Tuesday, April 24, 2007

MAYORKA HARGEYSA IYO SOCDAALKIISA CARDIFF.


MAYORKA HARGEYSA IYO SOCDAALKIISA CARDIFF.

Waxa socdaal laba maalmood ah ku yimid magaaladan Cardiff Mayorka Hargeysa isagoo socdaal shaqo ay u diyaariyeen Jaaliyadda Somaliland ee Wales. Waxa ururka Somali Progressive oo hormood u ah hawlaha jaaliyadda loo oggolaaday inay fuliyaan barnaamaj mataaneeya iskuulada, dawladaha hoose, cisbitaalada iyo ururada bulsho ee kale ee labada dal Somaliland iyo Wales.Guddoomiyaha Ururka SPA, Axmed Xasan Carwo iyo Agaasimaha ururka Cabdikarim Adan ayaa u diyaariyey iyagoo unkaaya barnaamajkan oo ay maalgelinayso Dawladda Wales – Wales Assembly Government.
Mayorka oo ay weheliyaan Guddoomiyaha, iyo Agaasimaha SPA iyo Maxamuud Musegoni oo ka tirsan samawadeenada Jaaliyadda , waxay la kulmeen Madaxa Ururka Golayaasha Deegaanka ee Wales (Wales Local Government Association) Ms. Naomi Alleyne iyo saraakiil kale. Waxay ka wado hadleen sidii WLGA iyo Golaha Deegaanada ee Soomalialnd ay u samayn lahaayeen xidhiidh ay ku hormariyaan danaha labada bulsho. Waxa si gaar ah uga hadleen sida ay labaduba ula shaqayn lahaayeen SPA oo Dawladda Gobalka Wales u xilsaartay mashruuc ay maalgelinayso oo isku xidhi doona hay’adaha adeegyda ee Soomaaliland iyo Wales.
Maayor Xuseen Jiciir oo matalaayey Magaalo Madaxda iyo Golaha Deegaanada Soomaaliland, waxuu taabtay sida ay ugu faraxsan yihiin in la helo barnaamajkan oo ay ka heli doonaan waxtar badan, sida horumarinta maamulka, tayayeenta adeegyada golayaasha deegaanda, sharci dejinta, dhismaha siyaasada iyo dakhli-abuurka.
Waxaana leysla gartay in socdaalkani yahay isbarasho iyo mid furaaya albaabka wado-shaqaynta, iyadoo hawlgalka iyo dabogalkaba la heli doono marka mashruuca Walaaleenta Wales iyo Somaliland uu dhowaan hawl galo. Waxa la taabtay sida ay u wacantay mataaneenta labada caasimadood oo noqonaaya hadafka fog ee iskaashiga labada magaalo iyo labada umadood.
Khamiistii 19ka bishan, waxa mayorka iyo Wasiir_Xigeenka Arrimaha debedda ee Paakistaan loo sameeyey qaabilaad rasmi ah oo uu qabtay Mayorka Caasimadda Wales ee Cardiff. Mayorka waxa raacay hawlwadeenada SPA iyo xubnaha ugu muhiimsan ee Jaaliyadda Somaliland oo uu horkacaayo Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Axmed Xasan Carwo.Waxayna ahaayeen Iid Calisalaan Axmed, Yaasiin Faratoon, Cabdi Kariim Adan, Ibraahim Carab, Maxamuud Muusogoni iyo Cabdirahman Yuusuf.

Mayor Jiciir waxuu ka jeediyey qudbad gaaban oo salaan iyo xogwaran la xidhiidha taariikhda Soomaliland. Waxa kaluu taabtay xidhiidhka qotadadheer ee duuga ah kana dhexeeya labada ummadood. Mayorka Cardiff soo dhoweyn diiran ka dib, ayaa hadalkiisa ku sheegay in Soomalidu tahay jaaliyadda ugu faca weyn ee degaanka Cardiff. Waxuu xusay inay Soomaalidu joogeen ilaa 1860, ayna qayb weyn ka qaateen dhismaha magaalada. Waxuuna saadaaliey in xidhiidhka labada Magaalo noqon doona mid si rasmi ah u taabogala.

Mayorka iyo wafdiga Jaaliyaddu, waxay si fiican u dhexgeleen martidii madasha joogtay oo ay nin nin uga dhaadhiciyeen qadyadda iyo taariikhda Somaliland. Waxuuna socdaalku ku dhammaaday jawi diiran iyo sadaal wacan, iyadoo dhammaan inta hawshan wax ka qabatay filayso midho-dhalinta Mashruuca Walaaleenta oo isku xidhi doona hay’adaha adeegyada sida kuwa caafimaadka, waxbarashada, golayaasha qaranka iwm.

Guul iyo Mahad Allah.

Ahmed Arwo

Guddoomiyaha Jaaliyadda

Cardiff, U.K.
aharwo@gmail.com

No comments: