Saturday, August 25, 2007

Maxaa ka soo baxay kulankii Rayaale iyo Meles Zenawi

(Waridaad) - Maxaa ka soo baxay kulankii Rayaale iyo Meles Zenawi
Wararka naga soo gaadhaya Adis-ababa ayaa sheegaya in uu soo gebo geboobay kulankii fool-ka foolka ahaa ee u dhexeeyey Madaxweyne
Riyaale iyo Meles Zenawi.

Kulankaas oo inta badan lagu lafo gurayey sidii Ethiopia ay gacan uga
geysan lahayd doorashada soo socota ee Somaliland, ayaa lagu heshiiyey
dhowr qodob oo u fududaynaya mudane Riyaale sidii uu kursiga
madaxweynenimo ugu sii fadhiyi lahaa.

Qodobada ugu muhiimsanaa kulankan ayaa ahaa.

In xabsiga lagu hayo maamulka Qaran inta ka horeysa doorashada
deegaanka ee dhici doonta December 2007, sababtoo ah iyagoo gacan siin kara xisbiyada mucaaradka ah siiba Kulmiye oo awoodiisu sii kordhaysomaalinba maalinta ka dambaysa.

In Ethiopia ay ku caawiso Somaliland ciidan qalabkiisu uu u dhan yahay
oo suga nabad gelyada inta doorashadu socoto, hadii ay muuqato in
xisbiga dalka haya cidhiidhi la geliyona ay maamulka dalka la wareegi
doonto Ethiopia.

Arintan ciidanka waxa loo xilsaaray Abbaanduulaha Ciidanka Somaliland, Somaliland's chief of staff oo ku weheliya socdaalka madaxweyneRiyaale iyo dhigiisa Ethiopia.

Gunaanadkii waxa dad badani is weydiinayaan maxaa kelifay in
Madaxweyne Riyaale farta loogu yeedho isagoo wata Abbaanduulihii
Ciidanka Somaliland kadib ogolaanshihii uu ogolaaday qodobadii ay ku
heshiiyeen isaga iyo gudigii dhexdhexaadinta qaranka ee Somaliland.
Inagoo og in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil iyo Wasiirka
Gaadiidka Siciid Sulub ay dhowaan ka soo laabteen Adis-ababa oo horeba dadku isula dhexmarayeen warka ciidanka la damacsanyahay in la keeno Somaliland ayay arimahan sarena xaqiijinayaan in warkaasi uu uu xaqiiqo u dhowyahay.

Geedi Axmed Muuse

gamuuse@googlemail.com

Freelance Journalist
Hargeysa, Somaliland

No comments: