Thursday, March 08, 2007

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Jaaliyadda Beesha bariga Burco ee degan dalka Imaaraadka Carabta waxay Tacsi u dirayaan qaranka Somaliland,eheladii, qaraabadii iyo qoyska reer Fadal iyagoo ka tacsiyadeynaya Geerida xaqa ah ee ku Timid Alle ha u naxariistee Marxuum Muuse Cabdi fadal oo shalay lagu aasay magaalada Abu Dhabi.

Muuse, Ilaahay naxariista Janno ha siiyo'e waxa uu ka mid ahaa Odayada ku caanbaxay nabadda iyo amaanka somaliland. Si gaar ah waxa uu uga soo shaqeeyey nabada beelaha iyo dhismaha maslaxadda dalka.

waxaanu Ilaahay uga baryaynaa dembi dhaaf. Intii uu dhalay iyo qoyskaba Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo. AmIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN.

Jaaliyadda Bariga Burco

No comments: