Wednesday, May 30, 2007

Madaxweyne Riyaale oo u ambabaxay socdaal uu ku tegay Sweden iyo Norway

(Waridaad)-Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa maalmaha soo socda inuu u ambabaxo booqasho uu ku tegayo dalalka Sweden iyo Norway.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa u xaqiijiyey qaar ka mid ah saxaafadda gudaha Somaliland socdaalka Madaxweynuhu ku soo marayo labadaas dal ee ku yaalla Waqooyiga Yurub.

Mudane Ducaale, waxa uu sheegay in Madaxweynaha ay socdaalkaas ku wehelin doonaan isaga oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xaaska Madaxweynaha iyo Xoghayntiisa gaarka ah. Waxana lagu wadaa inuu dalka ka ambabaxo toddobaadkan gudihiisa, isaga oo ku sii hakan doona Addis Ababa, Itoobiya oo uu wadahadalo kula sii yeelan doono madaxda dalkaas, 4ta bisha June-na uu ka degi doono Caasimadda Sweden ee Stockholm.

Wasiirku waxa uu sheegay in booqashadu ay qaadan doonto muddo maalmo ah oo aan la cayimin, waxana uu sheegay in Stockholm uu kula kulmi doono saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, hay'adda kaalmada caalamiga ah u qaabilsan dowladdaa ee SIDA iyo masuuliyiin kale.

Dalka Norway ayaa wasiirku sheegay in Madaxweynuhu sii ambaqaadi doono wadaxaajoodyo socdey oo uu la lahaa Shirkado Macdanta ah iyo mashaariic dhinaca biyaha ah.

Safarka Madaxweyne Riyaale ayaa soo baxay wakhtigan oo Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin uu socdaal ku joogo dalka Ingiriiska. Waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenku ay is weydaaran doonaan, iyaga oo la eegayo in Madaxweynekuxigeenku dalka soo gaadho ilaa Khamiista, ka hor inta aanu Madaxweynuhu dalka ka ambabixin – sida loo badinayo – Sabtida.
Madaxweyne Riyaale ayaa had iyo goor socdaaladiisa ku beega wakhtiga ay dalka ka taagan yihiin xaalado adag oo siyaasadeed. Waxana uu socdaalkan u baxayaa iyada oo uu khilaaf adagi ka dhextaagan yahay isaga iyo Golaha Wakiillada, miisaaniyaddii dowladda ee sannadka 2007 oo golaha Wakiilladu ansixiyeyna ay u xanniban tahay saxeexiisa iyo xubnaha Komishanka Cusub oo la filayo in Sabtida goluhu cod u qaado, kadib markii muddo dheer muran ka taagnaa.

Dad badan ayaa u arka socdaalada Madaxweynaha farsamo uu kaga dhuunto mushkiladaha siyaasadeed ee dalka gudihiisa ka soo wajaha.

C/risaaq M. Dubbad,

Hargeysa, Somaliland

No comments: