Saturday, May 05, 2007

WAA INAYNU DAYAC TIRNAA CIIDANKA QARANKA SOMALILAND

Waxa aan hore idiinku sheegay dibna idiinku sheegayaa in la inooga baahanyahay inaynu dayactirno ciidanka qaranka Somaliland oo weli ay ka muuqato goldaloolooyin u baahan in aan indhaha laga lalin.

Hadaanu nahay qurba jooga Somaliland ee Uk oo aanay ka maqnayn ayna hor kacayaan Mujaahidiintii dhiigooda u soo qubay gobanimada maanta aynu hadhsanayno waxaanu isla qaadanay hal qodob oo ah inaanu kula talino labada gole ee Parliament-ka iyo Guurtida in aan lagu halayn ama loo deyn maamulka ciidanka qaranka Somaliland Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha oo qudha

Ujeedada aanu ka leenahay arintan sare anagoo og waxa dastuurku qorayo ayaa ah in ay noo muuqatay galdaloolooyin badan oo mudoba soo jiitamayey badibana dibeda u soo baxay ka dib markii wasiiro badan laga qaaday jagada ay hayaan ee Gaashaandhigga iyagoo kala kulmay faro gelino qayral caadi ah oo kaga imanaysay madaxda maamul ahaan uga saraysa oo gunta ku haysa in farogelintaasi ay ka soo baxdo inta badan madaxtooyada

Iyo anagoo soo ogaanay in ay jiraan baahiyo badan oo ciidanku uu qabo oo aan waxba laga qaban iyadoo xitaa anay sugnayn tiro-koobka ciidan oo loo maaro waayey sababtana aan ilaa iminka la ogayn.

Hadaba anagoo qurbo jog ahaan diyaar u ah inaanu idinku caawinno wixii karaankayaga ah xag talo iyo taakulaynba waxaanu codsanaynaa in arimahan deg deg wax looga qabto baadhitaanna lagu sameeyo goldaloolooyinka muuqda.

Taladayadu waxay kale oo salka ku haysaa aragti dheer oo aanu ku eegnay duruufaha ina sugaya oo aynu kaga dabaalan karno oo qudha inagoo ka dhisna ciidankeenna dhan kasta.

Mahadsanidin

Mohamed H Roble
London - Uk

No comments: