Tuesday, April 24, 2007

DADKANA DAWLAD BAA DHAQDA DUUNYADA DADKAA DHAQA.

Waxaan doonayaa bal inaan wax ka idhaahdo dawlad la doonayo ee laga rabo inay dadka dhaqdo iyo dadka la rabo inay duunyada dhaqaan.

Waa ta horee waa dawlad haykalkeeda dawladeednimo uu udhan yahay oo ay ugu horeyso caddaaladu aan ku celiyee cadaaladu. ilaalisana sharafta iyo karaamada ummadu igmatay, ka duusha horomarka iyo tabantaabada kuwa jilicsan iyo kuwa wax haysataba .

Dawaldu waa inaanay noqon;

1 Mid sharciga samaysa laakiin aanu qaban sharcigu.
2 Mid ka shaqaysa duminta qaranimadeeda kuna salaysan xaalad abuur
3 Mid wasiiradeeda lagu soo doorto mid-ba ka uu ka been badan yahay

Bal hadaba dawladan aynu maanta haynaa ma tahay mid intaa aan soo sheegayba leh haday jawaabtu tahay HAA markaa miyaanay jawaabtu noqonaynin inay gabtay dhaqitaankii ummadeeda wixii intaa ka badan waxaan u dhaafayaa REER SOOMALILAND.

Bal hadaba waxaa iyana laga rabaa dadka la doonayo in la maamulo aynu yara jaleecno marka hore siday aniga ila tahay waa in layska ilaaliyaa sadex shay oo mid waliba uu lee yahay ka fiirsigiisa kuwaasoo kala ah.

1 CAADIFAD

2 CAQLI

3 SHARCI

Waxay aniga ila tahay in maqashay iyo in joogtayba waxii ina gaadhay markii caadifadu ina qaaday ee lixdankii markaa aan la isticmaalin caqli fara-badan haduu jirayna uu yaraa sharcina hadalkiisaba daa, waxaase loo baahan yahay inaan wax lagu qaban caadifad ee la adeegsado caqliga marka labaadna caqliga laftiisa bini-aadam ayeynu nahoo lagama waayo qalooc iyo eexashoba,e waa in marwalba sharcigu xukumaa caqliga markaas ayaa la helayaa siday aniga ila tahay DAWLAD DHAQDA DADKEEDA IYO DAD DUUNYADA DHAQDA DAWLADIISANA KA DANBEEYA.
Hadiise aynu ka gaboobi weyno ama aynu dhaafi weyno waa,ayo ninkaasi ama imisa wasiir ayaa reerkayaga nooga jira dawlada ama aniga reer hebel madaxweyne iima noqonayo ama reer hebel waanu dooran lahayne hanaga bedeleen HEBEL.

sidee ayeynu u soconaynaa ama aynu meel u gaadhaynaa. WAA SU,AAL JAWAABTEEDU UBAAHAN IN LAGU EEGO CAQLI, SHARCINA LA WAAFAJIYO CAADIFADNA LAGA FOGEEYO.

WAAD SALAAMAN TIHIIN.

JAMA.M DEBAY
JDHALOOKH

No comments: