Monday, March 26, 2007

XISBIGA UCID OO QARKA U SAARAN BURBUR KA DIB MARKII MASUULIYIINTII XISBIGAASI UGU SARAYSAY AY KA BAXEEN

Hargeysa (Sooyaal.com)-- Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID ayaa qarka u saaran inuu burburo ka dib markii xubnahii ugu muhiimsanaa ee xisbigaasi ka dhex muuqan jiray ay ka baxeen iyadoo ay ugu wacantahay khilaaf ba'an oo soo kala dhex gallay iyaga iyo Guddoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe.

Maalmahii ugu danbeeyey ayaa waxaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxaa la arkaayey isagoo si toos ah ula saftay dhinaca Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin isla markaana isku mawqif iska taagay halka uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iska taagay oo kale, waxaa sidoo kale uu guddoomiyahu dhawaan maruu khudbad ka jeedinaayey dugsiga Xannaanada xoolaha oo laga furaayey degmada madheera uu dhaleecayn usoo jeediyey mudanayaasha golaha Wakiiladda oo uu ku sheegay inay wadaan waxaan dantooda ahayn isagoo ku eedeeyey xildhibaano seddexda xisbi qaranba leh inay wadaan wuxuu ku tilmaamay maamus ka xayuubin dhinaca madaxweynaha isagoo sheegay inay tallaabadaasi tahay mid khaldan.

sidoo kale dhawaan ayuu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu eedayn kulul usoo jeediyey Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo uu sheegay inuu khiyaamaynaayo waa sida uu hadalka u yidhiye hadafka xisbigii uu ka soo baxay ee UCID.

Haddaba Waa Ayo Masuuliyiinta ka Baxay Xisbiga


Sida aanu warar xogogaal ah ku hellayno waxaa xisbiga UCID si dadban oo aan la shaacin uga baxay masuuliyiintii ugu muhiimsanayd ee ay xisbigaasi wada aas aaseen Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe waxaana ka mid ah masuuliyiintaasi.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) Guddoomiyaha golaha Wakiiladda isla markaana ka mid ah guddida fullinta ee Xisbiga UCID



  • Mudane Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde Maayor Ku Xigeenka Caasimadda Hargeysa kana tirsan Xisbiga Mucaaridka ee UCID


  • Mudane Naasir Xaaji Cali Shire oo ah mudane ku jira golaha wakiiladda kana mid ahaa guddida fullinta ee Xisbiga UCID


  • Mudane Khadar Ambassador oo ah mudane ku jira golaha wakiiladda kana mid ah guddida fullinta ee Xisbiga UCID


  • Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, Guddoomiyaha guddida shuruucda ee golaha wakiiladda isla markaana ka tirsan guddida fullinta ee Xisbiga UCID.


  • Mudane Maxamed Faarax Qabile, Mudane ka tirsan guddida fullinta ee Xisbiga UCID


  • Mudane Xaashi Xuseen Caabi, Mudane Ka Tirsan golaha Wakiiladda isla markaana ka mid ah guddida fullinta ee Xisbiga UCID


  • Mudane Bashiir Sh. Xuseen Tukaale, Mudane Ka Tirsan golaha Wakiiladda kana mid ah golaha dhexe ee Xisbiga UCID


  • Mudane Xuseen Maxamed Cige Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda kana mid ah guddida fullinta ee Xisbiga UCID


  • Mudane Siciid Maxamed Cilmi, Ka tirsan golaha wakiiladda kana mid ah golaha dhexe ee Xisbiga UCID


  • Axmed Maxamed Cali Beegsi, Mudane ka tirsan golaha Wakiiladda kana mid ah guddida fullinta ee Xisbiga UCID

Masuuliyiintaasi ayaa la sheegaya inay badankoodu ku biireen Xisbiga Mucaaridka Kulmiye iyagoo shirar doceedyada Xisbiyeed hadda la wadaaga Xisbiga Kulmiye, halka dhinaca kalana la sheegaayo in qaar ka tirsani ay ku biireen Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB.

Warar xogogaal ah oo aanu ka helnay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay bildhaaminayaan in guddoomiyaha Xisbiga UCID uu dhawr jeer todobaadkii ina dhaafay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriayadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyadoo arrimaha laga wada hadlayna ay ugu weynayd arrinta koomiishanka doorashooyinka qarranka.

dhinaca kalana waxaa gebi ahaanba xisbiga UCID ka baxay marka laga reebo laba mudane xildhibaanadii golaha wakiiladda ugu jiray xisbigaasi, labada mudane ee keliya ku hadhay golaha ee la mabda'a weli xisbiga UCID waxay kala yahiin:

Mudane Ibraahim Mahdi Buuba
iyo Mudane Saleebaan Bukhaari


Dhinaca kalana warar xogogaal ah oo aanu hellayno ayaa tibaaxaya in Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu madaxweyne Rayaale u ballan qaaday inuu u magacaabi doono xubin ka mid ah wasiiradiisa dhawaan isla markaana uu Guddoomiye faysal cali waraabe taasi ku qancay

Xigasho sooyaal.com

No comments: