Wednesday, April 25, 2007

Xildhibaanno ka tirsan G. Wakiillada kana soo jeeda Gobolka Sanaag oo ku eedeeyey Wasiirka Ciyaaraha arrintii Dhahar

Hargeysa (Somaliland.org) – Shan xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana mid ah mudanayaasha laga soo doortay gobolka Sanaag ayaa ku eedeeyey Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, mudane Maxamuud Siciid Maxamed inuu masuul ka ahaa mushkiladdii ka dhacday degmada Dhahar. Waxayna ku taliyeen in wasiirkaas xilka laga qaado iyo in loo saaro guddi xaqiiqo –raadis ah sidii arrintaasi u dhacday.

Shanta mudane oo laba ka mid ah laga soo doortay deegaanka Bariga Sanaag ee mushkiladdu ka dhacday, shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen xarunta golaha Wakiillada Somaliland ee Hargeysa, waxay ka warrameen goldaloollooyinka iyo ujeeddooyinka weftigii wasiirrada ahaa ee xukuumaddu u dirtay gobolada bari, gaar ahaan gobolka Sanaag iyo arrintii ka dhacday Dhahar.

Mudanayaashaas oo kala ah: Mudane Cali Barre Maxamed, Mudane Yuusuf Maxamed Cali (Tuke), Mudane Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Mudane Maxamed Cismaan Bulqaas, waxay arrimahaas kaga warrameen hadal qoraal ah oo ay wadajir ugu soo diyaariyeen saxaafadda. Qoraalkaas oo uu shirkaa jaraa'id ka akhriyey mudane Rayte, isaga oo faahfaahsan waxa uu u dhigan yahay sidan:

"Hordhac

Waxa 5tii Bisha Abril xukuumaddu Hargeysa ka abaabulshay olole balaadhan oo ay sheegtay inay wax kaga qabanayso gobolada bari ee Toghdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag, iyadoo isla markaasna qiranaysa in goboladaasi ay ka qatanaayeenee wixii hormarin ah ee ay xukuumadda iyo hay'adahaba xaq ugu lahaayeen Weftigaas oo aan hore noociisa loo arag oo ka koobnaa in ku dhow 20 wasiir, xildhibaano, hawlwadeeno xisibiga UDUB iyo xubno ka socda hayadaha caalamiga ah.

Ujeeddada Weftiga

Ujeeddada rasmiga ah ee weftigu, sida ay dowladdu sheegtay waxay ahayd inay gobolka Sanaag ay ka hirgeliso mashaariic horumarineed oo gobolku ka qatanaa muddo dheer. Ujeeddada runta ah ee weftigu lahaase waxay ahayd laba arrimood oo isku hoos jira:-

Ujeeddada Kowaad

Olole siyaasadeedd oo xisbiyayeysan, Udubayasan, doorashaysan, kooxayasan oo aan qaramaysnayn, cilmiyeysnayn, farsamaysnayn oo daacadaysnayn. Taasna waxa ka marag kacaya: Iyada oo weftiga laga reebay xildhibaanadii laga soo doortay Gobolka badankoodii, isla markaana aan lagala tashan, waxna laga weydiin hawlaha Gobolka xukuumaddu ka soo fulinayso, sidii uu waajibku ahaa. Arrinta labaad ee ka marag kacayso ujeeddada runta ah ee weftigaas waxa weeye, iyada oo aanay haba yaraatee jirin wax mashaariic horumarineed ah oo gobolka loo wadaa. Sababtoo ah mashaariicda ay xukuumaddu dadka ka iibinaysey waa wax la filayo inay yimaaddaan wixii ka danbeeya bilsha Abriil ee 2008, xilligaas oo aan la hubin inay sii joogi doonto xukummadda maanta jirtaa iyo in kale. Sidaas daraadeed ayaa dadweynaha reer Sanaag weftigii ugu magac dareen "Boodh iyo Been".

Ujeeddada Labaad:

Ujeeddada labaad ee ku hoos jirta ujeeddadii hore waxay ahayd in gobolka laga abuuro xaalada dagaal, iyada oo lagu gabbanayo soo taabashada xuduudaha. Ujeedadaasi waxay u qarsoonayd Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah weftiga. Arrimahaas oo dhan waxay iftiiminayaan wixii ka dhacay degmada Dhahar ee lagu eryey wasiirkii Gaashaandhigga.

Waajibaadkii Ciidanka Qaranka.

Haddaba maxay ahaayeen waajibaadkii la siiyey wasiirka iyo Ciidanka Qaranka Somaliland kolkii ay u baxayeen Dhahar?
Sidaa ku cad warbixintii Wasiirka Gaadhaandhigga, ciidamada qaranka waxa la siiyey waajib iyo hawlgal sugan. Waajibkaasina wuxu ahaa inay sugaaan ammaanka iyo nabadgelyada Weftiga oo keliya. Sidaa darteed ujeeddada rasmiga ah ee wefdiga wasiirrada iyo ciidanka qaran Somaliland midna ma ahayn in la sugo iyo in lagu negaado xuduudaha.Haddaba, Maxaa keenay in Wasiirka lagu eedeeyo inuu amar la'aan ka soo saaray ciidamadii Degmada Dhahar haddii markii horeba aan waajibku ahayn inay ciidamadu fadhiistaan xadka ama degmada Dhahar?

Sugidda Xuduudaha

Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland waa kuwo la yaqaan oo aan muran iyo mugdi toona la gelin karin, sugidda xuduudahaas iyo maamul gaadhsiintoodana waa waajib qaran oo loo baahan yahay in loo maareeyo si nabadgelyo iyo wada tashi sida dastuurkeenu qeexayo. Waxa fulinta waajibka qaran ka baaqsaday, si xunna ugu fashilmay Madaweynaha iyo xukuumaddiisa oo run ahaantii u baaahan in lagala xisaabtamo. Waxay nala tahay in sugidda Xuduudaha Somaliland ay leedahay laba weji oo kala horreeya, kalana ah:

Weji siyaasi ah iyo weji milateri

Nasiib darro, weli xukuumadda Riyaale oo dalka ka arriminaysay in ka badan shan sanadood, mar keliya kama soo bixin wax hindise ah nooc kasta ha noqdee oo ku wajahan sugidda xuduudaha dalka, inkasta oo ay bulshada Somaliland, golayaasha Baarlamanka, xisbiyada qaranka iyo warbaahintuba aanay arrintaa mar keliya carrabka ka dhigin.

Shuruudaha sugidda xuduudaha Ugu horrayn, waxa loo baahan in la helo la hindise la hal abuuro oo siyaasad guud ah oo qaramaysan oo ku timaadda talowadaag iyo midnimo qaran oo ka madaxbannaan aragti iyo dano xisbiyeed ama goboleed ama kooxeed. Waxa looga baahan yahay xukuumaddu inay keento hindise tafatiran oo dhinac milateri, dhaqaale iyo siyaasadeedba laga baaraan degey, kaas oo loo baahan yahay in la soo hor dhigo oo laga ansixiyo Golaha wasiirrada, Golaha wakiillada iyo Golaha Guurtidaba ayna wada taageeraan xisbiyada qaranku. Intaas ka dib waxa loo baahan in loo hawl galo abbaabulkii istiratiijiyaddii, tababbarradii qalabayntii iyo diyaargarowgii ciidamada ee loo baahnaa oo dhan kasta ah. Waxa loo baahnaa in sugo oo la dhammeystiro tiradii iyo tayadii ciidan ee fulin lahaa waajibkaas isaga ah weerar iyo difaacba. Waxa intaas oo dhan ka horreeya oo gogoldhig u ah in lala bilaabo wada-hadallo gogolxaadh beelaha iyo deegaaannada xuduudaha ku aaddan, iyada oo laga taxaddirayo tallaabo kasta oo keeni karta kala fogaansho iyo colaado beelaha dhexdoodaha, nabadduna ay tahay mabda' saldhigga u ah midnimada Somaliland.

Hagardaamo qaran (wanjalaad) Haddaba iyada oo intaas oo ammuurood midina aanay jirin maxaa keenay in lagu dagaallamo degmada Dhahar oo ku taal xadka ugu shisheeya ee Somaliland? Ma wax lagu tala galay baa? Mise waa wax si khalad ah u dhacay. Jawaabtu waa iska muuqataa. Xaqaa'iqa jira ayaa jawaabta ina siin kara. Waayo? Sida ay wada qireen labada wasiirba, arrintu ma ahayn kedis ama lama filaan dhacay. Mana ahayn khalad ka yimi xisaabtan xumo. Markaas mid keliya ayaa inoo soo hadhay taas oo ah in lagu talagay dagaalka Dhahareed. Waxa haddaba is weydiin leh ayaa ku talagalay? Waxa cad oo muuqata inaanu jirin qorshe cad oo dagaal oo rasmi ah xukuumadda meel u yaalay. Waayo? Ma jirin waajib cad oo xukuumadda ka soo baxday oo ah in xadka la tago oo la oo fadhiisto. Ciidanka meesha tegey tiradiisa iyo tayadiisa, qaabkiisa, saadkiisa, taakuladiisa midna uma saamixi karin inay meel qabsadaan oo sii fadhiyaan oo difaac ka galaan. Ma jirin wax wada-hadal ah iyo kalsooni ah, ama xataa wargelin ah oo la siiyey ama laga abuuray deegaanka si ay u taageraan ciidamada qaranka ee xadka difaacaya. Haddaba, haddii ay cidi ku talagashay in meesha dagaal ka dhaco waxa ku talagalay madaxweynaha iyada oo aan ciidamada qaranku iyo wasiiradii meesha martayey midna la ogeyn. Haddii cidi la ogeyd waxa la ogaa wasiirka Ciyaaraha oo keliya. Taasina micno keliya ayey leedahay.

Dhahar.

Sababta keentay in lagu dagaalamo Dhahar markii ugu horreyseyba waxay ahayd mid keliya oo ku kooban qof keliya. Kaas oo ah wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada oo isagu u dhashay degmada Dhahar, kana mid ahaa wefdiga. Hase yeeshee tiqo iyo kalsooni aanu ka haysan deegaankiisa iyo dadkiisa midna awgeed, wasiirku wuxu adeegsay ciidankii qaranka isaga oo u baahday inuu kaxaysto tikniko ka tirsan ciidanka qaran Somaliland si uu ugu cabbudhiyo dadkiisa, taas oo ka baxsan waajibaadka iyo xilalka distooriga ah ee Ciidanka iyo mabaadi'da siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Markii ay wasiirkii iyo ciidankii yaraa ee la socday oo sida uu sheegay ka koobnaa 4 gaadhi ay ku sugnaan kari waayaan Magaalada Dhahar ka dib markii laga soo weerary dhanka Puntland, isla markaasna ciidamadii deegaanka ee ka tirsanaa ciidamada Somaliland ay difaaci waayeen wasiirkii iyo tiknikadii uu watay waxa lagama maarmaan noqotay inay ka soo baxaan Degmada Dhahar. Taasina waxay keentay in Wasiirku uu Madaxweynaha ka dalbado ciidamo laxaad leh oo taakulo ah oo lagaga saaro ciidamadii Puntland ee soo galay Dhahar. Madaxweynuhu dalabkaas wuu ka aqbalay wuxuuna ku amray Wasiirka Gaashaandhigga inuu tago Dhahar. Isla markaas Madaxweynuhu wuxu ku amray raxan wasiirro oo ku sugnaa Sanaag inay wada tagaan degmada Dhahar.

Wasiirka iyo Ciidamada Qranku si geesinnimo iyo nadaafad leh ayey u fuliyeen xilkii la siiyey. Way ka saareen Ciimadadii Puntland xuduudda Somaliland . Haseyeeshee waajibkoodu iyo awooddooda midna ma ahayn inay fadhiistaan xuduudda. Labada Wasiirba arrintaas way ka marag kaceen. Xilka wasiirka iyo ciidamadu wuxu ahaa; inay ka saraan Ciimada Puntland xuduudda Somaliland Inay difaacaan oo ilaaliyaan nabadgelyada wasiirrada iyo hayadaha Inay ilaaliyaan guushii ay soo hooyeen iyo hubka iyo qalabka Ciidanka. Saddexdii waajibba Ciidamadu way guteen. Haddaba halkee ayey canaanta iyo eeddu ugu timi ciidamada iyo wasiirka.? Nuxurka eeddo waxay ku soo ururaysaa in Ciidamadii laga soo saaray Dhahar. Haddii Ciidamada iyo wasiirradu ay sii joogi lahaayeen Dhahar hal natiijo oo keliya ayey lahayd.

Taasi waxay ahayd :

in ciidamada ku sugan Dhahar la go'doomiyo, wasiirrada la qafaasho ama la laayo iyo in hubkii iyo gaadiidkii qaranku cadowga u gacan galo. Haddaba waxa isweydiin leh ma sidaas ayey rabeen inay wax u dhacaan Madaxweynaha iyo wasiirka Ciyaaruhu?. Maangalku jawaab kale ina siin mayo. Waayo:
Ciidanka meesha ku sugan wuxu ahaa mid kooban oo aanay la socon ciidamadii lugtu. Ciidamada deegaanku oo wasiirka ciyaaraha beeshiisa ahaa oo ka soo jeestey dhinaca kale, taakulo, saad iyo xoojin ciidan oo aanay midna helayn, filayn-na inay soo gaadho muddo dheer, fadhiisinka Ciidanka ee ugu dhow oo u jirey 240 km, marka cadowgana uu u jiro 20km. Culayska wefdiga wasiirrada oo aan khammaar ama bilkeed la gelin karin, Cimilada xilliga oo halis ku haysey ciidanka roobabka awgeed iyo deegaanka oo dhoobey ahayd, Wasiirka oo deegaankiisii ka waayey wax tageero ah, iyo ciidan difaac la gala, cadowga oo abaabul xoog leh ku jirey; intaas oo duruufood ayaa khasab ka dhigayey iska dhaaf inay sii joogaan, in aan waagu ugu beryin deegaankaas.
GebogeboAnnagoo ah xildhibaanada warsaxafaadeedka soo saaray ee hoos ku saxeexan waxannu soo jeedinayanaa:

- In wasiirka Ciyaaraha xilka laga qaqado
- In hagardaamooyinka halkaa ka dhacay loo saaro guddi xaqiiqo raadis ah oo soo badha, ciddii eeddu fadhiisatona laga qaado tallaabo sharci ah.
Waxan ugu dambayn tacsi u diraynaa qosaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen xubinihii ciidanka qaranka ee hawlgalkaas ku naf waayey
".

C/risaaq M. Dubbad,
Hargeysa, Somaliland

No comments: