Thursday, August 02, 2007

Warbixin: Shir Beeleedka ka dhacaya Tuulada Weeraar iyo Dareenada Kala gedisan ee laga Dheehan Karo Wacyiga Siyaasadeed ee beesha Axamd Yoonis (Jibrii

(Waridaad) - Warbixin: Shir Beeleedka ka dhacaya Tuulada Weeraar iyo Dareenada Kala gedisan ee laga Dheehan Karo Wacyiga Siyaasadeed ee beesha Axamd Yoonis (Jibriil Yoonis, Samaroon).

Tuulada Weeraar, oo 90 km woqooyi galbeed kaga toosan magaalada Boorama, ayaa la filayaa inuu ka bilaabmo shirbeeleed tuhun badani ku gadaamanyahay oo ay isugu yimaaddaan Beesha Reer Axmed (Jibriil Yoonis, Samaroon) oo ka mid ah beelaha G/Awdal. Dhwrkii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxa magaalada Boorama ka socday abaabul laxaadle oo loogu jiro qabashada shir beeleed la filayo inuu ka dhaco tuulada Weerar.

Shirkaas oo sida wararku tibaaxayaan la filyo inay isugu yimaaddaan madax dhaqameedyo, xoola dhaqato, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo kaso jeeda ardaayada beesha la yidhaa Axamad Yoonis (Reer Axamad) oo ah beeshii uu ka soo jeeday Allaha u naxariistee ruug caddaagii Adan Isaaq.

Inksatoo aan si cad loo shaacin qabashada shirkaasi, balse guuxiisa ayaa tan iyo toddobaadkii horeba laga hadal hayey Magaalada Boorama iyo qurbahaba, iyadoo raxantii u horreysay ee dadka ka qaybgelaya shirkaasi ay tuuladaasi u ambabaxeen labadii casho ee u dambaysay, qaar kalena la filayo inay tuuladaasi tegi doonaan ilaa berrito.

Warar kale oo xog ogaal ah ayaa sheegaya in maamulka dawladda ee gobolka Awdal uu isku dayey inuu baajiyo qabasgada shirkaasi, balse uma suurtagli weyday inay joojiyaan shirka, waxaana guul darodaa loo aanayaa sida wararku ay tibaaxayaan in aanay haataan jirin siyaasiyiin miisaan leh oo beeshaasi ka soo jeeda kana mid ah xukuumadda madaxweyne Daahir Rayaale, kuwaas oo maamauaalka gobolka kala qaybgeli lahaa joojintiisa shirka.

Dadka qaban qaabinaya shirka ayaan weli shaaca ka qaadin ajendaha lagaga hadli doono shirka dhexdiisa iyo hadii baaq laga soo saari doono, balse nin ka amid ah oo ka cudurdaartay in la magacaabo, ayaa ii sheegay in ujeedada shirku tahay mid ka madax bannaan siyaasad, isla markaana lagaga hadli doono afar qodob oo kala ah:

1. In la iska cafiyo cadhadii iyo khilaafyadii jilibyada beeshaasi soo kala gaadhay wakhtigii lagu jiray doorashdii Madaxweynenimada, iyo tii ka dambaysay ee golaha Baarlamaanka.
2. In beeshu dib u eegto xaaladda nolololeed ,dhaqaale iyo bulshaba ee ay maanta ku sugantahay
3. In beeshu ka wada hadli doonto sidii ay u yeelan lahayd hoggaan cusub oo mideeya iyo
4. Sidii beeshu ay mustaqbalka horumar dhinacyo badan leh u gaadhi lahayd.

Haddaba markaad eegto ajendaha shirka ka dhacaya Weerar iyo wararka kale ee la xidhiidha, ayaa waxa muuqata in Ardaayada Beesha Reer Axamed, iyaga oo ka duulaya duruufahii soo maray intii Soomaaliland jirtay, gaar ahaanna intii madaxweyne Rayaale xukunka dalka qabtay, ayey maanta xubno ka tirsan beeshaasi dareensanyihiin inay soo gadhay dibudhac dhinacyo badan leh, haba ugu daraato dib u dhac kaga yimid dhinaca siyaasada.....

Halkan ka sii akhri maqaalka

No comments: