Sunday, March 25, 2007

Dr. Gabboose oo Shirar Gaargaar ah la Yeeshay Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Burco

(Waridaad) - Siyaasiga madaxabannaan ee Dr.Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaleeceeya xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Burco, ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeelanayay waxgaradka, aqoonyahannada iyo Madax-dhaqameedyada Gobolka Togdheer.

Kulamadan oo aan saxaafadda loo ogolayn ayaan si rasmi ah loo ogayn arrimaha lagaga wada hadlayay. Haseyeeshee, ilo xogogaal ah ayaa tibaaxay in ujeeddada kulamadaasi ay ahaayeen kuwo si weyn looga gorfaynayay dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan wakhtigan, waxay wararku intaa ku dareen in laysla soo qaaday baahida loo qabo in uu yimaaddo isbeddel siyaasadeed oo cusub, si xal looga helo dhibaatooyinka iyo khilaafyada hadda ka jira waddanka.

Shirarkan oo la sheegay in ay ka qaybgaleen xubno gaadhaya boqol qof oo kala socda beelaha wada degan Gobolka Togdheer, ayaa soo dhoweeyay kulamadaas oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen qaar loo baahnaa, waxana loo ballamay in shirarka laga sii badiyo intan.

Safarka Gabboose ee Burco ayaa ku soo beegmay wakhti guuxyo siyaasadeed oo badani ka jiraan Burco, isla markaana dadweynuhu ay aad u dhaliilayaan xukuumadda Somaliland ee talada haysa.

Dr.Gabboose oo aannu wax ka waydiinay ujeeddada safarkiisa iyo wixii lagaga wada hadlay kulanmadaas ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo, waxaanu dib ugu laabtay dhinaca Hargaysa.

No comments: