Sunday, April 22, 2007

“Madaxweyne Rayaale Waa Abaal Laawe, Laba Ninbaa Noloshiisa Lahaa oo Mid Ifka ayuu ugu Neceb Yahay Midna………”Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(HWN):- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland hadana ka mid ah gudida fulinta ee Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Muj: Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu ka aamusay fadeexadi ka dhacday degmadda Dhahar, isla markaana waxa uu Rayaale ugu baaqay hadii uu yahay hogaamiye uu damiirkiisu nool yahay oo Geesino leh inuu is-casilo, adiga [Rayaale] taa lagaa fili maayo.


Sida waxa uu Muuse ku sheegay shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtay xarunta xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE.


Sida waxa uu Muuse ku sheegay shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtay xarunta xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE

Warsaxafadeed qoraal ah uu shirka jaraa’iid ka akhriyey waxa uu u dhignaa sidan:-
“Ummaddu waxay iswadiinaysa Riyaaale muxuu uga ammusay fadeexaddda Dahar ka dhacday iyo arrimo kaleba. Miyaanu shacbigu xaq ugu lahayn inuu uga xogwarramo wixii ka dhacay Goobtaas?. Dhawr tallaabo oo Xukuumaddu qaaday maalmahan dambe ayaa u baahan in ummadda loo caddeeyo danta iyo ujeedada ay ka leedahay. Tallaabooyinkaas , oo saamayn taban (Negative) ku leh, Ganacsiga ,Nabadgaliyada, iyo aayaha dalka waxaa ka mid ah ;
1. Dagaalkii Dahar iyo Fadeexadda ka soo korodhay.2. Farogalinta Ganacsiga xoolaha ee xukuumadda. 3. Deedifaynta Madaxtooyada ee awoodaha Dastuuriga ee G.Wakiillada.4. la wareegiida xukuumadda Xaruunti Guddida Doorahsada.
Bal aan midba mar ku yara dul hakanno siday u kala horreyaan ;
1. DAGAALKII DAHAR IYO FADEEXADDA KA SOO KORODHAY.
Xukummadu waxay innoo sheegtay in xayn Wasiiro ahi , u kicitimeen Gobollada Bari oo ay ka soo fulinayaan mashaaric huromarineed. Marna xukuumadda lagama dareemin abaabul, dhaqdhaqaaq iyo qorshe Dagaal midna . Sida Caalamku u dhaqamo, haddi dagaal la gelaayo waxaa waajib ah;
A. in col hortii la sameeyo kayd saanad iyo saadba leh, lana hubiyo in awoodda ciidankaagu ka sarreeyo kan ka soo horjeeda, iyo in ciidanka la diyaariyo. Diyaarinta ciddanka waxaa ka mid ah: Dhaqalaynta ciidanka iyo qoysaskooda; Daryeelkooda caafimaad; kor u qaaddidda aqoontiisa dhinac walba; kor u qaadista Moralkiisa; ku tababariidda hubka iyo teknolajida ; , isgaadhisiinta;iyo habka Sahaminta cadawga, qarinta sirta iwm. u qeexidda iyo ku qancinta ujeedada loo dagaallamayo; Qaab dhismeedka cutubyada, layliga sarakiisha iyo carbinta colwaynaha. Ciidanku ma noqon karo HANGOOL, maalinta la guurayo ee loo baahdo, la xasuusto, inta kalena muska lagu tuuro.
B. in la talo-geliyo Golayaasha qaranka, Axsaabta siyaasadda, iyo shirkadaha heer Qaran ee hawalaha dagaalka aan looga maaramayn ,iyo in la abaabulo shacbiga.
C. in xog sugan laga hayo cadawga , xoogiisa, hubkiisa,morlkiisa, gurmadkisa iyo Riiqdiisa dagaal.
D. in la darso dabeecadda dhulka lagu faltami doono, ( Buuraha , togagga, jidadka, kaymo. banaanad, magaalo iwm) iyo in la sadaaliyo cimalada ma rooba ma abaarba.
Haddaba iyada oo ummaddu ifaafaalayasha iyo qaar kale toona arag , ayaa waxa BBCda laga maqalay Ciidanki Qaranka oo dagaal kga jira jiidda Dhahar. Warkii ugu horeeyay ee xukuumaddu bahisay ayaa xambaarsana farxad iyo dhiilo labadaba. Farxaddu waxay ahayd guulihi ciidanka Qarnka S/L ka soo hooyay goobta dagaalka ., isla markaana waxaa dhiillo noqotay sirtii ciidanka oo W. Warfaafintu u dhiibay cadawga, markii uu BBC ka yidh " shan Tekniko ayaa xagga hore noo jooga , kow iyo labatan kalena waa ka daba diraynna " Weedha markii ciidankeennu maqlay bal qiyas Naxdinta iyo Niyadjabka ay u keentay, xogta wasiirku BBCda ka gudbiyay. Dhinaca kale cadawgii waxaa u helay xogtii uu u baahna ,ee u ku qorshayn laha tabta dagaalkiisa. Waa hubaal inay ka mid tahay , haddayna kow ka ahayn, sabaabihi keenay ka soo bixidda.
Iyada oo ay sida tahay ayaa shacbiga , Axsaabta Mucaaridka ah iyo Golayaashuba ay isgarab taageen xukuumadda . Waxaay ahayd , haddi maan fayoobi jiro, in Xukuumaddu talogeliso Haydaha Qaranka Qarnka, Riyaale cidna uma waaramin Gole Qaran ,Xisbi Qaran,iyo shacbi toona. Yaabkeeda ayay leedahay. Haddana xukuumaddu waxaay BBCda ka sheegtay ciidankenni oo ka soo baxay Dhahar iyo W.Gashaadhigga oo xilkii ka qaaday, weliba eedo culs dusha loo saaray.
Qaabka warkan loo baahiyay ayaa noqotay, dhiilo ka culus tii W.Warfaafinta. Riyaale waxaa uu BBC ka baahiyay in;
 W.Gashaandhigu bixiyay amar khaldan oo dhabarjabin iyo wareerin ku ah Qarannimada S/L.
 In ciidankii laga soo saaray goobta amar la'aan.
 in W.Gashaandhiggu ka xidhay Isgaadhsiinti.
Warka Madaxtooyada ka baxay ayaalibtii siiyay cadawga dagaalkina soo afjaray. Sabaabto ah,Riyaale waxaa uu qirtay in khilaaf jiro ilaa heer wasiir ahi , iyo in kala dambayntii ciidanku luntay . Cadawgu marka uu warka maqlay , waa in uu soo dhiirada oo guusha dhamaystiro. waana sida ay u egtahay in wax u dhaceen.
Hoggaaminta dagaalku waa xilka ugu adag ee qof loo igmado, qofka xilka qabanaya waa in uu leeyahay khibradeeda. Taliyaha Guud ciidanku (Madaxwaynuhu) ma garan waayeen, sirta dagaalka in la xafido. khalad haddii u jirana in si asturan loo saxo, ee muxuu idacadaha uga gudbiyay sirta Dagaalka? waxa kale oo iswadiin mudan, Xogta uu Riyaale ku go'aan qaatay ( xilka qaadista wasiirka) yaa siiyay.sida wax loo maamulay sir bay cidhib ku leedahay. Goobtii raggu ku dhintay , ee ku dhawacmay, iyada oon xoog la innagaga soo saarin, maxaynnu uga soo baxnay? jawabta meel dheer ha ka doonin, ee waa laba qodob midkood;
A. Marka hore ayaanu qorshe dagaal jirin, Ciidankuna talo la'aan ayaa dagaal lagu geliyay , kadibna waxaa la arkay xaaladdii dhabta ahayd in aanu ciidanku ku sii nagaan karin goobta, Haddi uu jiray qorshe dagaal oo xuduudaha Bari lagu sugaayo, maxaa Dhahar loo doortay,?Maxaa Aagga laamiga iyo L/canood loo dhaafay? Bal xusuuso 2002 Riyaale waa kii ka soo baxay L/Caanood, maalintiiba ciidan iyo hub kuma yarayn gacantiisa , waa tii labada gole u saxeexeen xaalad dagaal . Yaa ka horjoogsaday ?
B. Waxaa laga yaaba, in ay innagu dhexjirto cid guusha S/l neceb oo cadawga u adeegaysa, isla markaana talada gacanta kula jirta, oo amar khaldan bixisay.
Wasiirkii Gashaandhigga ee hore Waqaf, ayaa shalay war-baahinta u caddeeyay in aanu jirin Qorshe dagaal oo lagu sugaayo xadka bari . Waqaf waxaa u sheegay in waajibka ciidanka la siiyay uu ahaa mid kooban, oo ku e’g ammaanka waftiga Culus ee jiidda marayay.
Murankuba wuxuu ku afjarmayaa, Madaxweynuhu waa kii magacaabay Guddida hawl-gallada Bari, haddii Madaxtooyadu ciidanka dhaqaajiso oo Dhahar dejiso maalmo gudahood. Riyaale ayaa sax ah oo la bogaadin doonaa.
Hadddii taa la waayo , Waqaf baa runta sheegay . Arrintu waftiguna , waxay noqonaysaa olole siyaasadeed oo sidiii tii L/caanood ah. Kolka Waxaa la raadin doonaa cidda ciidanka talo la'aan ku dhaqaajisay, cadawgana ka farxisay, S/L ceebta u soo hoysay , Ciddaa ayaana lagala xisbaabtami doona Dhimasho, Dhaawac iyo dhulka Puntland loo baylihiyay.
2. FARO-GALINTA GANACSIGA XOOLAHA EE XUKUUMADDA
Xukuumadu in badan ayay innoo sheegtay in shirkado shisheeye maalgashi samaynayaan.safar walba Riyaale waxaa uu Dadka ugu bushareeya shirkado diyaar ah, halkay ku dambeyeen isaga ayaa sheegi doona.Weli lama arag qorshe lagu dhiirigelinaayo maal-qabeenka Dalka, waxaase la maqlaa Xukuumadda ayaa u diiday ganacsato wadaniyiin ah in ay dhisaan warshaddi sibidhka, xukumada ayaa diiday in waddaniyiintu keenaan Idacacad wayn, xukuumada ayaa hortaagan in Baanan Ganasci la furto. waxaaba se ugu daran markii Riyaale Dhoofintii Adhiga monopoly ku siiyay nin Sacuudi.Waxaa iswaydiin leh, xukuumadda Ganacsiga Adhigii monoply nin ku siisay, haddii ay u suurto gasho, saw beri ma odhan karto waxaan la wareegay isgaadhsiinta, Diyaardaha iyo xawaaldaha. Faro- galinta Ganacsiga xoolaha ee xukuumaddu, maashana, waxaannu leenahy waa ariin ka horimanaysa Dastuurka iyo danta dhaqaaale ee qaranka , ee ha laga noqdo
3. DEEDIFAYNTA XUKUUMAADDA EE AWOODAHA DASTUURIGA EE G.WAKIILLADA
Waxaa muuqata in Madxawaynuhu diidanyahay awoodaha Dastuuriga ah ee G.Wakiillada, Baarlamaanku xaq buu u leeyihiin in ay dheelitiraan ama waabiyaan madaxtooyadu marka ay ku gefto, awoodaha Dastuurku kala qaybiyay .Madaxtooyadu xaq ma u leedahay awoodda soo celinta Misaayinyadda. Marka dhinac walba laga eego Dastuurka afka hooyo ku qoran; laguma hayo qiil ay ku soo celin karto. Ma garan wayeen Riyaale taas ee waa awood urursi. Miyaan Odayga looga waramin, in rogmadkiiba ka dhacay nin awoodaha dastuurka urursaday. mise Riyaale wuxuu u jeeda, waa yeelkeeda , dantaydaan ka raacday wixii xumaanaya. Weli laama hayo, sharci ka soo baxay wakiillada la doortay, oo aan Madaxtooyadu diidin. Ma aha in Madaxwynuhu uu debidaabyeeyo hawsha culus 82 xidhibaan ummaddu u soo dooratay.
4. LA WAREEGIDA MADAXWAYNAHA EE XARUNTII GUDDIDA DOORAHSAD
AGeedi-socodka Demoqraadiyada waxaa u tiir dhexaada, talo wadaag, Ixtiraamidda fikirka kaaga ka duwan. Haddi aan xisbiga talada haya taladaa lala wadaagayn xisbiyo mucaarid ah looma baahna. marka laga hadlaayo siyaasadda guud iyo jihaynta talada dalka waxaa wada leh axsaabt oo dhan. waxaase muuqta in Riyaale ama garasho ha ka noqoto ama kas ha ka ahaato eh, uu diidanyahay in lala ogaado halka uu ku wado ummaddan. waxaa tusaale innoogu filan weerakii xarunta xisbiga kulmiye uu macnaheedu ahaa maxaad ii raad-guraysaa, waxaabu innoogu quusgooyay markii uu xoog kula wareegayey Xaruntii komishanka. halka wuxuu ku gawracay tartan Doorasho , wuxuu ku saxeexay in uu shan sanadood oo dambe isa siiyay madaxtooyada. waxaanu leenahay dhul u dhacaaga hubso , horta jiraba waaye. Dantu waxay ku jirtaa in aan samaysanno Guddi Doorasho oo inoo dhex ah ,oo aan ku wada kalsoonnahay , midna waa su’aal , haddaad doorasho diido, sidee baad ku sii joog is-leedahay.?
GEBAGEBO
Madaxwaynaw Arrinta Dhahar u jid-bixi adigay ku fadhidaa.sida caalamka ka dhacda, Hoggaamiyaha Damiirkiisu noolyahay,Geesinnimada leh,ee Dalkiisa u daacadda ahi wuu is-casilaa marka tan oo kale ku timaaddo. Adiga se taa laga filimaayo, Sabaabtoo ah,tii ka waynayd ee L/canoodba kamaad damqan . Shacbiguna wuu ka yaaban yahay sida wax u dhaceen, iyo ballantii 2002-gii ee ahayd xadkaan soo xidhaynaa oo anad fulin ilaa maanta.
Faro-galinta suuqa xorta ah hore ayay dawladu ugu jabeen ka fiirso , oo waliba faro-galinta Adhiga ka joogso. waxa talo noogu muuqta in danteenu ku samaanayso, waase haddi Alla ku tuso.
Habka dawladda aynnu u dhisanay ayaa isu dheelitiraya awoodda madaxtooyada iyo golayaasha iyo Garsoorka hadaba ogolaw awoodaha ay dastuuriyan xaq u leeyihiin xeer-dejintu, haddii aan bixiso ku wadan.
Ugu damabayn in aad doorashda si hufan u qaban qaabiso ayaa dantaada, ta ummadda iyo ta mucaaridku ku jirta . Gudd. Doorashadu oo xisbiyaadu ku wada kalsoonyihin , xulidoodan ka wada tashadeen hadddii la waayo Doorashau ma suurtogalaysa? Haddi taasi ku cuntami waydo , oo Doorashu dhici waydo Ummaddu ma ka yeeli doonta waan iska sii fadhiyaya,?”
Intaa ka dib waxay weriyaashu su’aalo ku qarqiyeen:
Mar la weydiiyey Mujaahid Muuse Biixi Su’aal ahayd, dhawaan waxa uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiilada Miisaaniyad sanadeedkii 2007-ka, isaga oo ku sabadeeyey soo celintiisa inaanay xaq u lahayn wakiiladu wax ka bedelka ay ku sameeyaan meelo gaar ah, maadama aan hore waxba looga jari jirin lacagaha Madaxweynihii geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal taas miyaanay xaq u lahayn? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “ Soo celinta Miisaaniyada waxa uu u cuskaday qodobka 55 aad markaa kaas ayuunbaa la akhriyayaa waa af soomaali, hadii qiil looga helo xaq ayuu u leeyahay, hadii sida ku qoran la raba waxa uu qodobkaasi awood siinayaa golaha wakiilada iyagaana wax ka bedel iyo kaabis ku sameynayn kara.
Ta uu ku soo qaaday Marxuun Cigal waxaan leeyahay Madaxweyne Rayaale waa abaal laawe, laba ninbaa Noloshiisa lahaa midi waa C/raxmaan Aw Cali oo maalintii uu Laas-caanood taagnaa ninkii u yeedhay buu ahaa ee yihdi “Ilmaadeer baanu nahaye ha la soo daayo maantana isaga ayuu dadka ugu neceb yahay.Noloshiisa siyaasiga ahna waxa lahaa Marxuum Maxamed Xaaji Cigaal inaan maanta xabaasha kaga daba hadlo may ahayn”.
Weriye, Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com
Hargeysa, Somaliland
janaale94@yahoo.com

No comments: