Saturday, March 24, 2007

Wefdi Culus Oo U Hogaamin Doono Axmed Siilaanyo Ayaa Berri Lagu Wadaa Inay U Baqoolaan Degmada Madheera Iyagoo Soo Booqanaya Suxufiyiinta Wergeyska Ha

Hargeisa (Harowo.com) March 24 -07- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminaayo oo ka kooban guddidiisa fullinta ayaa la filayaa inay maalinta berri ah u baqoolaan dhinaca iyo degmada Madheera iyagoo halkaasina ku soo booqan doona 3 suxufi oo ka tirsan Wergeyska Madaxa Bannaan Ee Haatuf oo muddo laba bilood iyo badh ah u xidhan qoraalo lagu eedeeyey inay wax kaga sheegeen Qoyska Madaxtooyada Somaliland.

Wefdigani ayaa lagu wadaa inuu noqdo kii ugu balaadhna ee dhinaca siyaasiyiintu ay ku booqdaan suxufiyiintaasi, waxaana dadka qaar leeyahiin booqashadu waxay dabada ku haysa arrimo la xidhiidha ololahii dhinaca siyaasadda iyo kasbashada shacabka oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye bilaabay.

No comments: