Tuesday, April 17, 2007

HA KARAAMO SEEGINA HABAAR LAYGU KARI WAAYE; EE AMA I DILA AMA ISKA KAY DHAAFA

Horaa loo yidhi, wixi la qariyaaba qudhun baa ku jira; waxa kale oo la yidhi, walba ninkaan waxa jooga arkin, waxa soocodna ma arko; waxa kale oo la yidhi, hadal iyo ilkaba waa la cadeeyaa.

Hadaba, sidii dagaalkii sokeeye ee Daroor ka dhacay ee runta la isugu cadeeyey cida gar darada leh, ayaan ana halkan Riyaale iyo xulufadiisa runta ugu cadeynayaa ee KA NAXOW NAFTAA WAA!!

Sidaas daraadeed, candadowlkan qadaadka dheer lehi ee falalowga dhuuban ee dheer ee shaqaabada ahi ee raamaha leh ee indhaha cas cas leh iyo cidiyaha dhaadheer lehi ee Reer Awdal ahi ee uu madaxtooyada ku haysto kaasoo aan u maleenayo inuu yahay Madaxweynaha rasmiga ah Jamhuuriyada Somaliland kana turjumeysa halka ay salaadu ka xidhmi la’dahay iyo fooxisooyinka kale ee qaar Oromo yihiin ee kursigii ugu sareeyey ee Jamhuuriyada Somaliland looga exday Muj. Ahmed Silanyo ee sidaas khaayinkan la inagu soo habaaray loogu loogay hab qaab beeleed iyo qaab goboleysiga iyo qaab faqasheysigaba ee abaallaawaha iyo damiirlaawaha ahi ee inagu wacad furay, waxa uu horey inoo yidhi, “Ha Karaamo Seegina Habaar Laygu Kari Waaye” taasoo micnaheedu yahay—waxba iga qaadi kari meysan:

Maadaama aan ahay Madaxweyne Reer Galbeed ah oo Reer Awdal ah oo Samaroon ah oo haddii aydun soo dhaaftaan qaar ka mid ah Gar Xajiska sida Cawil, Sulub, Buubaa, Dheeg, Bulaale, Xaji Cabdi Waraabe oo ah Oday khatar ah oo uu Morgan igu balamiyey , Feisal Cali Waraabe oo isna ah ninka qaabilsan hawlaha dhabar jebinta Xisbiyada Mucaaradka, iyo qaar kale oo badan sida Ina Dhola Yare oo hore tolkiisa uga falaagoobay loona yaqaan “Hargo madhan side” ee xiligii doorashadii Golaha Wakiilada minjo xaabiyey kuraastii Degmada Ceel Afweyn iyo degaanada kale ee uu ka soo jeedo; ay kelifi doonto in aniga iyo Reer Awdalba aanu Somalilandnimadan aydun sheeganeysaan aanu ka wada bixi doono!!

Maadaama aan soo doortay Madaxweyne ku Xigeen jilicsan ahna fooxle Timo Weynti NSS-ta u badneyd ama ehelka Kacaanka ahayd; Wasiirka Arrimaha Gudahu uu yahay NSS-tii, Wasiirka Duulistu uu yahay NSS-tii, iyo Wasiiro iyo Madax kale oo aydun waxba ka aqoon sida Wasiir Buuni, Ina Xaji Dahir, Wasiirka Madcanta iyo Biyaha, Wasiirka Xoolaha Nool, Wakiilada Wadamada Debeda, iwm—maxay Soomaali maryooley kala taqaanaa!!

Maadaama aan Siilaanyo buur daba dhigay (Cawil, Bulaale, qaar ka mid ah Beesha Galbeedka Burco iyo qaar ka mida Beesha Galbeedka Sanaag) kuwaasoo had iyo gooraale ku shimbiro waaqleeya oo aan xitaa Saleebaan Gaalna ka gooyey shoobarihii uu Marxuun Cigaal ku sameeyey haatana aan Golle xun oo aan ku hor kaajo ku dabray kana adkaaday; Cabdi Aw Daahir-na waad la socotaan sida aan u galay oo xitaa Ina Xaashi-na waad aragteen waxa aan ku dhigay oo waatan dhowaan ururkii Qaran ee ay ku xulufada ahaayeen isaga iyo Dr. Gaboose aan jilbaha u laabay; horena weydun ogeydeen sida aan u bahdilay Boqorkii Habar Jeclo iyo Suldaankii Habar Yoonis iyo xitaa Mujaahidiintii aan booliska ku dalbaday ee suqa lad iyo feedh iyo qori dabadii kala daaley ee aan aakhirkiina xidh xidhay; Muj. Muuse Biixi-na waad aragteen sida aan u sigay sidaasna ku dhaafi maayo.

Maadaama aan Beesha Habar Awal ee Hargeisa iyo Gabiley aan Wasiiradoodii firfircoona aan mid mid sumcada uga dhooqeeyey xilkana ka xayuubiyey oo weliba aan qaar ka mid ah Madaxdhaqaameedkoodi si xun u bahdiley taasoo la xidhiidha arrintii Haatuf iyo weliba dhulboobka aan ku hayo degaanadooda—waxaan u maleenayaa inaad la socotaan inaan xitaa Reer Awdal ahaan kagaga muraney degaano farabadan oo ay leeyihiin kuwaasoo aan akhirkii ka xaraatimeeyey inay doorashadii barlamaanku ka dhacdo; waanad la socotaan sida aan u galay Beesha Ciise ee Awdal kuwaasoo aanu ka wada dhacnay kuraastoodii baarlamaanka ee ay xaqa u lahaayeen haatana aanu ku muransanahay inaanu degaanadooda ka dhaxal wareejino; Besha Arab-na waad aragtaano, waxaan ka soo reebay Muj. Darewal oo keliya; Habar Jeclada wada Qurmista iyo argagixisada ahna waad aragtaan sida aan cashuuraha Berbera ugu qaaliyeeyey iyo sida aan Ilma Xarbi u galay ama sida aan guud ahaan uga xidhay dekeda oo aan xagaas iyo Bosaso aan u didiyey halkaasoo aanan kaga daba hadhi doonin oo waad la socotaan inaan hada jiidahaas Bari ka bilaabay colaad lagu qarinayo in xadka la soo taabanayo oo huu haa ah oo daba dheeraan doonta taasoo aan ku burburin doono dhaqaalahooda oo waatan xitaa xoolahoodii noola iyo sayladoodiiba aan hada Carab gacanta u geshay kana dul macaashi doono oo waataan Wasiiradoodii Gashaadhiga aan wada bahdilay oo wada eryay; Iidoorka kalena hadalkiisa daa maadaama aan kuwaas waa hore saaxada ka saaray; Beelaha Harti Somaliland-na, kuwaas ii dhaaf anigaa jab la maagane oo kuwooda Somalilanders ah ee Jalle Cabdullahi Yusuf-Yey iyo Dowlada KMG ee Somalia ku mucaaradka ah dab baan ku shidi doona; Gabooye-na isma dhaqaajin karo oo waataanu deganadoodii sida Degmada Dami iyo goobo kale oo badan ka dhaxal wareejinay oo qaarna Jeelasha ku dhex dilnay—kuwani, waa iska qaxooti oo kale waxaaney ku qasban yihiin iney amarkayaga raacaan!!

Maadaama aan ahay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee talada dalka haya ee aan la aqoon cida ku jirta Guddigiisa Dhexe iyo Guddigiisa Fulinta kaasoo aan ka xaarantimeeyey in la qabto Shirweynihii Xisbiga sida Dastuurku dhigaayo si aan loo ogaan NSS-ta ka buuxda oo aan jagada la iiga qaadin oo jiritaanka xisbiguna aniga uun igu xidhnaadoo; kuwa is waalana sida Cabdi Aw Dahir ayaan uga eryaya xisbiga.

Maadaama aan hawlaha Qaranka aanu hoostaas iskala wadno Ato Meles Zinawi, Ato Seyum Mesfin, Md. Ismaaciil Curmar Geele, Jaalle Cabdullahi Yusuf-Yey, Jaalle Cade Muuse, Jeelle Morgan, Jaalle Gacmodheere, Jaalle Buubaa, Jaalle Cali Madi, Jaalle Muuse Suudi Yalaxow, Jaalle Maxamed Dheere, iyo qaar kale oo badan oo wada KACAAN ah iyo kuwa KACAANKA U EHELKA AH—yaa markaas wax iga qaadi kara…sheeg!!

Maadaama aan ahay Taliyihii Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo aan weliba hoostaas ka sifeeyey ciidanka Taliyeyaashii Mujaahidiinta ee uu badankooda uu hore Marxuun Cigaal ciidanka uga sifeeyey kuwaasoo intii soo hadhay ee ugu sareysay aan ku wada bedelay taliyeyaal aanuu isku asxaab nahay (FAQASH, NSS, HANGASH, DHABAR JEBIN, UDUB, iwm) sida Jaalle Ismaciil Nuux Taani kaasoo minjo xaabiya Wasirada Difaaca ee walba ee isku daya inuu hawlaha CAAGLAHA soo farageliyo ama ciidanka qaranka habeeyo, nasteexona u noqdo iskuna daya inuu xoreeyo Sanaag-Bari iyo Sool-Bari sida labadii Wasiir ee hore ee Beesha Bari ee qurmista ah; Taliyaha CID-da; Taliyaha Booliska, iwm taasoo aan uga tabaabusheystay Inqilaab Militari oo kuwa dalka lexejeclo ka qaba ay igu soo qaadaan.

Maadama aan Saddexdii Waaxood ee Hab Dowliga, ay laba iyo badh gacantayda ku jirto (Waaxda Madaxtooyada, Waaxda Caddaalada, iyo nus ka mida Waaxda Xeer Dejinta oo ah Golaha Guurtida oo wada UDUB ah) oo aan weliba ku darsaday Guddiga Doorashooyinka; waxa ii dhimana uu yahay soo xero gelinta Golaha Wakiilada ama burburintiisa kaasoo aan si aad ah hada ugu hawlahay waana u jeedaan inaan amray in lala galo wax wadashaqeyn amaradoodii dastuuriga ahaa ee ay ku dalbanayeen in qaar ka mid ah Wasiiradeyda, Xeer Ilaaliyaha, Hanti Dhowraha Guud, iwm aan dhulka ku wada dhuftay waraaqihii ay noo soo direena uu falalowgeyga khatarta ahi uu ku wada kaajey.

Maadaama aan Ilahii Dhaqaalaha dalka oo dhami aan soo ooday; Khayraadkii dabiiciga ah oo dhamina sida khayraadka badda iyo beriga aan haysto oo weliba waxa ka soo baxa Dekedii Qaranka ee Berbera iyo Kastamada iyo Gegida Diyaarada oo dhan ay jeebadayda soo galaan, Xolahii Noolaana aan dhowr sannadood hoostaas ka xanibnay haatana aan nin Carab ah kula soo heshiiyey inu talaata beysteyn ku qaato oo samigeygana ii soo tuuro sida ka jirta shirkada TOTAL, Deeqda Dowladaha Ajinebiga hadalkoodaba daa, iyo kuwa Hay’adaha Samafalka, Wakaalada Biyaha, Wakaalada Korontada, Cashuuraha Dowlada hoose maadaama Mayaradoodu ay u badan yihin Xisbiga UDUB, iyo qaar kale oo badan; Hantidii Qarankana oo dhamina, ay gacanteyda ku jirto sidaan doonona ugu tagri falo oo aan weliba ku guuleystay inaan musuq maasuq baaxad weyn oo dhinac walba saameeyey aan ummada iyo dalkaba ku curyaamiyo taasoo ii sahashay in la ii baahdo oo aan u soo tuuro cad quudheed iyo lafo ay yara feentaan taasoo la xidhiidha hawlaha DHAAMEELKA DOWLADA FEDERAALKA ee SOMALIA ee aan ugu talo galay minjo xaabinta, waxa lagu sheegay Aayo ka tashiga, Gooni isu taaga, Geedi Socodka Dimoqraadiyada, Ictiraaf Doonka, Qadyada, iyo jiritaanka Somaliland!!

Maadama aan sharciga ka sareeyo oo aan Dastuurka iyo Shuruucdal Dalkana u yaala aan sidaan doono ugu tunto cidina aaney waxba iga qaadi karin dalkana aakhirkii ku xukumi doono Digreeto Madaxweyne sida aan mararka qaarkoodba sameeyo!!

Maadaama aan cidii hadashaba aan “Car Juuq Dheh” ku idhaahdo haddii, ay amarka qaadan waayaana aan ku dalbado Boolis soo qabqabta bilaa sharci bilaa waaran dabeetana ku amra in Guddiga Nabadgelyadu, ay sarajooga habeen madow ku xukumaan sidaasna jeelasha aan uga buuxiyey amardiidooyinkaas Qurmista ah; waad ogtihiin inaan saxaafiyiintii Haatuf aan jeelka Mandhera dhexdiisa ku xukumay!!

Maadaama aan haysto Wargeyska Maandeeq oo la mid ah Xigta Oktoobar; Radio Hargeisa oo la mid ah Radio Faqash iyo TV-qaranka oo aan weliba kor ka haysto idaacadaha kale ee madaxa banaan oo aan ku amray inaaney Silaanyo, Cabdiraxmaan Tolwaa, Ina Maxamed Kaahin, Muuse Biixi, iyo kuwa la midka ah ee FAQASH DUMISKA ah aaney warkooda ka soo deyn; iyo anigoo guud ahaan Saxaafadiina xornimada ka qaaday oo hore aanu ugu guuleysaney inaanu Wargeyska Jamhuuriya adhaxda ka jebinay haatana aanu Wargeyska Haatuf dhegaha ka garaacnay oo aanu weliba hoostaas ka iibsaney ama hoostaas ka taakuleyno dhowr shabakadood sida uu yeelay Jaalle Cabdullahi Yuusuf-Yey kuwaasoo ka mid ah www.awdalnews.com, www.qarannews.com, www.hadhwanaagnews.com, www.somalilandpatriots.com, www.halganews.com, www.togdheernews.com, www.radiosomaliland.com, www.somalilandnet.com, www.saaxil.com, iyo qaar kale oo u badan kuwa Reer Awdal—waxana meesha ka buuqayana, ay yihiin koox yar oo Qurmis ah sida www.sooyaal.com, www.somaliland.org, www.somalilandcenter.com, www.golisnews.com, www.waridaad.blogspot.com, www.somalilandembassy.com, iwm kuwaasoo waxba naga ogolaan waayey, hase yeeshee, aanu ku jirno curyaamintooda maadaama ay wada Kacaandiid yihiin!!

Waxa kale oo uu candadowlkan u dhaqmaya sidii KATAN FAALSO/LAXDII GAWRACA SEEGTAY kaasoo Reer Burco, ay aakhiirkii dhegta dhiiga u dareen, ina leeyahay:

Waan dhameysanaya shantii sannadood ee la ii soo doortay; Is Casilaadna igu qasbi kari meysaan, aniguna inaan iskay isu casilo ha u fadhiyina oo weliba Golaha Wakiilada ee shacabku soo doortay xil ka xayuubin ugu sameyn kari maayaan oo waxaan haystaa Hantidii Qaranka oo dhan iyo kumaanaan malyuumaad oo aan dhowaan soo daabacday Golaha Guurtidana anigaa mudada u kordhiyey oo wada UDUB; Maxkamada Sarre iyo mida lagu sheego Maxkamada Dastuurigana aniga ku wada hor kaaja; Guddigii Doorashooyinkana ee aan dhowaan Golaha wakiilada soo hordhigay uun baa meesha ka soconaya taasoo uu aad igu taageeray Taliyaha Dhabar Jebinta Xisbiyada Mucaaradka ee kartida badan lehi ee sida jirjiroolaha isu bed bedela ee sida aan doonayo u jahaawareeriyey Xisbiyada Mucaaradka ee ii suurto geshay inaan nidaam Keli Talisnimo ah la soo baxo ee Qurmista xumi ee Hargeisa u bixisey CAMBARO BAQASH taasoo aflagaado ah kuna amarney in CID-du baadhitaan ku sameyso soo qab qabtaan kuwii dembigaas Qaran Dumiska ahi ka dambeeyey; waxaanan hada ku hawlanahay inaaney doorashadii Golaha Degaanka iyo mida Madaxweynahaba aaney dalka ka dhicin oo waa u jeedaan inaanu dagaal aan la fahmi karin aanu Bariga ka bilownay sidaasna aanu ku amarnay in Saleebaan Gaal uu ku dhawaaqo in :”Dalku Ku Jiro Xaalad Dagaal” taasoo sida uu Dastuurku dhigaayo noo fasaxeysa in aanu doorashada dib u dhigno sidaana mudada la igu kordhiyo—haddii doorasho dhacdana, anigaa mar walba ku guuleysan doona ee ha is waalina, yaan idiinka sii darrine oo is naba ilaa iyo inta Jaalle Cabdullahi Yusuf-Yey uu kala sifeenayo Koonfur Somalia markaasoo la dhameystiri doono hawlaha dhiman ee nidaamka Federaalka lana soo celin doono midnimadii iyo karaamadii Qaranka Somalia!!

Hadal iyo dhamaantii, waxa uu Candadowlku hadal ku soo gabogabeeyey: Ha karaamo seegina, habaar laygu kari waaye ee ama i dila ama iska key dhaafa taasoo u baahan inaanu inaguna ka tashano, wixii aanu ka yeeli nahay yaanyuurtan libaaxa ismooday.

TALO:

Waa in Riyaale si deg deg ah xilka looga xayuubiyaa si qadyada iyo jiritaanka Somaliland loo badbaadiyo; Haddii sida uu ku andacoonayo, ay Reer Awdal-na ay Riyaale Somaliland ku yihiina aanu aragno; hadii kalena hadaba ha inaga qabteen intaanu dhiig daadan.

Maadaama uu Riyaale ina leeyahay cid wax iga qaadi karta ma jirto (Ha karaamo seegina, habaar laygu kari waaye), waa in si deg deg ah, Ciidanka Qaranku sameeyaan Inqilaab Militari si qadyada iyo jiritaanka Somaliland loo badbaadiyo isaga iyo xulufadiisana la wada qabtaa oo maxkamad la soo taagaa oo Khiyaamo Qaran iyo Qaran Dumis lagu xukumaa.

Haddii, labadaas arrimood ee kor ku xusan la fulin kari waayo, Waa in la Khaarijiyaa oo meydkiisa wadooyinka Hargeisa lagu jiidaa si loogu quus gooyo Faqash dambe oo ina soo haweysta; waana in dabadhilifkiisana la soo wada qabtaa qaarna dhegta dhiiga loo daraa qaarna xabsi dheer lagu xukumaa.
Haddii uu inaga baxsadona, Eebe kama dhigo ee, waa in Qurbajoogu, ay isaga iyo hantidii uu dalka ka dhacay la daba galaa oo weliba lagu soo oogaa xasuuqii uu Berbera ka geystay.

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: