Thursday, February 15, 2007

Qof kastaaba xaq ayuu u leeyahay inuu cida uu doono uu magacaabo, kuwii horena anagaa ayaa magacaabnay

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay xisbiga mucaaridka ee KULMIYE ay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan Golaha wakiiladu xubnaha cusub ee komiishanka doorashooyinka ee dhawaan madaxweyne Rayaale u soo gudbiyey ansixintooda Golaha wakiilada.sidaa waxa uu ku sheegay wareysi khaas ah oo ay shabakada Hadhwanaagnews.com la yeelatay.

Waxa kale oo ku sheegay wareysigiisa inaanay xeerkaba ku jirin in xubnaha komiishanka doorashooyinka saami qeybsi goleed loo eegayn ama khibradiisa, iyo inay haweenku ka dhexmuuqdaan, ee loo eegayo khibrada iyo aqoonta uu shakhsigu leeyahay, waxanu tilmaamay inay arrin ka xaajoodkeedu u taalo Madaxweynaha iyo Golaha wakiilada.


Wareysigan oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu u dhacay sidan:-


S:>Gudoomiye Faysal waxaad ku heshiiseen labadiina xisbi mucaarid (KULMIYE iyo UCID) in la kordhiyo tirada komiishanka ee ahayd markii hore todoba xubnood oo laga dhigo sagaal xubnood, dabadeed waad is rogtay oo waxaad magacowday xubintii kaga qeybgeli lahayd komiishanka maxaa iska kaa bedelay ?


J:> Arrini in sagaal la dhigo tiradi komiishanka waxay ahayd soo jeedin aanu soo jeedinay labadayada xisbi mucaarid (KULMIYE iyo UCID) oo aanu isku raacnay,hasayeeshee waa in wixii la sharciyeeyaa, oo laga dhigaa xeer, waayo waxa meesha yaala xeer dhigaya inay yihiin 7-qof, xeerkii lama bedelin, xeerku markii hore uu fiicnaa laakin waa inaanay ka shaqeysano oo waxaanu ku leenahay 47-mudane xildhibaanada Golaha wakiilaa, oo waa inay mooshin ka dhigaan oo pass-gareeyaan oo uu guurtida uu maraa oo ay passgareysaa, oo uu madaxweynaha uu maraa oo markaa waxay noqonaysaa saxeex kii hore bedela, taa lama yeelin oo may dhicin.Arrintana suuqa ayaa laga leeyahay anaga (UCID iyo KULMIYE) todoba jeer ayaan ka shirnay oo waanu ku go’aansanay, haday iyagu koodii gudbinwaayeen(KULMIYE xubintii komiishanka) inaan kaayaga gudbino maadaama ay dhamaatay wakhtigii gudidu, maadaama ay deeqbixiyaashi leeyihiin sameeyaa komiishankii lacagtii diwaangelinta ha la sameeyee,marka hadii aanu xeer oolin way nagu adkaatay oo xisbiga kalena heshiis ayaan ku ahayn,cid madaxtooyada gashayna ma jirto oo xisbigu waxa uu leeyahay siyaasad.


S:> Gudoomiye waxay shalay cod aqlabiyada ay golaha wakiiladu ku celiyeen lixdii xubnood ee koomishanka doorashooyinka ee uu madaxweynhu soo gudbiyey,arrintaas oo ay ku saleeyeen Wakiiladu iyadoon saamigii gobolada loo eegin, iyo iyadoon haweenkii aanay ka dhexmuuqan maxaa keenay inaad saamigii gobolada iyo haweenkii oo aad ugu salaynweydeen ?


J:>Horta waa nasiib daro taa qudheedu, oo waxay ahayd war idaacada BBC- siidaysay oo ay buunbuunisay, waxaanay ahayd figrad hal qof ama dhowr qof , sadexdan shay ee aad sheegtay ee kala ah saamiqeybsiga, isku dheeli tirka, iyo khibrada, sadexdaasi midna kumay jirin, in dib loo celiyo xubnaha komiishanka ee cusub, waanu ka heshiinay xisbiga KULMIYE anagu (UCID), oo waxay ahayd in sidii berigii hore in todobada la isa soo raaciyo, waxa loo celiyeyna waxay ahayd sidaa.Waxan kale waxay ahaayeen wax shakhsiyaad ka yimi.


Komiishanka qabiil lagu qeybsan mayo ee aqoon ayaa lagu qeybsanayaa, berigii hore ee aan sameynay qabiil laguma qeybsan komiishanka aqoon ayaa lagu qeybsaday, dadka waad taqaanaa oo marka wax la xulo waxba la iska sheeg, sheega kaasina waa gobolka iyo gobolka, komiishankana shuruudaha u yaala ma qorayo in saamiga gobolada loo eego, aqoontiisa, dadnimadiisa, weeyaan intaas ayuunbaa la raacyaa wax kale oo meesha ku jirana ma jiro.


S:>Gudoomiye komiishankii hore ee wakhtigiisu dhamaaday haweenku waxay ku lahaayeen hal xubin, gobolada oo kale waxa iyagana loo eegay saami oo inuu gobolkastaa ka dhex muuqdo xubnaha komiishanka maxaa arrinkii hore iska bedelay?


J:>Sidaad jeceshihiin maaha ee anaga ayaa soo saarnay oo inantii komiishanka dalbanay, berigii hore qoladayadan mucaridka anaga (UCID) ayaa u horeynay anaga keenay Maxamed sheikh oo Boorame ah, iyo Shugri oo midnaba qabiil umaanu eegin, aqoonta ayaanu ku dooranay, markaa maaha khasab inay todobada xubnood midkood haween noqoto, way jiraan meelo badan oo laga eego dumarkaa sida dawladaha Hoose,Barlamaanka, Wasiirada, todoba qof intee ayey u qeybsami karaan qabiilna inooguma qeybsami karaan, rag iyo dumarnaa khasab maaha inay u qeybsamaan.


Markaa waa in la eegaa shuruudaja meesha ku yaalaa, oo waxan oodha ee la sheegayo kuma yaalaan, markaa anagu xeer ayaanu ku salaynaynaa.


S:>Gudoomiye waxa la leeyahay waxa u sabab ahaa in la soo celiyo xubnaha cusub ee komiishanka doorashooyinka Xisbiga UCID oo isagu soo magacaabay xubin ay isku reer yihiin oo aan meelna u eegin arrintaa maxaad ka odhan lahayd?


J:qof kastaaba xaq ayuu u leeyahay inuu cida uu doono uu magacaabo, kuwii horena anagaa ayaa magacaabnay, markaa maantana waa in la eegaa walaalkii iska daayo, inuu qofku aqoon u leeyahay, iyo inuu u qalmo, hadii aanu is nidhaahno cidna yaanay soo magacaabin cid ay is xigaan waa xaqdaro, markaa maaha waxani wax qas laga sameeyaa, dad qarad leh inay ka sameeyaanayaa, annaga shuruudaha noo eegaa oo hadii uu u qalmi waayo qofka aanu keenay waa laga hadli karaa, maaha dadku waxy jecel yihiin inay nagu khasbaan oo ay suuqa geliyaan.


S:>Maxaa xala madaama ay Golihii wakiiladu dib loo celiyey lixdii xubnood ee komiishanka doorashooyinka ee aad soo magacawdeen, xisbigii KULMIYE-na uu isagu ku gacan saydhay?


J:> Annagu xeerkii waan ka jawaabnay, arrintani waxay taagan tahay madaxweynaha oo waxa laleeyahay todobada soo wada dhamee, marka uu todobada isa soo raaciyo madaxweynuhu ayaa laga doodi karaa inay sharci tahay iyo in kale, waa wax laga doodi karo, markaa arrintu waxay dhextaala Barlamaanka iyo madaxtooyada.Annaga wax nagu hadhsan ma jirto.

Weriye, Mustafe-janaale
Hadhwanaagnews.com
Hargeysa, Somaliland

No comments: