Saturday, August 04, 2007

DR. DIXOOD OO XUKUUMADA ARRIMO BADAN SI BA’AN UGU DHALIILAY XILKII UU HAYEYNA ISKA CASILAY

(Waridaad) - Maddaxa Ictiraaf raadinta Somaliland Dr. Cumar Cilmi Dixood, ayaa iska casilay xilkii ictiraaf raadinta Somaliland ee uu Madaxweyne Rayaale u magacaabay.

Is-casilaadan waxa uu Dr. Dixood ku sababeeyey arrimo ay ka mid yihiin Ciidamada bariga Somaliland ku sugan, gaar ahaan Dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhex maray Dhahar ee Wasiirka Gaashaandhiga Xilka lagaga qaaday iyo Xadhiga Hogaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka Qaran.

Sidaa waxa uu ku sheegay Dr. Dixood Waraysi uu la yeeshay Joornaalkla Geeska Africa ee ka so baxa Magaalada Hargeisa.

Waxa ay ahayd Su’aasha ugu xiisaha badan Su’aalaha wargaysku weydiiyey Dr. Dixood DIGTOORE WAXAAD TIDHI MADAXWEYNAHA ICTIRAAFKA WAA LAGALA NOQONAYAA YAA KALA NOQONAYA?
Dr. Dixood oo Su’aashaas ka jawaabaya waxa uu yidhi “waxa kala noqon dooba Ummadda, hadana waabay bilaabantay,…… way bilaabantay baan ku idhi, waxa weeye askriga Rayaale ilaalinaya iyo askariga joogaa qoriga isagaa leh, darajo ay sitaan ma jirto, fayl malaha xuquuq ma laha, waxa shalay dhacday in Ciidankeenu laascaanood dagaal ka galay. Hadii uu Madaxweyne yahay markii Askartiisii la gaxaystay, kamuu daba tagin oo war kamuu soo saarin mana uu odhan hadii aan Ciidankayga la soo celin Laascaanood ayaan soo gali. Shalay markii Ciidankiisii iyo Wasiirkiisii Dhahar Dagaalka ku galeen, dagaalka oo socda ayuu Wasiirkii Casilay, Dalka ma wada Xukumo Madaxweynuhu Dadka ISAAQA ah oo keliya ayuu dalkooda ka taliyaa oo uu taageero ka haystaa. Hadii uu iyagan ku gardaroodo oo wixii ay samaysteen oo uu bur-buriyo waxa aanu u qaadanaynaa darmadii aanu fidinay ee aanu u bixinay Somaliland inuu duuduubaayo, barina uu doonaayo inuu kabriid ku qabto wax kale oo aanu eeganaynaana ma jirto.

26 sanadood ayaan soo halgamaayey, ma waxa aan u soo halgamaayey in Mohamed Xaashi iyo gaboose inta la iska kaxaysto xabsiga la dhigo, meeday Gobonimadii aan u soo halgamay?........ meeday wixii aan u soo dagaalamay?.. mee wixii ay Dadka lafahooda roobku u soo saarayaan u soo dagaalameen ee ay ku dhigteen?... miyaanan imika arkayn wax ka daran wixii ay Gaani iyo Morgan samaynayeen. Waxa aan hubaa Gaani isaga oo og waxa ay dadkani soo mareen in aanu ku kaceen waxa ay Ragga qaar maanta ku kacayaan”.

Mohamoud Mohamed Hashi
Somaliland Future Online

mxaashi@somalilandfuture.com

No comments: