Saturday, August 04, 2007

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Go’aamisay in Xabsiga Lagu Sii Hayo Masuuliyiinta Ururka Qaran

(Waridaad) - Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa go’aamisay in muddo todoba cisho ah oo kale Xabsiga loogu sii hayo Hogaamiyeyaasha Urur Siyaasadeedka Qaran oo Jeelka Madheera loo taxaabay Sabtidii todobaadkii hore.

Garsoore Siciid Yuusuf Cabdi ayaa saxaafada Galabta u sheegay in Gudoomiyaha Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose Iyo Labadiisa Ku xigeen Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim Maxkamadu ay guda geli doonto dacwadooda shan maalmood ka dib.Garsoorahaasi wax faahfaahin ah kama uu bixin sababta maanta loo horkeeni waayay Maxkamada.

Masuuliyiintan ayaa ku eedeaysan inay si sharci darro ah u furteen Urur Siyaasadeed aan sharci ahayn oo sida ay xukuumadu sheegtay ay ku khal-khalinayaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo hore ugu mudaysnaa inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada Bisha December ee fooda inagu soo haysa.

Waxa kale oo lagu eedeeyay inay Gobolada wadanka ka bilaabeen Olale Siyaasadeed oo aanay ruqsad u haysan,halka ay iyaguna si adag u beeniyeen eedaymahaasi,waxana ay ku doodeen in shuruucda iyo Dastuurka Somaliland aanu ka horjoogsanayn inay muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay isu abaabuli karaan Ururo Siyaasadeed oo shantii sanadoodba mar la furan karo si ay uga qeyb-galaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.
Qareenka u doodaya Masuuliyiintaas oo magaciisa la yidhaahdo Ibraahim Iidle saleebaan ayaa Saxaafada Maxaliga ah u sheegay in dib udhiga Maxkamadu aanu ku fadhiyin sharciyad.

Xadhiga hoggaamiyeyaasha ururka diwaangelintiisa muranku ka taagan yahay ee Qaran,ayaa fikrado iska soo horjeeda ay ka bixiyeen ra’yul caamka Bulshada Somaliland iyo Xisbiyada Qarankuba.

Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa

No comments: