Tuesday, April 24, 2007

EEBOOW AF LABA DAAN LEH..?

(Waridaad) - Wadaadkii in Cabdille Xassan ee deegaannada bariga Somaliland bilowgii qarnigii labaatanaad ka aloosay dagaaladii ummad fara badani ku naf iyo maalba beeshay ayaa waxa laga hayaa "Eeboow af laba daan leh baan hadalka deynayne." Waxa maanta sidaa ka dhigan wiilkan Ina Geedi Baabu oo ka maqaam liita dammeer malab la saaray. Dammeeruhu haddii ad malab saarto iyo huddaad maadh kale ku rarto culayska rarka oo dhiba mooyee marnaba ma garan karaan qiimaha badecadda korkooda saaran. Tolkii oo sida labadiisa gacmood ah ninka hanan kari waayey miyaa tu kale haybsanaya? Jawaabtu waa maya. Cali Geedi Baabuuyow waxa la yidh af xumo nabadna waa kaa fogeysaa colaadna waxba kaagama tarto. Is maroorin iyo macangagnimo xiligeedii wuu dhammaaday. Mid kalena ay ku xasuusiyo: Geedoow godobtii adoogaa ka galay Salaad Gabayre Kediye adna ma gefka intan le'eg ayaad tolkaa kula dulkuftay! Layaab ma lihid oo geedki masayrka xukun raadiska ayaa maankii iyo miyirkiiba kaa suuliyey. Ogsoonow Geedow intii sidaa ku sifowdey iyaba waxay muteen guul daro iyo ceebe adiguna ha karaam seegin. Waayo hore waxay Soomaalidu odhan jirtey Ninkii waalan tolkii ayaa u miyir qaba; manta se ninkii xasildarro laga dareemo dabiib iyo daawo ayaa lagula daala! Ummadda reer Somaliland ma geydo in lagu sifeeyo argagixiso. Gefka iyo qadafka aad la soo badheedhay waa mid adiga gondahaaga yaale cid kale ha kula soo galgalan.

Ka dib markii lagaga gol roonaaday dagaalada ka holcaya magaalada Muqdisho ayaa Ina Geedi Baabuu iyo dad qalka Majeerteen waxay miciin moodeen in ay dunida ku beerlaxowsadaan argagixiso ayaa Xamar iyo Badhan joogta. Somaliland iyo koonfur Soomaaliya midna laguma oga argagixiso iyo wax u dhow toona. Beentii ay adduunyada kaga dewersanayeen isasoo gabtay oo runtii la ogaa- dawlad aan dadkeedu raali ka ahayni hana qaadiweyday; qori caaradii la iskuma addoomin karo; ciidan shisheeye xoog ummadda ha ku muquuniyo hirgeliweyday. Jujuub, qarjajac, iyo qardojeex madaxnimo lagu heliwaa. Hortiin jireba wuu ku hungoobay, labadan daaquudna halkay kuwii hore mareen ayey halabsandoona. Xaqiiqada haddaan la iska indho tirayn xoogaga xaq u dirirka ah ee ka abuurmay Muqdisho ciddi damacsanayd in ay xoog ku muquuniso si xarago leh ayey isaga caabiyeen. Waxaan marnaba suurtoobayn in Beel weynta Hawiye gebi ahaanteed argagixiso lagu tilmaamo. Waxa markhaati ma doon ah in laba argagixiso ka jirto Bariga Afrika:

  • Argagixisada ugu weyn mandiqadda Geeska AfriKa waxa weeye qowlaysatada Majeerteenia ee ka ganacsata tahriibinta dadka Soomaaliyeed ee sida qarsoodiga ah ugu gudba wadamada Carabta iyo qaarada Yurub. Mulkiilayaaha doonyaha isaga goosha Boosaaso iyo xeebaha dalka Yaman ee ka ganacsada dhoofinta Soomaalidu waxay si naxariist darro ah dadkaa masaakiinta ku daadshaan badhtama Badda Cas halkaas oo sannad walba kumayaal qof u naf waayaan. Boosaaso waxay noqotay meel ay ka jiraan wershedo lagu daabco lacago been abuur ah oo ay ka mid yihiin doolarka Maraykanka, Shilinka Somaliland, Birta Ethiopia,Shilinka Keenya, Shilinka Ugaandha, iyo qaar kale. Waxa intaa dheer in dekedda Boosaaso oo ah xarunta ugu weyn ee laga dhoofu maandooriyeyaal noocyo badan sida xashiishada, afyuumta, iyo heroowiinta. Dhaqaalaha ka soo baxa baayacmushtarkan xaaraanta ah boqolkiiba sideetan (80%) wuxu si toos ah ugu tagtaa oo lagu taakuleeyaa gacan ku dhiiglaha koonfur Soomaaliya ka wada cidhibtirka Beelaha Hawiye iyo maleeshiyo beeleeda ay isku haybta yihiin.
  • Argagixisada labaad ee geyiga ka jirtaa iyana waxa weeye budcadda ay ku bahoobeen Cali Geedi Baabu iyo Cabdillahi Yuusuf iyo xulufadooda. Labadan dhafoor qiiq ee hor boodaya dawlad ku-sheegta gacanku rimiska ah ee lagu soo yagleelay sayladda doofaarka ee Embagathi ayaa horseeday halaag hore leh oo ujeedadiisu tahay in Beel Soomaaliyeed ifka laga tirtiro. Waa laba damiirlaawe oo dadnimadii, daqankii, diintii, iyo Soomaalinimo wixii la odhan jiray ka xuubsiibtay; waa laba nin oo ka masoobay maskax xumo iyo nacayb ummadeed; waa laba nin oon marnaba hanan karin in ay hogaanshaan bulsho walaaltinimo iyo nabad ku waarta; waa labada nin ee hormood ka ah xasuuqa, kufsiga, barakaca, iyo ayaan darrada ku habsatay dadweynihii ku dhaqnaa magaalada Muqdisho; waa laba nin oo sooyaalka taariikhda Soomaaliyeed ka gelidoona baal madow. Waxaan iyana marnaba la hilmaami karin falalka argagixiso ee Cali Geedi Baabuu iyo Cabdillaahi Yuusuf soo maleegayaan si ay u mijoxaabiyaan nabadgelyada ummadda ku dhaqan dalka Somaliland oo ku noqotay laf dhuun gashay.",1]

    Hadal iyo dhammaantii Gedow Aadamuhu inta aanu hadal waxa quman in uu marka hore naftiisa la shawro oo iswediiyo waxa aan qayrkii ugu dulqaadan karin. Haddiise xaalku noqdo waa la hadlaaye iska dheh waxaad la kulmidoontaa jawaabo aanad jecleysan oo ad dhiig kar iyo xanuuno kale ka qaado. Mar dambe ha noqon sida ninkaa in Cadbille Xassan ku tilmaamay Eeboow af laba daan leh baan hadalka deynayne!" Salaamu Laahi Khaaliqina xanuutan bi wejhin mukafani bil jamaal....Wa taciyahaa udunun waaci,

Axmed Cali Ibraahim Sabeyse.
Scarborough, Ontario. Canada.

No comments: