Sunday, February 25, 2007

Reer Somaliland Way Ka Koreen Sheekada Caantaynka ah

“Kulmiye waa xisbi u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somaliya”, sidaa waxa qalinka ku duuggay nin ka mid ah bahda qalinka oo looga qaateen ah. Qoraalka aan weedha firgishu (“ “) ku gadaamantahay ka soo xigtay halkan ka akhri: http://www.qarannews.com/show/12732.html Si dhib yar baan uga rumaysan lahaa haddaanan waayo aragnimo u lahayn tabaha qaarkood. Haddii aan si kale u idhaa, haddaanan u dhuun daloolin Seddexda xisbi qaran ee Somaliland waa UDUB, KULMIYE iyo UCID e waan ka rumaysan lahaa Nin weyn looga roon waxay ay kaaga filantahay laba daqiiqo inaad ku hubsatid in uu ku qolof dhaco.

Dadbaa markay wax qorayaan amaba majaalista fadhi ku dirirka ka doodayaan yidhaa, hadda xisbina ma ihi ee la soco, sidii waxay malaa’iigyihiin! Qoraa kasta oo Reer Somaliland ah oo arrimaha ku saabsan Somaliland wax ka qoraa, qoraalkiisa ayay ka muuqataa dhinaca uu u janjeedho ee u aaminsanyahay isagoon waxba qiran, caddaysanna. La yaabna ma laha qofku haddu xisbigii damiirkiisu siiyo ku dhegsanaado. Waxaanse meesha qaban inaan la faafin lana abuurin wax fitno ummadda dhexdeeda ka dhalinaya. Fitnooyinkii kale ayaan damin kari laanahay sida ka jirta Daroor, Beriga Berbera gobolka Sool, iwm. Dadbayna uba muuqan sawirka weyn ee danta guud waa Somaliland e, ee dameer yaroo dugduglaynaya ka doorbidaya qaran dhan oo qab iyo miisaan leh. Xaqiiqda dhabta ah ee jirtana halkan ka akhri:

http://www.kulmiye.com/manifesto/dastuur.asp

Qoraa kalaa wuxuu ku nuuxnuuxsaday qoraal murtidiisu u dhignayd sidan: Madaxweyne Riyaale waa Nabi Allah ummadda Somaliland u soo diray si uu innoo badbaadsho. Inta diidanina waa macsiileyaal. Lagamana danbi dhaafi doono illaa ay ka toobad keenaan. Waxay ku danbayn doonaan jahanama markuu inaga tago. Macsiyaha ugu yare eed ka gali karto nabiga Reer Somaliland ee dimuqraadiyaddu, waa magaciisood u qortid (u dhigtid) “Riyaale” halkaad u qori lahayd Madaxweyne RAYAALE.

Mar kale qoraagu isagoo daba joogga qoraalkii Dr Jowhar ee “Bayaanka Gadabuursi” ee mareeggaha Somaliland badankooga lagu soo daabacay, ay mudantahayna in tusaale uu u noqodo, beelaha kalena inay kaga daydaan oo sunnihii wanaagsan waa la iskaga daydaaye wax ka korodhsadaan, ayuu wuxuu barbar dhigay inuu la mid yahay bayaankii caanka noqday ee Qurayshtii mushrikiinta ahayd ee asnaamta cabudi jirtay soo saareen xilligii nabi Muxamed (nabadda Eebbe iyo naxariistiisuba korkiisa ha ahaatee). Waa ayaan darro in maanta dad ashahaadanaya oo muslimiin ah la barbar dhigo kuwo Ilaahay iyo rasuulkiisiiba ka gaaloobay oo ka door biday inay Laata iyo Cuza ku gaaf wareegaan.

Qaar kale ayaa waxay yidhaadeen: ‘ Riyaale naftuu u horay Somaliland’, markay beesha magaceeda nin iyo labada bog ee qaadka ah iyo qado mar caloosha buuxisa dhaafsanayeen. Waxa wax walba igaga daran dheg xumada ay noo dhigeen dhuuni raacyadu! Kuwaasa berri lana odhan doonaa waxbaad wadaagtaan.

Haddaba haddal iyo dhammaantii, ‘Riyaalow Salaama’, haddal kama dabayne ha karaamo seegina. Riyaale iyo kooxdiisa calooshooda watooyinka ah way u dhammaatay. Dadweynaha Somaliland ee geesiga ah ee foojiganina wuu ogyahay halka laga qaninay ee u ka dhutinayo ee ay Somaliland shaag la rogi wayday. Markaa ama nabiyo sheegta ama xisbi hebelbaa Somaliweyn ah dhaha, ama Riyaale Somaliland buu nafta usoo huray dhaha. Reer Somaliland way ka koreen sheekada caantaynka ah. Halkay codkooga marinayaanna way yaqaanaan. Enough Is Enough! It is time to BOOT them out for good.

Mohamoud H.Nugidoon

Ottawa, Canada

E-mail: mgabiley@yahoo.ca

F.G: Dadka distoorka ku xeel dheeri waxay sheegayaan inaanu Riyaale distoorku u ogolayn inuu laba jeer wax ka badan madaxweyne noqdo. Labadii jeerna dowrkani ugu dambeeyo.

No comments: