Sunday, February 18, 2007

Waraysi lala yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE JSL. Md. Siilaanyo.

Waraysi dheer oo wargeyska Ogaal la yeeshay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye

"Doorkan waxay ku xidhan tahay in Rayaale iyo dadku is-barteen iyo in aanay is-baran"

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waraysi khaas ah oo Ogaal uu la yeeshay kaga hadlay arimo kala duwan oo la xidhiidha, Gudiga doorashada, doorashada soo socota, dimuquraadiyada xisbiyada dhexdooda, siyaasada mandaqada iyo arimo kale oo xiiso leh.

Waraysigaasina wuxu u dhacay sidan .

S:Gudoomiye, Xisbiga Kulmiye ma magacaabay xubintii ka gali lahayd gudiga doorashada maadaama lixdii xubnood ee kale la magacaabay.?

J: Maya, maanaan magacaabin, sababta aanaan u magacaabinina waxa weeye, qaabka ay wax u socdaan ama farsamada howshaa loo galay, maanaan arkayn fursado dan u ah geedi-socodka dimuquraadiyada iyo midnimada la doonayo in aynu muujino wakhtigan xaadirka ah. Waxaynu ka hadlaynaa waa doorashooyinkii geedi socodka dumuquraadiyada, imikana dhowr doorasho ayaynu soo galay, waxana shaqaynaysay gudi (Gudida Komishanka) dhowrkaa sono soo dhisnayd, gudidaasi waa gudi tababaro badan qaadatay, waa gudi waayo arag soo noqotay, waa gudi howlo badan soo gashay, waa gudi is-baratay, runtii gudidaas anagu xisbi ahaan qof aanu magacownay oo aanu ku leenahay ma jiro, wakhtigii gudigaa la sameeyayna xisbigayagu maba jirin, ururada qaarkood uunbaa jiray.Sida marka ugu horaysa lagu sameeyay iyadoo ashkhaasta la magacaabay aanaan waxba ka odhanayn, may ahayn qaab munaasab ku ah marka Xisbiyadu hanaqaadaan in loo sameeyo komishanada danbe, waayo, waxaad samaysay waxaad magacowday. Waxa la yidhi sadex waxa magacaabaya Madaxweynaha, Guurtida oo iyana markaa xisbi iskaga tirsanaydna waxay magacaabaysaa laba, anaga oo labada Xisbi mucaarad ah waxaanu hore u soo jeedinay in qaabkaa wax laga badalo, oo sadexda xisbi min sadex xubnood la siiyo, illaa Baarlamankana waanu u gudbinay ilaa hadana wax talaabo ah oo laga qaaday ma jirto.Sida ay doonto ha noqotee waa in la isla ogaado oo inta la wada tashado wax loo midaysan yahay loo gudbiyo Baarlamanka. Tusaale ahaan waxa kale oo jirtay, in la tixgalinayo Dumarka, Dagaamadii, waxa la tixgalinayaa waayo aragnimadii oo korka xaadis noqon maysee, waxaas oo dhan in laga wada tashado oo laysu yimaado ayay ahayd, markaa taladaasi way maqnayd ayaan leeyahay, iyadoon taas laysugu iman iska soo magacow qof uun aniga macquul iiguma muuqato, waayo, baahiyo badan oo qaranku u baahanyahay oo doorashooyinku u baahanyihiin, oo sinaanta garsoorka lagu tartamayaa u baahantahay, oo danta geedi socodka dimuquraadiyadu u baahantahay, wada tashiyo badan ayaa meeshii ka maqan.

S:Markaa idinku xisbi ahaan ma waxaad leedihiin wada tashiyo badan oo la sameeyo mooyaane sidan waxba ku magacaabi mayno?

J:Anigu ku boodi maayo oo ma odhanayo, xubinbaan magacaabayaa ama ma magacaabayo, halkaa in aan galiyo suryadaa ma doonayo, waxan qabaa wax ka wanaagsan oo dalkan loogu talin karaa jirta, ta aan soo jeedinaynaana waa talo, oo aanu leenahay hala isugu yimaado maxaad talo haysaa. Talada aan soo jeedinaynaana qodobada aan soo sheegay ayay ku fadhidaayoo waxa weeye, hadii aan imika wax kale laga gadhsiinayn in kuwii hore loo kordhiyo ayaan qabaa, lagama maarmo, arintuna kuma eka, ma magacaabaysaan mise magacaabi maysaan.

S:Xeerarka iyo Sharcigu ma ogolyihiin in gudidii hore ee Komishanku sii hayaan.?

J:Wax u diidayaa ma jiraan, meel la yidhi looma kordhin karaana ma jiro, kuwii u diidayay ayaaba loo kordhiyaye maxaa u diidayay? Maantana waxaabay hortaalaa Baarlamanka, ilaa hadana Baarlamaanku anigu sidaan u arko mowqif hagaagsan ayuu iska taagay. Arintana marnaba yaynaan u arkin beelo iyo wax noocaas ah shuqul iskuma laha, laakiin sababaha badan ee aynu ka wada war-qabno ee inta badan aynu maqlayno ayaa meesha ku jira.Markaa waxaynu ku wada raali nahay, ee dantu u badantahay, ee dunidu inaga qaadan karto, ee macquul loo arki karo, ee maslaxada caamka ahi ku jirto, in la qaato weeyi.

S:Komishankii hore idinku waa ka cabanayseen, oo ilaa xad shaqadiisa waxa u tirinayseen inu UDUB u janjeedho, markaa Gudoomiye hada maxaa is bedelay.

J: Maaha dad aan odhanayo Xisbigayagay la shaqeeyeen, waayo qof qudha oo aanu magacownay anagu kuma jirin, laakiin waayo-aragnimo farabadan ayay korodhsadeen, waa la Is-bartay oo Axsaabtoo dhan way wada shaqeeyeen, ajanibaga way wada shaqeeyeen, markaa, ashakhaas ahaan kuwii hore u joogay uga hadli maayo, kuwa la soo magacaabay, ama kuwa danbe ee iman doonana ashkhaas ahaan uga hadli maayo, oo kumaan diidin ashkhaastooda iyo waxa ay yihiin. Laakiin marka arinta dhinac walba la soo koobo, laba hab in mid uun la soo galo weeyi; in qolooyinkaa hore loo kordhiyo Iyo in wada tashi la isugu yimaado, oo la iswaydiiyo ma kuwii hore ayaa sii jooga mise dad cusub ayaa la magacaabaa? Hadii la magacaabose imisa ayaynu ku heshiin karaa?. Anigu mar walba waxan taaganahay, arimaha qaranku waxay ku wanaagsanyihiin wada tashiga, dadka wixii howli ka dhaxaysaana waa in ay isla fahmaan, oo wax ay isla ogolyihiin ku tartami karaan, oo ku midoobi karaan, waayo kalsooni ayay abuuraysaa, wanaag ayay abuuraysaa, iyaga wada shaqayntooda ayay wanaajinaysaa.

S:Imika Guurtidu way magacowday xubnohoodii, xisbiga Ucid wuu Magcaabay, Madaxweynuhuna wuu magacaabay, markaa, dhinacyadii kale mar hadaanay idinla qabin, xubintiinan aad dib u haysaan maxaad isleedahay way ka badali karaysaa arinta.

J: Arintu imika halkaa way soo dhaaftay, kuwa magacaabay qudhoodana waanu is arkaynaa, qaar-badan ayaan la qabin oo wakaa Baarlamaankii oo isu dhan, oo xisbi walba lihi, sababahaa aanu aragno sababaynaya, ee sababahaa daraadood dib ugu celiyay. Markaa iyagu haday arinta si u arkeen, dee anagu waxba ka odhan mayno siday u arkeen, oo xaqbay u leeyihiin siday u arkeen, laakiin anagu sidaa uma aragno, oo waxaanu leenahay arinta sidan si ka fiican ha lagu soo dabaalo.

S:Gudoomiye, caam ahaan waxyaaba sadexda xisbi Siyaasadeed loogu dhaliilo waxa ka mid ah, Xisbiyada gudohooda in aanay dimuquraadiyadi ka jirin, oo aydaan ogolayn in xisbiga dhexdiisa la idin kula tartamo. Markaa adigu Gudoomiye ahaan, hadii aad murashaxtahay doorashadan soo socota, xisbigaaga maka suuragalaysaa gudihiisa in dimuquraadiyadi ka dhacdo, oo lagula tartamo, dabadeedna murashaxu tartan ku soo boxo.

J:Waayo aragnimo hore oo markaynu Soomaaliweyn ahaynba la soo maray, ayaa lagu arkay Axsaabta aan xuduuda lahayni dhibaatada ay la iman karto, wax la soo maray ayay ahayd, markii raas waliba xisbi samaystayna lixdamaadkii waa tii dhashay inqilaabkii iyo kacaankii iyo wax la mid ahaa ee fowdada abuurtay. Markaa, iyadoo waaya aragnimadaa laga duulayo ayaa jid loo jeexay qaabka Axsaabtu ku soo baxayso, oo la yidhi sidaa ha loo dhigo, dariiqiibaa la maray tartanbaa la galay, horta sidaas ayay Axsaabtu ku soo bexeen.Sadex doorasho ayaynu soo galay, hadaynaan inagu isaga markhaati kacayna, dee dunidu waxyaabay inooga markhaati kacdaa. Cida cabanaysay xisbi ahaan anagaa ugu badnayn, laakiin, hadana waxa dunida ka dhaca marka loo eego, dunidu waxyaabaha ay inagu faaniso waxa ka mid ah, geedi socodka aynu u qaadnay dhinaca dimuquraadiyada, oo caam ahaan marka loo eego, ee laga saarsaaro dhaliilaha ugu muuqaday mid taabo gal ah. Xisbiyadu wakhtiga ay jireen wakhti badan oo lagu qiimeeyo ma ahayn. Markaa, markaad Axsaabta cusbayd aad eegto, oo wali ay heer curdin ah ku jiraan, oo aan wali dadkeenii si wacan u baran, matalan, qaadhaankooda, siyaasada dhismahooda, mudada ay joogeen howlaha iyo doorashooyinka ay soo qabteen, waa Su’aal is weydiin leh waar qaabkan aynu qaadanay ma hanaqaaday mise muu hana qaadin.? Dadbadani waxay u arki karaan dhaliil weyn, ha ahaato laakiin caam ahaan way shaqaysay oo doorashooyin ayaa lagu galay, oo dunidu way inoogu qushuucday, oo ilaa imika wax ka xumaaday ma jiraan. Laakiin waa Su’aal la isweydiin karo dhaliilo ma jiraan.? Kolay way jirayaan, anigu xisbigaygaan ka hadlayaayoo dhaliilo way jiri karaan, oo anaguba waanu aragnaa dhaliilo badan oo dhisme ah oo aanu leenahay, laakiin maaha dhaliilahaasi wax qof sameeyay ama nidaamku sameeyay, e waa wax ka yimi dabeecada bulshadeenu leedahay iyo ururadii hadhay oo ku soo wada biiray. Sadexda xisbina UDUB ayaa ugu weyn oo wali shirwaynihiisii muu qaban UCID way qabsatay shirweynihii labaad, anaguna waanu ugu danbaynoo wali wakhtigii ay nagaga buuxday shanta sano maanaan gaadhin, ilaa bisha August ayay nagaga buuxdaa. Markaa dhowr bilood ka hor ayaanu gudigii qabanqaabada shirweynaha saaray, gudi madaxbanaan ayaanu u saaray, barnaamijka Xisbiga, Distoorkiisa, dhismihiisa, Siyaasadiisa iyo waaya aragnimada noo korodhay mudadaas oo dhanba. Anigu gudigaa gacanta kuma hayo, oo wuu iga madaxbanaanyahay, gudigaasaa wakhtiga munaasabka ah qabanaysa, siyaasada iyo qorshahana samaynaysa, markaa anigu waxaan qabaa inaanu qaab dimuquraadiyad ah ku dhaqmayno kuna socono, mana diidayno inaanu dhaliilo leenahay.

S:Gudoomiye, inkasta oo aad noo sheegtay in gudigaasi jiro, hadana miyaan la odhan karin waad ogtahay waxa ka soo baxaya, ilayn waxa loo arkaa in xisbigu yeeke kaliya leeyahaye.

J:Maya, anigu ma ogi shakhsiyan, gudiguna wax qarsoon maahee, waa gudi xisbigoo dhami ka wada war qabo. Gudigaasi iyagaa soo qabanaya wakhtiga, dabcan howlahana waa ka mid in ay xisbiga dadkiisa isu keenaan, xisbiguna inuu fowdo iska galo dee ma ogolin, laakiin wada hadal dhexdiisa laga abuuraa dee meesha way ku jirtaa. Aniguna wakhtiga aan joogo anigaa Gudoomiyihii xisbiga ah ninka aad tilmaamaysaana waa aniga, laakiin anigu runta markaan idiin sheego, ma ogi wax ka soo bixi doona shirkaa.

S:Gudoomiye, doorashada soo socota adigu mu-sharax ma u tahay jagada Madaxweynenimo?

J:Taasi waxay ku xidhantahay shirweynaha soo socda ee Xisbigu yeelanayo. Baribaa nin su’aal I weydiiyay, anigoo dad bulsho ah shir aan ahayn ka xisbiga ugu qabtay UK. Ninkaas oo qolada UDUB ee aanu tartamayno ka mid ahaa, wuxu yidhi, adigu hadii aad meesha ka tagto xisbigaagu wuu guulaysanayaaye, adigu maka dagaysaa?. Dabadeedna waxan ku idhi, taa yay UDUB ka taline, hadii xisbigaygu yidhaa ka degna waan ka degayaa hadii UDUB tidhaa ka degna ka degi maayo oo waan joogayaa, markaa jawaabtu waxay ku dhantahay sidaa. Hadii xisbigaygu ii garto in aan ka dego, anigoo runtii ay daacad iga tahay ayaan ka degayaa, cidii loo gartana u dhiibayaa.

S:kaba soo qaad in ay kuu gartaan in aad murashax u noqoto xisbiga mar labaad, UDUB-na waxa la Filayaa in uu mar kale taaganyahay Madaxweyne Daahir Rayaale. Markaa hadii ay sidaa u dhacdo oo mar kale aad isku soo noqotaan sadexdiinii tartanka hore u wada galay, ma u malaynaysaa doorkan in aad ka guulaysanayo Daahir Rayaale.

J:Anigu shakhsiyan ismaan badalin oo waa anigii, Rayaalena isma badalin’e waa qokii, baryahana waad aragtoo waxyaabo aan ka sheegay Rayaale ma badnayn, mudo aan hadli jiray waa jirtay, oo markaa dadku odhan jireen kursiguu doonayaa in uu ka kacsado. dabadeed waxan is idhi bal Rayaale iyo shacbigu ha is bartaan. Haatana, waxan u malaynayaa marka wakhtigu yimaado, arintu aniga iyo Rayaale kuma xidhna, e shacbi weynaha Reer Somaliland in ay barteen iyo in aanay baran, in ay wax ogaadeen iyo in aanay ogaan, in ay Rayaale iyo dadku is barteen iyo in aanay is baran ayay ku xidhantahay.

S:Hadii aad noqotid murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, miyaad badalaysaa Madaxweyne ku xigeenkaagii hore mise marlabaad ayaad tartanka wada galaysaan.?

J:Anigu horta runtii doonimaayo in aan mid ka hadlo, arin Xisbi ku xidhan oo sidaad sheegayso dimuquraadiyad ku xidhan, oo dad fara badan ku xidhan, cida noqonaysa murashax, aniga ha noqoto ama Cabdiraxmaan Aw Cali ha noqoto ama qof kale ha noqotee, iyada oo shirweyne la qaban doono, waxa umadaa badan ka dhexeeya, inaan imika idhaahdo sidaasay noqonaysaa meesha kuma jirto. Waataan ku idhi hadii xisbigu ii garto, hadii kalena cidii loo garto, xisbiga intaa leeg ayay ka dhaxaysaa, aniga, Cabdiraxmaan iyo qof isa siin karaatoona ma jiro, waayo xisbigayagu waa dimuquraadi, halkaas ayayna ka soo baxaysaa cida murashax noqonaysa iyo cida aan noqon doonin.

ISW: Ogaal

No comments: