Sunday, April 01, 2007

Beelaha Murursade iyo Abgaal oo dagaalka si toosa u soo galay iyo Cabdilahi Yusuf oo doon ku baxsaday.

Beelaha Habargidir iyo Murursade ee Hawiye ayaa dagaalka si aan loo kala harin ugu soo biiray si dalka looga sifeeyo faqashta Cabdilahi Yusuf iyo Tigreegga uu wato.
Labadaas beelood ayaa markii hore dagaalka u wada dhameeyn hasse yeeshee hada waxay isku raaceen inay dagaalka wajahaan maadama qadiyadu tahay xasuuq Hawiye iyo in la geeyo xeryahii qaxootiga dalalka deriska sida Cabdilahi Yusuf yeey ku faanay.
Dagaalyahanada caanka ah ee Mudulood iyo Murursade ayaa dagaalka saakay safka hore ku jiray waxaana la sheegayaa in Cabdilahi Yusuf uu ku baxsaday doon ay u soo dirtay dowladda Kenya si uu ugu baxsado dhinaca Kenya.

Cabdilahi Yusuf oo ilaa xalay lala socday dhaqdhaqaaqiisa Isgaarsiineed ayaa haatan hawada ka baxay ,wuxuuna dansaday telefoonkiisa Seathlite-ka Sida ay sheegeen khubaradda dhinaca isgaarsiinta ee Cabdilahi Yusuf la socday xalayta oo dhan wuxuu codsanayay in diyaarad Itoobiya u soo dirto.
Cabdilahi Yusuf lama oga meesha uu tagi doono laakiin guutooyinka dagaalka ee dhinaca badda ayaa sheegayo inuusan Cabdilahi wali gaarin Maraakiibta badda iyo dariiqa maariineedka ee taga Xeebta Mombasa.

No comments: