Friday, June 01, 2007

INA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN,

(Waridaad)-Waxaan tacsi u dirayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan jaaliyadda Somaliland ee Wales, xaaskii, ubadkii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigaalkii, asxaabtii iyo dhammaan Soomalida meel kasta ooy joogaan. Waxuu ahaa Marxuumku nin ka mid ahaa xidigaha kubadda cagta oo si aan tartan lahayn looga yaqaanay dhammaan magaalooyinka Somaliland iyo Somaliya. Waxuu ahaa nin matalay guulo badana u soo jiiday magaalada Hargeysa. Waxuu ahaa si gaar ah nin aniga iyo jiilkeygu aanu wax badan ku faraxnay ciyaar wanaagiisa iyo hirfadii aad moodi jirtay in lugahiisu maqnaadiis u yihiin kubadda.

Waxaan aqaanay ilaa caruurnimadii isagoo ahaa nin xishood badan, xarago badan oo aad isugu kalsoon. Taasi waxay keentay inuu xilka weyn ee u dagaalanka xuquuqda Gabooyaha u garab rito, waxaana loo doortay Guddoomiyha Gabooyaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waxa lagu yaqaanay cibaado iyo rabi ka cabsi badan. Waxuuna Illaahay waafajiyey inuu ku xijaabto magaalada Makkah oo uu cimro ku tegay.

Waxaan Illaahay marxuum Maxamed Ciise uga baryayaa dambi dhaaf, naxariis iyo inuu ku abaal mariyo janatul fardos. Waxaan dhammaan ehel, qaraabo iyo asxaab iyo beel weynta Gabooye, iyo dhammaan Soomalida badan ee taqaanay marxuumka leeyahay Samir iyo iimaan.

Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Wales
Cardiff, U.K.

No comments: