Monday, May 28, 2007

Waa dhibic iblays oo halkuu galoba dhiile

(Waridaad)-Hadaladan iska dabo iyo hor imanaya ee ka soo yeedhay wasiirka Maaliyadda Cawil Xuseen isagoo weliba xil sare ka haya xukuumadda Somaliland ayaa u muuqda hadalo loogu talo galay in lagu kala fogeeyo beelaha Somaliland wada dega.

Mar wal oo uu hadloba waxa Cawil hadaliisa aad ka dhadhansanaysaa qabyaalad, kala qayb qaybin, xaalad abuur iyo difaaca Rayaale.

Marka uu leeyahay Gaboose ayaan diyaarad u saaraya Gaalakacyo ma waanu is ogayn inuu kabo leef Siyaad barre u ahaan jiray iminkana uu yahay oo aanu marnaba booskaa ka soo degin.

Marka aad Cawilow leedahay Somaliland xukumi mayo nin aanay Somaliland xuduntiisu ku aasnayni waa marka la garanayo ninkaa cidda dhashay, bal cawil aabihii ma dhali jirine isagu ma garanayaa aabihii.

Ina nuur Fadal ayaa waxa lagu saliday nin abyan la odhan jiray oo la odhan jiray waa meher ka horaysiis, dabadeedna gabay buu u tiriyey title-kiisu yahay Waa dhibic iblays oo halkuu galoba dhiile, waxaan uga jeedaa Cawil waxa afkiisa had iyo goor ka soo yeedha turxaan iyo cilado aan beelaha Somaliland, duqaydeeda, wax-garadkeeda, dhalinyaradeeda aan dhex oolin, taasina waxay cadaysanaysaa inaanu cawil ahayn qof xalaal ah ee uu yahay dhibic iblays oo Somaliland lagu soo tuuray.

Waxa aniga iga talo ah oo aan umadda Somaliland iyo wax garadkeedaba u sheegayaa in ay hadalada cawil ka feejignaadaan waxyaabahan ay xambaarsanyihiin.

Waxaan kale oo Cawil leeyahay Waxba yuu xeerkay i marin xoolona i siine Xaasha-e nin libin kaa xitiyey xumihii waa yaab.

Mahadsanidin

Mohamed H Roble

roble4@gmail.com

No comments: