Sunday, April 01, 2007

Madaxweynaha Oo Ballanqaaday In Bishan Dabayaaqadeeda Wadahadal Lagu Dhammayn Doono Khilaafka Komishanka

Hargeysa (Somaliland.org) – Wefti ka socdey Ururka Midowga Yurub oo Khamiistii booqasho maalin ah ku yimi Hargeysa, Somaliland ayaa soo dhoweeyey ballanqaadka Madaxweyne Rayaale oo ay sheegeen inuu xaqiijiyey in khilaafaadka siyaasadeed ee taagan lagu xallili doono qaab wadahadal iyo is faham ah dabayaaqada bisha April.

Warsaxaafadeed uu soo saaray xafiiska Ururka Midowga Yurub ku leeyahay Hargeysa shalay ayaa sheegay in weftiga oo ka socdey deeqbixiyayaasha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera dimuqraadiyadaynta, uuna hoggaaminayey Ambassador Eric Van der Linder oo ka socdey Midowga Yurub, iyadoo ay weheliyeen Wakiillo ka socda Ingiriiska iyo Norway, ujeedadooda ugu weyni ay ahayd inay kala xaajoodaan masuuliyiinta Somaliland kaalmada deeqbixiyayaashu ka geysanayaan doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

"Wadahadallo wax-ku-ool iyo saraaxad leh oo ay la yeesheen Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, weftigu wuxuu si gaar ah ugala xaajoodey muhiimadda ay leedahay xal degdeg ah oo isqancin iyo wadahadal ku dhisan in loo helo dhibaatooyinka siyaasadeed ee taagan ee la xidhiidha geeddi-socodka doorashooyinka, " ayuu yidhi warsaxaafadeedka xafiiska Midowga Yurub.

"Gaar ahaan, magacaabista Komishan gudan kara xilka aqoon ahaan, isla markaana madax bannaan oo ay ogol yihiin ama ku kalsoon yihiin xisbiyada oo dhan, " ayuu raaciyey warsaxaafadeedku.

Waxa kale oo uu taas ku ladhay dhammaystirka iyo ansixinta xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Waxana uu yidhi warsaxaafadeedku, "Xal lagu qanacsan yahay oo laga gaadho arrimahaasi waxay aasaas u yihiin in la xaqiijiyo dhaqaalaha deeqbixiyayaasha in la sii deyn karo si wax-ku-ool ah iyo wakhti munaasib ahna loo fidiyo".

Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Rayaale uu u xaqiijiyey in arrimahaas laga hadli doono, laguna xallili doono dariiq is faham iyo is qancin ah dhammaadka bisha April.

Waxana uu warsaxaafadeedku sheegay in weftigu uu dalka ku soo noqon doono horraanta bisha May si uu u eego xaaladda, isla markaana si adag looga wadaxaajoon doono arrimo ku saabsan kaalmada ku saabsan wejiga labaad ee barnaamujka dimoqraadiyadaynta Somaliland.

Arrinta kale ee socdaalka weftiga la xidhiidhey ayuu warsaxaafadeedku sheegay inay ahayd xadhiga suxufiyiinta Haatuf.

"Iyaga oo muujiyey werwerka xoogga ah ee beesha caalamku ka qabto qaabkii loo xidhay 2 tifatire iyo suxufi ka tirsan wargeyska Haatuf Group, weftigu wuxuu Madaxweyne Rayaale ku hambalyeeyey go'aanka hoggaamiyenimada ah ee uu ku siidaayey, " ayuu yidhi Warsaxaafadeedku.
Weftigu sida warsaxaafadeedku sheegay waxa uu mar kale ku celiyey sida uu ugu faraxsan yahay guulaha ay dadka reer Somaliland gaadheen iyo go'aankooda ay ku xasladeen dimoqraadiyadda.

Midowga Yurub ayaa la sheegay inuu joojiyey kaalmadii uu ugu talagalay inuu ku caawiyo doorashooyinka Somaliland sababo la xidhiidha xadhigga suxufiyiinta Haatuf iyo khilaafka ka taagan Komishanka, iyaga oo si gaar ah uga xumaaday tallaabadii xukuumaddu ku muquunisay xilwareejinta Komishanka.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa

No comments: