Saturday, May 26, 2007

"Cid Ku Xadgudubta Qaranimada Somaliland Waxaa La Horkeenaya Sharciga": Waraysi Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Ciro.

"Suldaanka aad sheegaysaana yaanu sharaftiisa wax yeelayn, waxaanan qabaa inuu hungurigiisa ka hadlay ee aanu wax kale ka hadlayn".CIRO

(Waridaad)-Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa digniin u jeediyey cid alla iyo ciddii isku dayda inay magaca somaliland ku matasho wuxuu wasiirku ku tilmaamay shirar ku sheegyada lagu laf jabinaayo qaranimada Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Ciro uu uga digay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir inaanu wax u dhimin sharaftiisa, wuxuuna wasiirku sheegay inaanay xukuumadda Somaliland marnaba aanay kala hadli doono wuxuu ku tilmaamay wax kasta oo qaranimada somaliland wax u dhimaya cid kale.


Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta weraysi khaas ah siiyey Shabakadda Harowo.com weraysiga Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland wuxuu u dhacay sidani.....



Kuji halkan

No comments: