Tuesday, July 31, 2007

Madaxweyne Riyaale Iyo Shimbirta Cucko

(Waridaad) - Kuuku, waa shimbir ma samaysato cuf ay ku dhasho oo ay ubadkeeda ku korsato. Balse waxay eegata shimbir ay isku ayni dhowyihiin oo dagan. Si kale haddan u idhaa aan foojignayne iska habacsan oo kala daadsan. Markay kuwaa hesho ayay intay ka maqanyihiin cufkooda u waydaarataa oo ay ku dhex dhashaa. Kadibna way iska tagtaa. Shimbrtii cufka lahaydbaa kadib timaad oo ugaxdii ay shimbirta kuuku ku dhashay ku fadhiisata oo iska korsata. Bal umuurta Ilahay dhashii kuukuna sidii hooyadeedbay yeeshaa oo markay dilaacdo ee ay ugaxda kasoo baxdo, maalmo gudahood ayay shimbirihii kalee cufka kula jiray hal hal uga takhalustaa oo ay ka daadisaa cufka. Iyadoo qudha ayaa ku soo hadha, tii aan dhalina way korisaa oo ay u malaysaa inay ilmaheegii korsanayso.

Waxaan uga socdaa Daahir Riyaale Kaahin dalka wuu joogay maalintay taagnayd yaa maali jirayee?

Wuu joogay oo soo jiqilo waynaa maalintii rag kala baxay. Wuu joogay maalintii loo kala baxay in dawladdii Faashiistaha ahayd ee Siyaad Barre la joogta oo u jiibisa iyo in jalowgu ceeryoomay oo jihaad ku soo qaada loo kala saftay. Maalintay Mujaahidiinta SNM ee lagu rayay dalka soo galeen caguhuu wax ka dayay Daahir Riyaale ilayn nafi orodbay ku aamintaaye, wuxuuna u baxsaday Laas Caanood, magaalo madaxda gobolka Sool. Maalintuu fadalka tuuraayay sidii cawl cago ka neefsaday, marna laabtiisa soo may galin dalkan aad ka cararayso maalinbaad imandoonta oo aad madxweyne ka noqondoontaa.Iska daa madaxnimo iyo wuxuu ka naawilee maalintaa lafihiisuu la cararay. Waa suu ogaa inuu dhiig faraha la galay. Haddii anu wax danbi ah galin maalintaa sidaa uma carareen!

Haddaba Riyaale iyo qaar kaloo badan waxay ka mid ahaayeen dadkii Somaliland cafiskii beelaha een xuduudda lahayn

( general amnesty and borderless clemency of Somaliland tribes) dadkii loo fidiyay ee ka faa'iidaysatay buu ahaa. Kadibna ku libaanay, ee ku najaxay. Heer maanta looga taaglaayahay sida shimbirta kuuku ee aan sare ku soo sheegay inuu hal hal u ugaadhsado raggii dalkan iyo midhahan anu tabacan una dhididin, habeen qudhana u soo gaajoon ee maanta u guranayo sababtiisa lahaa. Waa ninka loogu taaglaayahay waar nimacadaa iyo waxaad jaqayso iska jaqoo bal iskaakaaya nabadgeli. Ilayn bixiso kuma bariiso!

Haddaba wixii hore waa saleelee maantaa loo yaabaa oo u kiriimkii ummadda iyo indhaha wiilkoodi farihii iyo damacii kuuku la daf yidhi. Geelowbaa la yidhi, 'waxaad doontaba daaq oo maalintaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa'.

Madaxweyne Riyaale waa ninka guryihii uu markuu hawl gab noqdo ku nasan lahaa ee uu ku raaxaysan lahaa ku aamini waayay inuu Somaliland ka dhex dhisto ee ka dhistay dalka Masar, wabiga Niil (Nile) dacalkiisa.

Madaxweyne Riyaale waa ninka ubadkiisii u aamini waayay dalkuu madaxweynaha u ka yahay inay caruurtiisu wax ku bartaan ee u diray dugisyo ku yaal dalka Masar. Hadday heer jaamicadeed tahay waa maangal. Balse heer dugsi hoose-dhexe-sare, waxay inoo caddaynaysaa inaanu dalka tayayntiisa wax barasho, mid caafimaad iyo mid hor-u-martoona dan iyo muraadtoona ka lahayn.

Madaxweyne Riyaale waa ninka Jaamicadda Camuud ee gobolka Awdal, mararka qaarkood lagu sharifo inuu shahaadooyinka gudoonsiyo ardayda ka qalin jabisa Jaamicaaddaa ee shahaadooyinkooda ay ku qoranathay "Amoud University of Somalia", halka kuwa dhigeeda ah sida Hargeysa University, iyo Burao University shahadooyinka ardayda ka qalin jabisa la gudoonsiiyo ay ku qoranyihiin "Somaliland', een bujuu iyo bajaatoona ka odhan. Oo maxaa ka galay isaga ma danbuu ka leeyahay!

Madaxweyne Riyaale waa ninka beeshiisa oo sooca qasriga madaxtooyada intuu casuumad aan la arag oon la maqal ugu sameeyo kula shira sidii oo u yahay, suldaan, ugaas, garaad ama chief caaqil beeshiisa kula shiraya aqal uu isagu iska leeyahay!

Madaxweyne Riyaale waa madaxweynihii ugu horeeyay dunida ee halka madaxweyneyaasha addunayadu dalkooga wax u soo kordhiyaan kol ay dalal kale ku duulaan oo dabeeto qabsaadaan, isagu soo duubay dalkiisii ee xuduuda intuu Laas Caanood ka soo raray keenay Caynaba.

Madaxweyne Riyaale waa madaxweynihii u horeeyay dunida ee askar qalab dagaal oo macaa gaadiidkii wata la baxsatay ee la talawday, markii la war galiyay, halkuu baadhitaan iyo arrin kale ha lagu dhaqaaqo odhan lahaa, yidhi, "oo maxaa ka macna ah wiil yaroo gaadhi tignika ah la baxsaday", sidii wuxuu dal dalalkan hore u maray oo kale oo wax walba tahli karaya u madaxweyne u yahay.

Madaxwyne Riyaale waa ninka siyaasaddiisoo dhami ka dhamaan wayday inuu afka mucaaridka ku mashquulo kuna fooganaado sideed u kala qaybisaa iyo sideed u kala jabisaa ee iska ilaaway in dal dhan iyo ummad dhan uu madaxweyne u yahay, oo dalkan laga sugayo loogana fadhiyo inuu halkii maalintii u talada qabaty joogay hore-uga socdo, waxna u soo kordhiyo, ee shantii sano kaga dhamaatay isagoon irbadna dhuub galin.

Madaxweyne Riyaale waa madaxweynehii inta madax Somaliland soo martay ugu balan qaad badnaa ee intaasoo balan mid qudhihi ka fushay, waa tii doorashooyinkee.

Ma dhamayn karayo haddaan kaalinta dabada u qabto, balse intaasaan ku dhaafayaa.

Gabogabo

Xili la sugaa ma hadhin. Hadal la is yidhaana ma hadhin. Qoraal iyo qalin iyo yawyaw meelaha la isla taagaana macno ma laha. Baarlamaanka sharciyadii ay dejiyaan iyo xeerarka ka soo burqanaya cidi uma joojiso, cidina kama hoos qaado, dhegna looma jalaqsiiyo. Maxkamadaha Somaliland dheg kaliya ayay leeyihiin dhegtaana waxa ku adinta dawladda.Dalku idaacado iyo telifishan ummadda wada gaadha malaha.Inta war baahinta dawladdu gaadhana dawladda ku adinta, oo afka dawlddoon biyo is maribaa ka jibaada.Lama samayn kari waayine waan la rabin in la sameeyo. Labada nin ee koomishanka loo qalqaalinayo lama badali kari waayine waan la rabin in la soo badalo.Waxa iswaydiin mudan guurtidu gardarro ay iyadu idaylkeed leedahay, ma aha badhkeed sida ay dadka qaarkii u dhigaan, ma ka gar niqi kaartaa? Jawaabtu waa maya.Horaan uga qoray qoraal aan ku bayaamiyay in madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin iyo Guurtidu ay shuraako yihiin. Kuna shuraakoobeen in ay dalkan gar iyo gardarroba raqaan intay raqi karaan. Kolbana mid abaal u dhiganayo kan kale. Oo haatan guurtidu abaalkii Riyaale u galay ee ahaa inuu 4 sano oon distoorka meelna kaga oolin, balse jeebaddiisa u ka siiyay, guurtiduna ku caano maashaye. Maantana Guurtidu rabto inay abaalkii ina Riyaale u galay ay soo guddo. Waxaasoo guddi iyo rag shaarubada miiqayaa ay u qam iyo dig leeyhiin inay Madaxweynaha shan sanoo kale oo xoogga ka maso ah ay miiska u saaraan.

Talo waxay joogtaa shacabka Somaliland ee foojigan ee geesiga ah ee aan gabashada aqoon inuu dalkan iyo ummaddan ka badbaadiyo hororada isku bahaystay inay dalkan gar iyo gardarroba jimdhadaan, jaqaan, ugu dambaysana raba inay sidii jirfaca jilbaha u yuurariyaan.

Mohamoud H. Nugidoon

OTTAWA, CANADA

Mgabiley@yahoo.ca

No comments: