Wednesday, May 30, 2007

Maxamed Kaahin oo magaalada London kula kulmay Lord Evebury

(Waridaad)-Afhayeenka xisbiga qaranka ee KULMIYE mudane Maxamed Kaahin oo beryahankabooqasho ku joogay dalka Ingriiska ayaa maanta magaalada London kula kulmayLord Evebury oo ah mudane ka tirsan Golaha guurtida ee dalkan Ingriiska (House of Lords).

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen xubnaha kamid ah jaaliyadda reerSomaliland ee u olaleeya qaddiyadda Somaliland oo ay kamid yihiin LulMaxamed Farah, Dr Ahmed Maxamed iyo Cabdi Cabdillahi Xasan. Wuxuu udhacayjawi fiican oo farxad leh.

Waxaana ugu horrayn halkaas hadal dheer oo isugu jira taariikhda soojireenka Somaliland ka jeediyey mudane Maxamed Kaahin oo horuu ahaan jirayWasiirkii hore ee gaashaan dhigga ee Somaliland. Mudane Maxamed Kaahin wuxuukale oo Lordka uga warramay waxyaabihii Somaliland u qabsoomay tan iyomuddadii ay lasoo noqdeen xornimadooda 18 May 1991.

Isagoo ka hadlaaya arrimahaasna mudane Maxamed kaahin wuxuu yidhi"Somaliland waxay ka guurtay nidaamkii hore ee ku dhisnaa qaab beeleedka,waxaanay qaadatay nidaamka ku dhisan tartanka axsaabta badan, waxaanan kufaraxsanahay inay Somaliland leedahay nidaam dhamaystiran oo dimoqraadi ah,doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacayna ay ku heshay magac iyo maamus,waxaanan codsanayaa in xukuumadda ingiriisku ay laban laabto caawimada ay ufidiso ee ku saabsan dhiirigelinta taabogelinta dimoqraadiyadda eeSomaliland".

Mudane Maxamed Kaahin waxaa kale oo Ingriiska ka codsaday inay Somaliland kacaawiyaan dhinaca suggidda ammaanka, daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.

Lord Everbury baa isna sheegay inuu la faraxsan yahay inuu la kulmo MaxamedKaahin, waxaanu sheegay inuu la dhacsan yahay hanaqada iyo horumarkaSomaliland, dawladiina ka codson doono sidii loo dhiirigelin lahaa in laxoojiyo xidhiidhka ka dhaxeeya xukuukadda Ingriiska iyo Somaliland.

Kulankan oo iyana lagu casumay waxtidii madaxweyne ku xigeenka oo beryahanbaku sugnaa dalkan Ingriiska, ayaa ka cudurdaartay inaanay iman karin kulankaniyagoo waftidii madaxweyne kuxigeenku hadda soo gebagebeeyeen socdaalkoodiiay ku joogaan dalkan Ingriiska, haddana usii jiidaan Somaliland.

Waxaa layska gartay in la xoojiyo xidhiidhka madaxda iyo bulshada reerSomaliland la leeyihiin jaaliyadaha dibadaha si looga midho dhaliyoqaddiyadda gooni isutaagga Somaliland.

Mudane Maxamed Kaahin oo la xidhiidhay Golisnews wuxuu u mahadnaqayaa sidiifiicnayd ee loogu soo dhaweeyey dalkan Ingiriiska iyo waddamadii kale eeYurub ee booqashada ku tegay. Waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay ururadabulshada ee jaaliyadda Somaliland ee Yurub, waxaanu sheegay inuu aad uladhacsan yahay sidii fiicnayd ee dibadaha looga xusay sannadguradii 16aad eemarkii Somaliland lasoo noqotay goonni isutaageeda oo laga xusay dacaladadunida. Waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay dhalinyarada oo uu sheegay inayhormuud u yihiin dhaq dhaqaaqyada ay wadaan qurbajooga Somaliland.

Mudane Maxamed Kaahin wuxuu kaloo sheegay in intuu dalkan Ingiriiska joogayhoruu ula kulmay xubno katirsan Baarlamaanka Ingriiska iyo madaxda dawladahahoose ee deggen yihiin jaaliyadaha Somaliland ee uu booqday, sidoo kalena uuballamo kale leeyahay madax katirsan Baarlamaanka iyo xukuumadda Ingiriiskaoo uu kala hadli doono qaddiyadda Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labadadal.. Waxaanu u mahadnaqay xubnaha Jaaliyadda Somaliland ee deggen Ingriiskaoo uusheegay inay dadaalayaan, sidoo kalena iyagu suurtageliyeen kulanadanwax ku oolka ah.

Khaliil Mohamed
maandooriye@hotmail.co.uk

No comments: