Monday, May 07, 2007

Maxkamadda Sare Oo Soo Gebagebaysey Dhegeysiga Dacwad Ku Saabsan Go'aankii Mudda Kordhinta Komishanka

Hargeysa (Somaliland.org) – Maxkamadda Sare ee Qaranka oo isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa dhegeysatey Dacwad ku lid ah Go'aankii golaha Wakiilladu muddada xilka ugu kordhiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu Madaxweyne Riyaale u gudbiyey. Waxaana la sugayaa in maxkamaddu go'aan soo saarto maalmaha soo socda.

Dacwaddan oo saaka ka furantay xarunta Maxkamadda Sare ee Ex-Goodirka ee magaalada Hargeysa, waxay u dhexaysey Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Xuseen Cabdi Qaalib oo Madaxweyne Riyaale u soo wakiishay oogista dacwaddaas iyo 3 Qareen ama Looyar oo Golaha Wakiilladu u soo wakiishay difaacooda, iyada oo Maxkamadda oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Lix Garsoore ay dhegeysatey doodda iyo jawaabcelinta labada dhinac.

Dhegeysiga dacwadda ayaa soo gebagebowdey isla maanta Duhurkii.
Waxana uu xidhitaankii Maxkamadda sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane, in Maxkamaddu go'aan soo saari doonto, balse ma cayimin wakhti.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa muddo 2 sannadood ah u kordhiyey xubnaha Komishanka Doorashooyinka 18 February, kadib markii goluhu celiyey 6 xubnood oo Madaxweynuhu u soo gudbiyey. Hase yeeshee, Madaxweyne Riyaale ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aankaas golaha.
Waxa si weyn loo rajeynayaa in Maxkamadda Sare soo saari doonto xukun ay ku burinayso go'aankii Golaha Wakiillada.

C/risaaq M. Dubbad,

Hargeysa, Somaliland

No comments: