Wednesday, March 07, 2007

SSE waxay u aragtaa Xukunka wariyayaasha Haatuf cabbudhin iyo xadgudub banii'aadnimo kiisa ugu xun tan iyo intii aynu bilownay geeddi socodka cusub ee

SSE oo ah dallad kulmisa, xidhiidhisana jaaliyadaha iyo urrurada ijtimaaciga ah ee qurbo jooga Somaliland ee ka jira waddamada Yurub ayaa waxa uu walaac iyo walbahaar ka muujinayaa xukunka ay Maxkamadda Gobalka Hargeysa ku ridday afar ka mida wariyayaashii wargeyska Haatuf iyo weliba iyadoo la xayiray soo bixitaankii iyo hawlihii warbaahineed ee wargeyska Haatuf. Xukunkani wuxuu gebi ahaanba ka dhanyahay sharcigga saxaafadda Somaliland ee hore loo ansixiyey. SSE arrinkan uma aragto mid ku kooban Haatuf oo keliya, balse waxa loo arkaa in la abuurayo xaalado lagu xakameeyo isla markaana lagu dabro saaxafadda xorta ah ee Somaliland oo ah mid ka mida waxyaabaha ugu muhiimsan ee aynu bulsho weynta adunnka ka iibin jirnay.

Xukunkani waa mid dhantaalaya oo dhaawacaya Dastuurka ama xeerarka aynu u dejinay saxaafadda xorta ah ee Somaliland. Waxa nasiib darro ah iyadoo taariikhda aynu soo marnay ay weli qoyantahay oo raad la soo dhaafay maanta dib loogu noqdo. Waa wax laga naxo in wariyayaasha Haatuf aanay helin maxkamad iyo gar ku salaysan caddaalad iyo sinaan sida ay noo soo gudbiyeen guddi hoosaadka aanu arrinkan si gaara ugu xil saarnay. Waa nasiib darro in Wariyayaasha Haatuf iyadoon fursad la siinin lagu riday xukun aan ku salaysnayn qawaaniinta u dejisan saxaafadda Somaliland iyo ta caalamigaba. SSE waxay Xidhitaanka wariyayaasha Haatuf u aragtaa digniin iyo hanjabaad toosa oo loo soo jeedinayo dhammaan warbaahinta iyo saxaafadda Somaliland iyo in aan la dhaliili karin xukuumada Somaliland.

SSE iyadoo fahansan cawaaqibka iyo cidhib xumada arrinkani ku yeelan karo mustaqbalkeena waxa talo ahaan habboon in:

- Ugu horreyn in Madaxweynaha iyo dowladdiisu ay ilaaliyaan xeerka u dejisan saxaafadda Somaliland isla markaana aanay dhayalsan natiijada iyo midhaha ka dhalan kara arrinkan.

- In haba yaraatee aan lagu darin go’aan kasta oo soo baxa, in joornaal la xidho oo loo diido in dadku si xorriyad ah oo kala duwan, ay fikraddooda kusoo bandhigaan.

- In wariyayaasha Haatuf ee xukunka lagu riday la siiyo fursad maxkamadeed oo caddaalad ku salaysan isla markaana loo oggolaado caddeymaha ay isku difaaci karaan.

- In aan laga tegin xuquuqda aadamaha oo laga fiirsado xeerarka ciqaabta ee la fulinayo isla markaana lagu saleeyo arrimaha saaxafadda xeerka u dejisan ee hore loo ansixiyey.

- In saxaafadda xorta ah ee Somaliland ay si wada jira ugu hawl galaan difaacidda xuquuqda xeerka Saxaafadda.

- In golayaasha dowladdu ay ka fiirsadaan in laga aamuso xukun aan marin nidaamkii iyo anshixii loo baahnaa.

- In shicibka reer Somaliland mid dalkii joogga iyo mid qurbo ku sheeganba ay difaacaan caddaalada isla markaana la diido wax kasta oo ku salaysna dulmi isla markaana inagu celinaya taariikhda madow ee shalay laga soo gudbay.

Ururka SSE wuxuu ka digayaa cidhib xumadda ka dhallan karta haddii xukuumadda Somaliland ay ka fiirsan waydo arrimaha kor ku xusan, isla markaana la dhowro lana tixgeliyo tallooyinka dantu ku jirto. Dallada SSE waxay ka digaysaa mar kale in aan la garab marin halka danta Somaliland ku jirto oo ah in la is qadariyo lagana fiirsado boholaha iyo haddimooyinka inagu soo fool leh. SSE wuxuu adeegsan doonaa wax kasta oo xuquuqda wadanninimo u oggolaanayso, si uu u muujiyo diidmada arrinkan iyo sida SSE ay uga xuntahay.

Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu ina garansiiyo dariiqa toosan ee inagu hagaya caddaalad iyo nidaam dowladnimo hufan oo furfuran.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga ama maamulka SSE

No comments: