Friday, August 24, 2007

Faallada Warka: Jawiga Siyaasadeed ee ka Jira G/Awdal oo Markale Cirka Isku Shareeray

(Waridaad) - Magaalada Boorama oo ah xarunta G/awdal, ayaa tan iyo shalay laga dareemayey isbedel dhinaca siyaasad ah oo soo food saaray ka dib markii ay isku beegmeen labo arimood oo aan isku xidhnayn laakiinse saamayn weyn ku yeelan kara doorashooyinka ku soo foole Somaliland iyo gobolkaba. In mudo ahba waxa isa soo tarayey shir docdoceedyada ka dhacaya daafa Somalland oo dhan, iyada oo ay bilaabantay sababo la xidhiidha tartanka iyo lolanka ka dhex jira asxaabta qaranka awgeed in ay beelaha Somaliland marba dhinac u dulaamaan, iyaga oo ka shidaal qaadanaya shakhsiyaad door ah oo mansab raadis ah.

Waa tan ugu horeyse waxa la soo gabogabeeyey shirkii ka socday tuulada Weeraar ee ay isugu yimaadeen ardaayada beesha Axamad Yoonis, inkasta oo aan baaq rasmi ah wali laga soo saarin dhamaadkii shirka, iyada oo wararka qaarna sheegayaan in go'aamadii lagu heshiiyey la shaacin doono sabtida soo socota, waxay warar hordhac ah oo la isla dhex marayo magaalada Boorama sheegayaan in beeshu ku heshiisay in Ibraahim Magan Nuur oo horey Maayar uga ahaan jirey magaalada Boorama, loo magacaabay inuu majaraha u hayo hogaanka siyaasadeed ee beesha.
Waa tan labaade xaflad maanta lagu sameeyey Huteel Maansuur oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Masuuliyiinta sare oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, xubno ka tirsan labada guddi fulineed ee Xisbiga, Xildhibaanada Golaha Wakiillada, ayaa lagu soo dheweeyey siyaasin iyo waxgarad ka tirsan beesha Maxamed Case (Samaroon), kuwaas oo ku biirray xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye. Waxa kale oo intaa dheer iyada oo qaar ka mid ah isla beesha Maxamed Case shalay soo saareen baaq ay ku taageerayaan madaxda ururka Qaran ee ku xidhan xasbiga Madheera.

Maqaalkii oo dhan

No comments: