Monday, April 23, 2007

Ciidamadii Dawladda Oo Laga Saaray Kismaayo Kadib Marki Lagu Jabiyey Dagaal Maanta Ka Dhacay

(Waridaad) - 23 ka tirsan Maleeshiyadii Reer Garowe ayaa meeydkooda lagu jiid jiiday wadooyinka Kismaayo sidii hore uga dhacday Muqdisho, waxaa kale oo is dhiibay taliyahii guutada koowaad ee Majeerteeniya ninka lagu magacaabo Cabdirisaaq Afgaduud.

Wariyaasha ku sugan Kismayo ayaa soo sheegay in Cabdi risaaq Afgaduud uu isu dhiibay Jufadda Reer Ugaas Sharmaarke ee Mareexaan .

Guud ahaan waxaa Kismayo laga sifeeyay Maleeshiyadii Garowe ee saakay ku duulay Shirkadaha beesha Mareexaan ee Kismayo,waxaana xaafadaha Kismayo buux dhaafiyay dhaawacyada Maleeshiyadda Puntland oo maciin biday.
Dumar fara badan ayaa la soo sheegayaa inay hubkii kala wareegeen Maleeshiyada Majeerteeniya ee taliyahooda is dhiibay.

Dagaalyahanada Mareexaan ayaa kuwa Majeerteeniya garabka Cabdilahi Yusuf waxay ka qabsadeen afar Zuug ,hal teedhi seven iyo afar dhashiike.

Dagaalka ayaa xoogeeystay kadib markii Maleeshiyadii beesha Mareexaan ee ku jiray Ciidamada dowlada ay la safteen beeshooda si ay u difaacaan Shirkadahooda ay duulaanka ku yihiin Maleeshiyada reer Garowe.

Gurigga Cabdi risaaq Gaduud ayay dumar iyo Caruur badan oo qamaama ku yaaceen iyadoo laga qaatay wixii agab iyo hub yiil.

Maleeshiyadda Cabdilahi Yusuf ee laga soo aruuriyay Boosaaso,Garowe ,Qardho iyo Gaalkacyo ayaa astaan u noqday fulaynimada iyo in lagu jiid jiido wadooyinka taas oo noqotay mid meel ka dhac ku ah magaca guud ahaan beesha Majeerteen maadama markii labaad dariiqyada Kismayo lagu lalmiyay meeydadkooda.

Warar laga helayo Saraakiisha dagaalka Mareexaan ayaa tibaaxaya inaan la cafineeyn Cabdi risaaq Afgaduud sidaas daraadeedna looga baahan yahay Juffadda Reer Ugaas Sharmaarke inay soo dhiibaan.

Lama ogga Cabdi risaaq Afgaduud in la dili doono iyo inay magangelin doonaan Jufadda uu isu dhiibay ee Ugaas Sharmaarke Mareexaan,waxaase uu Afgaduud Kismayo ku dilay dad kala duwan oo u dhashay beesha Mareexaan isagoo waliba ku faanay inaan Kismayo dib dambe loogu arki doonin Mareexaan ka talinaaya. Waxgaradka beesha Sadde ee Mareexaan ayaa ugu baaqday Majeerteenka reer Puntland inay Caruurtooda badbaadsadaan oo ay kala laabtaan goboladda koofureed.

Xigasho: waagacusub.com

No comments: