Thursday, February 15, 2007

Yaa yidhi odaygu ma abaalgudee wa aarsadaa?

Waayaha aduunyadu sida cadceedda iyo waagu isku daba maraan ayey iyana hadba meel u guurayaan. Dadka qaar waa ka haraan, hayaanka waayaha, qaarna waa ka daba harjadaan, qaarna waa la halbeeg, qaarna waa horboodaan. Siyaasiyiinta Soomalidu waxey u badan yihiin kuwo aan la saanqaadi karin waayahan isbedbedelaya taasna waxaa tusaale u ah sida ay hadba maalintaas waxa jooga keliya ugu qeybsadaan ee aaney ka fakarin berito iyo waxa cawaaqibka ficilkooda ka dhalan kara. Qaar baa ku habsaamay sanadihii todobaatameeyadii, qaar kalena waxaad arkeysaa in maskaxdoodu weli la socoto sanadkii 1990kii, kuwo kalena waa ku dhex-wareereen oo jahawareer ayey la asqoobeen.

Maxamed Qanyare Afrax oo ahaa siyaasi si lama filaan ah uga soo dhexmuuqday masraxa siyaasadda Soomaaliya biloowgii 90kii ayaa hadba door mawjadda siyaasaddu u qaadaysay, waxaa markii ugu horeysay wasiir looga magacaabay dowladdii Cali Mahdi ee dhicisoowday, dabadeedna wuxuu Qanyare noqday hogaamiye kooxeed waxuuna ka dhexmuuqday shirarkii lagu kala qabtay Jabuuti iyo Addis sanadihii 1991 ilaa 1994. Hogaamiye kooxeedyadii ka horeeyey ayaa ku baraarugay hamiga Qanyare mar uu isku taagay Maxamed Ibraahim Cigaal iyadoo loo fadhiyo shirkii addis ababa ka dhacay horaantii sagaashameeyadii. Maxamed Qanyare oo markii danbe u muuqday nin miisaan ku leh siyaasadda gaar ahaan xarig jiidka siyaasadaha gobolada koofureed oo saldhigoodu ahaa Muqdishoow ayaa ka mid noqday dowladdii Salbalaar ee Janan Caydiid hogaanka u qabtay, isla waayahaas waxaa sare u kacay taageeraddii shacab iyo awoodii ciidan iyo dhaqaale ee Qanyare wuxuuna u muuqday wixii sanadahaas ka danbeeyey nin lagama maarmaan u ah siyaasadaha hogaamiyaasha Muqdisho.

Markii hogaankii Salbalaar ay u wareegtay Xuseen Caydiid ayuu Qanyare si rasmi ah ula soo baxay siyaasadiisii kelinimo ee ku dhisneyd isku celinta miisaanka awoodaha ku loolamayey hogaanka siyaasadda Muqdisho. Qanyare intaas ka dib waxa uu si rasmi ah ugu wareegay xaruntiisa cusub ee Dayniile oo noqotay meesha laga hago beel-weynta uu ka dhashay ee uu majaraha u qabtay siyaasadooda. Dhowr nin oo kula loolamay hogaanka siyaasadda ee beeshiisa ayuu afka ciidda u daray, Iyadoo ay gaartay in markii danbe beeshaasi ka caagtay in laga helo qof kale oo hogaanka kula tartama Qanyare. Taas waxey beesha u noqotay guul iyo guul darro labadaba; waa mare maadaama beelaha kale ay noqdeen kuwo hogaankooda laysku heysheysto faa'iido ayey u ekeyd, tan kalena waa iyadoo beeshu hoos gashay hogaan keli talis ah.

Qanyare kama qeybgelin shirkii Jabuuti 2000 ee lagu soo dhisay dawladdii Carta ee C/qasim madaxweynaha ka noqday, hase yeeshee mar danbe ayuu ku soo biiray dowladdii Carta ka dib markii loo ogolaaday waxyaabo badan oo uu codsaday. Waxey taasi keentay in wasiir laga tuuro nin ay isku reer ahaayeen isna la siiyo wasiirka kaluumeysiga oo uu caashaqay. Runtii dowladdii Carta si wanaagsan ayey ula dhaqantay Qanyare waana hogaamiyaha keliya ee ka faa'iideystay maadaama dowladdii saqiirtay isagoo balanqaad-kiina loo oofiyey. Waagaas ayuu balaariyey Qanyare xaruntiisii Dayniile isagoo garoonka diyaaradaha ee uu xaarxaarteyna noqday mid mashquul badan oo looga kaaftoomay kuwii ka durugsanaa magaalada. Heya'aha samafalkuna garoonkaas ayey badanaa adeegsan jireen halkaas waxaa qanyare uga furmay il-dhaqaale oo muhiim u noqotay awoodiisa aan laga dhayalsan karin Muqdisho.

Siyaasadihii Qanyare ee kobcay, awoodiisii balaaratay, magaciisii dheeraaday wuxuu sababay in uu hogaamiye u noqdo koox aan sidaas u tiro badneyn laakiin saameyn weyn ku lahaa shirkii Mbagati taas ayaa keentay in C/lahi Yusuf uu dadaal dheer u galo soo jiidashada kalsoonida Qanyare intii lagu jiray loolankii hogaanka cusub ee shirku dooran doono. Maantii uu Qanyare ku dhacay dabinkii uu u loogay Mr Yusuf ayaa u danbeysay horumarkii siyaasadeed ee Qanyare. Isagoo Qanyare oofinaya balanqaadyo muhiim ah isaga oo ka heysta Yusuf ayuu saameyn weyn ku yeeshay guushii Cabdullahi Yusuf ka helay Mbagati maadaama Qanyare ku qanciyey in xulufadiisa oo dhan ay codkooda siiyaan. Waxaa ku soo baxday oraahdii aheyd “God sireed ha qodin hadaad qodana ha dheereyn” Dibirtii uu weydaartay Qanyare raggii loollanka ku jiray ee beel wadaag iyo asxaabtaba ay ahaayeen sida C/qasim ayaa isagii ku xumaatay goor danbe.

Durba Qanyare waxaa u muuqatay in uu balantii uga baxay C/lahi Yusuf markii dariishadda laga soo geliyey nin la yiraahdo C M Gedi oo wasiir koowaad loo magacaabay. Qanyare iyo asxaabtiisa iyagoo iska dhigaya in sadkii beeshooda iyo qaranimadii labadaba meel looga dhacay ayey Muqdisho u soo hayaameen halka dowladda inteedii kale ay degeen Jowhar. Dagaal xagga afka ah ayuu Qanyare ku qaaday C/lahi Yusuf iyo dowladdiisa, waxyaabaha xusuusta reebay waxaa ka mid ahaa inuu mucaaraday magacaabistii Jen Naaji ee taliyanimada ciidamada isagoo ku hal-qabsaday in aysan suurto galeyn Qanyare in uu hogaamiyo ciidamada Yemen sidaas awgeed ay qadaf tahay in Jen naaji isna hogaamiye ka noqdo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Markale oo hub uruurin la soo hadal qaaday ayuu Qanyare ku dhaliilay C/lahi Yusuf in waxa ciidanka uu ku sheegayaa ay yihiin beeshiisa maleeshiyo laga soo uruuriyey ee reer P/land ah oo aaney hub ka dhigi karin gobolada kale. Labadaan qodob ayaa mar danbe ku soo noqon doona Qanyare sida riyo argagax oo kale iyagoo dhab ah.

Kooxo u badan hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho laakiin ay ku soo biireen niman samaha jecel oo meelo kele ka yimid ayaa Muqdisho isugu yimid. Heshiisyo qorshe ahaan wanaagsan oo la qodobeeyey laguse degdegay oo caadifad ku dhisan ayey kooxdan reer Muqdisho u badani ku soo saxeexdeen Nairobi. Qorshahaas oo ku aadanaa nabadeynta iyo maamul u sameynta Benaadir. Qorshahaas ugu danbeytii rag uu Qanyare hormuud u yahay ayaa fashiliyey markii uu jeclaaday inuu maamulo doorashada maamulka gobolka laakiin ay u socon weyday. Waallidii uu ka qaaday qab-jabkii maamulka gobolka Benadir ayuu qanyare la galay ururka la dirirka argagixisada ee ay taageeraysay dowladda Mareykanku.

Shacabkii uu hogaamin jiray iyo beelahii wadaagga la ahaa ayaa goor danbe ku baraarugay in Qanyare runtii yahay hogaamiye danihiisa keliya uun eegta ee aan shacab iyo taageere midna isxaan u heyn dabadeedna waxaa qaaday daadkii kacdoonka shacabka, xaruntiisii habeen madow ayuu ka baxay ilaa uu miciin baday tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud. Mar danbe ayuu magan galay Baydhabo iyo dowladda C/lahi Yusuf isagoo weliba jagadii wasiirnimo lumiyey. Waxaa hubaal ah in odaygu niyaddiisu aad u xumaatay maadaama bahdil iyo sharaf dhac keliya uu ka mutay joogitaankiisii Baydhabo.


Waa tii siyaasadda wadanku isbedeshay, waatii Tigre ciidan lixaad leh iyagoo garab ka helaya ciidan dowlad sheeganaya iyo dhaqaale Mareykan ay xoog ku maquuniyeen maxaakiimtii, Qanyare ka ceyrsaday xaruntiisii Dayniile. Dhowr maalmood qabashadii Muqdisho ka dib ayuu Qanyare soo guri noqday, Maalmihii hore ayuu isku dayey inuu cadeysto figradiisa ku aadan hub uruurinta ee ah in aan dadka Muqdisho keliya laga dhigin dabka ee wadanka oo dhan mar laga wada qaado laakiin odaygii C/lahi ma ilaawin hadaladii hore ee Qanyare waagii uu atooraha Xamar ahaa oran jiray sidaas awgeed C/lahi wuxuu go'aansaday in uu ka aarsado Qanyare maadaama uu tabar daran yahay maanta taageeradii beeshiisana lumiyey, awood shisheeyana dul degan tahay.

Wuxuu qorsheeyey C/lahi in hubka laga dhigo Qanyare wixii gacantiisa ku jira hadaba habkee ayaa loo marayaa hub wareejinta. Xusuuso labadii arimood: 1. Jen Naaji waa Yemeni aan mudneyn hogaanka ciidanka xoogga Soomaaliyeed; maalintii Dayniile hubka looga tiriyey Qanyare wuxuu C/lahi soo diray Jen Naaji 2. Maleeshiyada P/land ciidan dowlad ma ahan nagamana qaadi karaan hubka; C/lahi Naaji wuxuu ku soo daray maleeshiyo dhafoor qiiq ah oo ka yimid Garowe iyo Jariiban iyagaana hubkii ka jiitay odaygii Qanyare. Taas waxaa u sii raacay in wiilal yaryar oo naftiisa ilaalo ka ahaa Qanyare lagu laayey madaxtooyada isagoo booqanaya C/lahi Yusuf. Waxaa rag goob joog ahaa sheegeen in meydka wiilasha dhegta loogu sheegay C/lahi isagoo la fadhiya Qanyare iyo asxaabtiisa hayeeshee kuma soo qaadin geeridooda ilaa shirkii ka dhamaado oo markii uu Qanyare sii baxayey ayuu si kaftan ah u yiri “Intii dhimatay alle haw naxariisto ee meydkaagana hore u sii qaado” Waxaa taas ka sii dartay markii Qanyare xusi waayey tacsi iyo cabasho midna xasuuqii loo geystay wiilasha aan waxba galabsan. Nin la shaqeynayey muddo dheer C/laahi Yusuf ayaa odhaahdan tiraabay: “Odaygu ma abaal gudee waa aarsadaa” Bal aan dhowrno waxa ay mutaan ragga kale ee haatan sii daba jooga C/lahi Yusuf.

WQ: X A Kullane

xkullane@yahoo.com

No comments: