Tuesday, July 24, 2007

Beesha Makaahiil ee Samaroon oo shir ku qabatay Hutel RAYS

(Waridaad) - BOORAMA, 23 July 2007--Shir ay ka soo qayb galeen ganacsato,odayaal iyo Indheergarad ka soo jeeda beesha Makaahiil ee Samaroon ayaa Saaka ka dhacay Huteelka RAYS ee Boorama, Shirkan ayaa ka duwanaa shirar dhaqameedyada ka dhici jiray G/Awdal, Shirkan ayaa sansaantiisu u muuqatay mid cidhibta ku haya shir siyaasadeed loogu gogol xaadhayo doorashooyinka soo socda ee Somaliland. Shir beeleedkan ka dhacay Hotelka RAYS ayaa ahaa mid u furnaa Saxaafada madaxa banaan ee ka hawlgasha G/Awdal, sidaas darteedna saxaafadu ka qayb gashay.

Dhamaan xubnaha ka hadlay madashaas maanta shirku ka dhacayay ayaa muujinayay sida loogu baahan yahay in laga shaqeeyo midnimada G/Awdal iyo beelaha walaalaha ah ee wada dega.

Oday Deheeye Jaamac oo ka mid ahaa duqayda meeshaas ka hadashay ayaa isagu sheegay in beelaha Awdal xaqoodii aanay ku haysan Somaliland loona baahan yahay in la raadsado xaqii ay lahaayeen, hadii ay tahay dhanka wasiirada iyo Agaasimayaasha guud.

X.Daheeye isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi xafiis ka mida xafiisyada dawlada oo ku yaal hargaysa ayaan waayay qof reer Awdal oo ka shaqeeya mar aan gaadhay halkaas, waxaanan idhi waar meeshu ma wadan kalaa miyaanaan wax ku lahayn, wuxuu masuulkii iigu jawaabay waxa laga soo magacaabaa Madaxtooyada ee weydii.?

Qoraal ay hadaba hawl-wadeenada shirku siiyeen saxaafada ayaa waxa ku qornaa in sababta wakhtigan keentay shirkan ay tahay in G/Awdal,Somaliland iyo guud ahaanba geeska Afrika xaaladuhu degdeg isku bedelayaan, taasina ay keeni karto in ay yimaadaan isbedelo siyaasadeed, colaadeed iyo mid dhaqaale.

Dhinaca kalana waxaa laga yaabaa in aqoonsigii aan hiigsanaynay ee Somaliland aynu helno,taasina ay inoo keento faaiido gaara, sidaas darteedna iyaga oo beelaha makaahiil ka shiidaal qaadanaya arimahaas, in beelaha makaahiil sida ugu haboon isku abaabulaan gudo iyo dibad, sidaas darteedna waxaan aasaasnay 37 xubnood gudi fulineed, gudoomiye iyo laba G/xigeen iyo Xoghayn, waxaanan dhisnay shan gudi oo ka kooban, Gudida Abaabulka iyo nabadgelyada, Gudida dhaqaalaha, gudida Arimaha bulshada, gudida dhaqanka iyo garsoorka, gudida xidhiidhka dibada.

Ugu dambayna waxa shirka soo xidhay Gudoomiyaha beesha shiraysay Muxumed Jibril faahiye wuxuuna yidhi waad ku mahadsan tihiin ka soo qaybgalka shirka, waanu inoo xidhan yahay shirku.

Hadaba dadka wax naqdiya ayaa ku tilmaamaya shirkan mid xukuumadu wado, iyada oo hore looga gudbay qaabkiii qabaliga ahaa Somaliland oo loo guuray habka xisbiyada badan, in maanta dib loogu noqdo nidaamkii beelahana ay dib u dhac ku tahay Somaliland iyo reer Awdal guud ahaan. Waxayna ku tilmaameen in arrintan uu maamulka dalka ka jiraa horseed u yahay. Bulshada qaarkoodna waxay ku timaamayeen UDUB oo la shiraysa taageerayaasheeda una gelisay shaadh beeleed si taageero ay ugu helaan xisbigooda.

Si kastaba ha ahaatee arrintan oo qaban qaabadeeda farta lagu godayo masuuliyiinta dawlada heer gobol iyo Qaran ayaa ah weji cusub oo ku soo kordhay bulshada reer Awdal. Halkii bulshada wax qabad loo horseedi lahaana lagu turqayo irbad qabiil.

Dhanka horumarka iyo wanaaga haddii lagaga shaqaynayo nidaamkan ayaa ah mid u baahan in daraasad cilmiyaysan laga sameeyo, balse waxa ka soo baxa wakhtiga soo socda ayaan ka dhursugaynaa.


Xigasho: www.awdalnews.com

No comments: