Monday, May 28, 2007

Cawiloow Ma Kula Tahay Inaad Naga Deyso Hadimada, Xumaanta Iyo Dhabar jabinta.

(Waridaad)-Aakhristayaasha sharafta leh waan idin salaamaya meelkastood joogtanba. Baryahanba waxaad mooda in ay hawlo badani oo aan hore loo arki jirini soo baxayaan maadaama ay socodaan shirar iyo gacan haadis badan oo xagaa konfuur ka soo yeedhaysa, waa iska caadi in ay ragga badani ku karaamo seegi doona jawigan cusub ee inagu soo kordhay.

Waxa la yidhi ABEESA LAGA SHEEGAY MARKA EEBE JALEECONA AWRAARSAAN IS IDHAA MARKAAN AADMIGA FIIRSHANA AARSO BAAN IS IDHAA, Marka aan eego ragga hogaanka inoo haya aragtidood gaaban iyo xigmada la'aanta ka muuqata warsaxaafadeedkooda waxan is idhaahdaa alle yaa afka qabta oo aamusiya waa halkay Soomaliduna ka tidhaahdo Afaanad laheyn ileyn ma qaban kartid.

Waxan leeyahay Wasiirka Maaliyad maadaama aanu ka mid aheyn xisbiyada qaran ee maanta xisbiga qaran inaad ka deyso aflagaadadan iyo daacayda mas'uuleynta qaran ee aan wax xil ah ka heyan dalka, waayo maaha ilaa maanta xisbi sharciyeysan kuna soo biiray axsaabta qaran ee Soomaliland.
Waxan islaha mar uunbuu Cawil Cali Ducale wax u kordhi doonan oo u badali doona afxumada iyo isku dirka beelaha Somaliland gaarahan kuwuu ka soo jeedo.
Wuxu caadeystay inuu eedeyo beelaha isaaq ee udub dhaxaadka u ah Soomaliland qarannimadeed waxna ka sheego aan jirin.
Wuxu caadeystay inuu ka hor keeno beelaha kale ee ay walaalaha yihiin ee Reer soomaliland.
Wuxu caadeystay inuu Madaxweyne Rayaal ku beer la xawsado hadal aan xigmad sidaasa xambaarsaneyn.
Wuxu caadeysatay inuu been abuur iyo waxan jirin ka sheego beelaha isaaq.
Wuxu ph.d holder ku soo qaatay sidii u beelaha Reer sheikh Isaxaaq fooda isugu galin lahaa.
Wuxu caadeystay inuu qariyo guulaha ay soo hooyen beelaha Isaaq dibad iyo gudaba.
Wuxu caadeystay inuu kala furfuro beelaha Somaliland Islamarkan qoloba meel ku xidho.

No comments: