootankiisu iyo u jawaabidiisu inaga hoosaasisay hawlo badan oo aanu shacbigeena, qadyada, iyo jiritaanka Somaliland ka qori lahayn kuna difaaci lahayn.

Hadaba, qorahan, aflagaadada iyo beenta intaas le’eg shabakadaha u wada diray caalamka inta af Soomaali ku hadashana u soo bandhigay kuwa ina daba gala ee shisheeyaha ay qaar xumi u turjumi doonaan, waa in si deg deg ah looga hortagaa.

Qorahu, waxu ixasuusiyey kaftan magaaladan Ottawa ee dalka Canada ku dhex maray dhowr nin oo Reer Somaliland ah oo Reer Burco, Hargeisa, iyo Borame isugu jira.

Sida aad ula socotana, Reer Burco iyo Reer Hargeisa weligood, waxa ka dhaxayn jiray kaftan aan naxli lahayn laakiin, hoostaas la isaga xiirayo.
Hadaba, nin ka mid ah Hargeisaawiga, muuqaal ahaan, garaad ahaan, dabeecad ahaan, akhlaaq ahaan, iyo haasaawe ahaan heer tuulo wuu ka hooseeyaa intu dalkan joogayna weli maanka iyo qalbiga kama ilbaxin mana u eka nin aad ku tilmaami karto Reer Hargeisa inkastoo uu ku dhashay kuna soo koray. Micnuhu ninkani, waa DABAAL iyo akhasulnaas!! Waxa, dhacday in ninkani Burcaawigi si fool xun afka uu la galay.

Burcaawigii, baa isagoo dhoolo cadeynaya, ayuu ku soo jeestay Hargeisawigii kale waaxanu ku yidhi: Waar Reer Hargeisow la yaab baydun leedihiin. Waxay, ugu jawaabeen, maxaad nagula yaabtay?

Burcaawigii, wuxu ku jawaabay, anagu haddii, aanu nahay Reer Burco, kaayagaasoo kale (isagoo ninkii farta ku fiiqaya) Burco ma soo dhaafo; xitaa Berbera, Hargeisa, Gabiley, iyo Borame ma gaadho. Indinkuna, waxaydun belo ku dhigteen kiinaasoo kale, ilaa iyo Canada, North America, iyo futo biciid ayaad u soo dhoofisaan!! Markaasaa la wada qoslay, ileyn ninkan, waa la wada yaqaane. Kaasoo kale, Reer Xamarku waxay u yaqaaniin: QUUQLE, DHOORE, DABAAL, BACAW, iwm.

Waxaan, qabaa in dadka xun ee aan waxba xeerin aan loo qarin xumahooda waana in la iska qabtaa dadka noocaas ahi intaaney dhibaato iyo dhagaro u geysan ummad iyo dal Muslim ah.

Sidaas daraadeed, cidii u baahan inay fahmaan ama aqoon ka kororsadaan, Muuqaalka Dhabta ah ee Xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyada Somaliland, waxa ay ku cad yihiin mareegtan: www.kulmiye.com/manifesto/dastuur.asp

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.
(farah.jama@alumni.uottawa.ca)

No comments: