Monday, August 27, 2007

Labadii xubnood ee Komishanka oo mar kale ku guuldarraystay ansixinta Golaha Wakiillada: Xubin cusub oo fadhiga laga tukhaantukhiyey

(Waridaad) - Hargeysa – Labadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee Golaha Wakiillada ayaa mar kale codka kalsoonida ka waayey Golaha Wakiillada, taasina waxay soo afjartay olole adag oo 48kii saacadood ee saaka ka horreeyey ay wasiirrada iyo xisbiga UDUB ugu xusul duubnaayeen iyo caddaadis adag oo xukuumadda iyo Guurtidu ku hayeen Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo ay ku khasbayeen inay mar kale golaha horgeeyaan si cod loogu qaado.
Labada xubnood oo ay soo xuleen Guurtidu, oo kala ah: Muuse Axmed Cumar (Muuse Madoobe) iyo Maxamuud Cabdi Xaamud (Nayn), waxa ay mar kale waayeen codkii ay ku ansaxayeen oo ahaa Aqlabiyad buuxda (42 cod).

Golaha oo ay fadhiyeen 70 xubnood, waxa ogolaaday Muuse Axmed Cumar (Muuse Madoobe) 39 mudane, waxa diiddey 18, waxaa ka aamusay 12, guddoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale, Maxamuud Cabdi Xaamud (Nayn) waxa ogolaaday 38 mudane, waxa diidey 21, waxaana ka aamusay 10, isla markaana guddoomiyuhu muu caddayn.

Guddoomiyaha ayaana ku dhawaaqay in labadaa xubnood ay waayeen codkii ay ku ansaxayeen.

Diyaargarowgii iyo rafadkii UDUB:

Fadhiga maanta oo aad loo sugayey, lagana dareemayey madasha diyaargarowga labada dhinac – Muxaafidka iyo mucaaridka – waxaa ka soo qaybgalay xubnaha Ergada dhexdhexaadinta khilaafaadka Golayaasha oo iyagu go'aamiyey in Golaha Wakiilladu mar kale cod u qaado labada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, wasiirro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiin mucaarid ah, dad ka socdey ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweyne kale. Waxana uu shirguddoonku golaha hortiisa ka akhriyey marxaladihii uu soo maray kalfadhigan aan caadiga ah iyo heshiiskii laga gaadhey khilaafaadka golayaasha ee ergada dhexdhexaadintu soo saareen.

Fadhigan oo shalay dib loo dhigay kadib markii uu geeryoodey xildhibaan ka tirsanaa Golaha oo laga soo doortay Gobolka Sanaag kana soo baxay xisbiga UDUB, waxa isla saaka la soo geliyey fadhiga xubinta buuxinaysa kursiga uu ka baxay xildhibaanka Geeryoodey, Mr. Ibraahim Carraale Cabdi (Ruush) oo ugu horreeyey kaydka xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag, kadib markii isla saaka Maxkamadda Sare u soo dhaarisay xilka.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha Golaha, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ku amray mudanaha cusub inuu ka baxo golaha ama uu fadhiisto qaybta loogu talagalay dadweynaha, isaga oo sheegay in buuxinta jagadaas loo maray nidaamkii sharci.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xubinta ka bannaanaata Golaha Wakiilladu uu toddoba maalmood gudahood ugu caddeeyo Komishanka xubintaa bannaanaatay, si ay u soo gudbiyaan xubinta buuxinaysa ee kaydka, kadibna Shirguddoonku u gudbinayo Maxkamadda Sare si loo soo dhaariyo.

Xubintaas oo Golaha uu keenay saaka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, waxa ay xubnaha xisbiga UDUB ee Goluhu isku dayeen inay difaacaan fadhigiisa, ugu dambayntiina Booliska golaha ayaa dibadda u saaray.
Tallaabadan ayaa ahayd mid muujisay cod qaadista ka hor in xukuumadda iyo xisbigeedu ay caalwaa ka taagan yihiin olole dhaqaale badani ku baxay oo ay mudanayaasha golaha kaga doonayeen codka ay ku ansaxayaan.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

dubad@Somaliland.com

No comments: