Wednesday, July 25, 2007

Beel ka Mid ah Beelaha Degan Gobolka Awdal oo Damacsan Musharaxnimada Madaxweyne-Ku-Xigeenka Xisbiga Kulmiye

(Waridaad) - Beel ka mid ah beelaha degan Gobolka Awdal ayaa la sheegayaa inay toddobaadka soo socda shir balaadhan ku qabsan doonto degmo ka mid ah gobolka Awdal si ay uga arrinsato sidii ay u keeni lahaayeen musharax u tartama jagada Madaxweyne-ku-Xigeenka oo iska soo sharaxa Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye.

Ilo ku dhow dhow qabanqaabada shirkan ayaa Radio Waaheen u sheegay in uga yaraan lix (6) musharax oo ka soo jeeda beesha Moxamed Case ee gobolka Awdal ay u tartamayaan jagadaa, abaabulkuna uu ka socdo ilaa Djibouti. Ragga ugu fara cad cad waxay la sheegay inay yihiin:

1) Cabdilcasis Ismaaciil Samatar
2) Cumar Yusuf Qawdan
3) Cabdillahi Xaashi Abiib
4) C/raxman Cabdillahi Saylici
5) Caydiid Xaaji Daahir Cilmi - Iyo..
6) Cabdillahi Xasan (BBC
)

Abaabulka shirkan la sheegay ayaa laga dareemay Degaanada Waqooyi Galbeed iyo Awdal iyo magaala madaxda Hargeysa. Waxana la sheegay in Djibouti ay ka imanayaan wufuud ka qaybgalaysa shirkan.
Toddobaadkii hore ayaa waxa Hargeysa lagu qabtay casuumad balaadhan oo ka dhacday Hotel Xaraf oo Cugaasha, Waxgaradka, Salaadiinta iyo xildhibaanada Beesha Moxamed Case ay u fidiyeen xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiilada, ka dibna shir balaadhan ku qabsadeen Guriga Xildhibaan Moxamed Cali Xirsi., halkaas oo si toos ah ku dalbadeen inay beeshaasi qaadato jagadaa M/weyne Ku-Xigeenka ee Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye dhexdiisa waxa ka jira tartan xoogan oo rag badani isu soo bandhigeen jagadaa iyada ah. Iyada oo markii hore la filayey inuu xisbigu jagadaa u sharaxi doono nin ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha degga Hargeysa sidaas awgeedna ay isa soo bandhigeen rag ay ka mid yihiin:


1) Mujaahid Muse Biixi Cabdi
2) Dr. Siciid Axmed Xasan
3) Engineer Cisman Cabdillahi Cigaal
4) Muj. Ibrahim Moxamed Meecaad
5) Cali Moxamed Guuleed Ali Marshaal, iyo
6) Axmed Moxamed Xariif


Waxa iyana hunguri wayn ka hayaa beesha galbeedka Toghdeer oo la sheegay rag ka soo jeedaa inay shirar la yeesheen beelaha kale kana codsadeen in iyaga loo daayo jagadaas. Waxa arrimahaas oo dhami ku soo afjarmi doonaan shirweynaha labaad ee Xisbiga Kulmiye oo aan weli la goyn wakhtigii uu dhici lahaa iyada oo uu dib uga dhacay maalintii shalay ee July ahayd 22.

Source: WAAHEEN online

No comments: