Wednesday, August 01, 2007

BAYAAN : CADDEYN XILKA XISBIGA KULMIYE EE UK

(Waridaad) - Annagoo tixraacayna hadalkii ka soo yeedhay ninka Magaciisa la yidhaa Maxaned Aar cabdillaahi oo ka mid ah qurbo joogta reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo haatan socdaal ku yimid Caasimada Hargeysa, kaasoo dalka soo gaadhay maalintii ay bishu ahayd 30kii July 2007, kadibna wareysi ku bixiyey Qolka nasashada ee madaarka Hargeisa ee Egal International Airport, kaasoo sida ay soo warisay Joornaalka Jamhuuriyaee soo baxay 31July 2007 ee tirsigiisu ahaa 3311, Maalintii salaasadii ku sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Dalka Ingiriiska , ayaa waxaanu halkan ku caddeynaynaa in aanuu Maxamed Aar Cabdillaahi ahayn xilkaasi uu sheegtay.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Ingiriisku waa Mujaahidka la yidhaa Ibraahim Xuseen ( Dakhare),oo xilkaasi loogu doortay shirweynihii Xisbiga ee London 19kii May 2007.

Waxaa iyaduna xusid mudan , in Maxamed Aaar Cabdillaahi iyo Guddigiisii uu xilkoodu ku eekaa bishii February 2007, xilligaas oo uu bilaabmay u diyaargarowgii shirweynuhu, waxaana uu Maxamed Aar noqday Musharax mar labaad, waxaana isla sharaxay , gudoomiyaha hadda ee Ibraahim Xuseen, kadibna markuu Maxamed Aar yiqiinsaday in aanuu mar labaad soo baxayn , ayuu furitaankii shirweynaha oo ay laba maalmood ka hadhsan tahay uu warbaahinta geliyey is casilaad uu xilkaasi iska casilay, isagoon xilba hayn , oo ay mudadiisi dhammaatay., taasoo lafteedu ahayd been uu warbaahinta ka sheegay.

Sidaasi darteed, waxaanu u sheegeynaa bahda Warbaahinta inay iska hubsato wararka la siinayo iyo xilalka aan jirin ee la sheeganayo,isla markaana ay macluumaadka ay Xisbiga ka doonayaan kala xidhiidhaan cidda talada Xisbigu ka go’do.

Mohamed Aar waxaanu leenahay af caytami adigaa leh, wixii kaa raacana haka guban, waxaanuna kuu sheegaynaa in cidda talada Xisbiga Kulmiye u taalaa ay tahay xubnaha Xisbiga iyo Madaxdooda.

WA BILAAHI TAWFIIQ


JIBRIIL CALI MUUSE

AF-HAYEENKA XISBIGA KULMIYE UK

No comments: