Saturday, March 24, 2007

Madaxweyne Riyaale oo ku gacan saydhay ergaddii guurtidda


Madaxweyne Riyaale oo ku gacan saydhay ergaddii guurtidda
(Waridaad) Hargeysa - Gudoomiyihii golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan fadhigii golaha guurtidda ee maanta isaga oo u waramaya wuxuu u sheegay in ergo ahaan ay shirgudoonka guurtidu ugu tageen shirgudoonka wakiilada iyo Madaxweyne Riyaale ka dibna uu ay shirgudoonka wakiiladu ka aqbaleen erganimadoodii laakiin uu Madaxweyne Riyaale ka diiday erganimadoodii, waxayna ahayd arinta ay dhexdhexaadinta ka galeen muranka arinta komishanka.

Saleebaan oo la hadlaya golaha waxa uu yidhi "Shirgudoonka wakiiladu way naga aqbaleen erganinadii laakiin Madaxweyne Riyaale wuu naga diiday isagaana cirka roob ku og ee goluhu sidaas ha ula socdo" ayuu ku soo gabagabeeyey Gudoomiye Saleebaan.


No comments: