Sunday, March 25, 2007

Cismaan Caato iyo Ciidamadda Xaq-Udirirka-Beelaha-Hawiye ee Gobolada dhexe oo wada qorshe ay doonayaan inay ku qabsadaan degaanada maamulka Puntland

Cismaan Caato iyo Ciidamadda Xaq-Udirirka-Beelaha-Hawiye ee Gobolada dhexe oo wada qorshe ay doonayaan inay ku qabsadaan degaanada maamul goboleedka Puntland.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kacdoon wayn oo ku xidhan ka kasocda Muqdisho uu ka bilaabmay Hiiraan ilaa Gobolada dhexe, kaasoo lagu damacsanyahay in lagu qabsado Gobolka la baxay Puntland lase odhan jiray Bari, ee ay ka soo jeedaan Cabdulaahi Yuusuf iyo Maleeyshiyadiisa Xamar ku soo duulay iyagoo ku hoos jira kaaraha Xabashida.

Cade Muuse oo ah Gudoomiyaha Puntland, ayaa dhowr maalmood ka hor u qaylo doon tegay Itoobiya markuu dareemay dhaqdhaqaaqa milateri ee ku soo socda. Dhinaca kale warar laga soo xigtay dad ku dhowdhow cabdulaahi yuusuf ayaa sheegaya in isna uu dhinaciisa ka wado qorshe uu ku damacsanyahay inuu kala furfuro xoogaga isbahaystay ee uu Cismaan Caato hogaaminayo, isagoo isticmaalaya lacag farabadan oo uu soo samaystay iyo balanqaadyo jagooyin sarsare.

Si kastaba ha noqotee, arintan ayaa noqotay mid warwar iyo walbahaar cusub ku sii abuurtay cabdulaahi yuusuf iyo maleeyshiyadiisa ku soo duulay degaanada beelaha Hawiye. Waxay ku noqotay lama filaan iyagoo aan qorshaha ku darsan maatada iyo caruurta inta aad ku laynaysaan Muqdisho kuwiinii Boosaaso iyo Garoowe yaa idiin ilaalin.

Xigasho:somalilandembassy.com

No comments: